{"id":12978,"date":"2013-02-27T23:49:55","date_gmt":"2013-02-27T20:49:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=12978"},"modified":"2013-02-27T23:49:56","modified_gmt":"2013-02-27T20:49:56","slug":"maamulka-kismaayo-iyo-dawlada-dhexe-oo-arrinkoodu-kusoo-ururey-ninba-tabartiis-ama-taagtiis","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/02\/maamulka-kismaayo-iyo-dawlada-dhexe-oo-arrinkoodu-kusoo-ururey-ninba-tabartiis-ama-taagtiis\/","title":{"rendered":"Maamulka kismaayo iyo dawlada dhexe oo arrinkoodu kusoo ururey ninba tabartiis ama taagtiis."},"content":{"rendered":"<p>Dawlada dhexe ee soomaaliya iyo maamulka kmg ee kismaayo ayaa si aad ah u kala fogaadey iskuna fahmi waayey habka loo wajahayo maamul u sameynta gobolada jubooyinka.<\/p>\n<p>Waxaana hadda muuqanaya shirar iyo abaabul bushada ah oo dawladu ku rabto in ay cadaadis uga dhigto maamulka uu hugaamiyo shekh axmed madoobe,halka dhanka kale ay maamulkaasi iyaguna sheegeen in ay ka go&#8217;antahey maamul ay goboladaas u sameystaan.<\/p>\n<p>Soomaaliya kuma cusba isriix riixa siyaasadeed magaci la doonaba hala watee,lamana hayo faa&#8217;iido laga hantiyey,hase yeeshee aragti kala duwanaanshaha dawlada dhexe iyo maamulka kismaayo ayaa sida muuqata ay siyaasado kale hareeyeen,ilaa iyo haddana ma muuqato cid isu xilsaartey isfahamka labada dhinac.<\/p>\n<p>Dad badan ayaan garaneyn waxa labada dhinac ay isku diidanyihiin,mar hadii dawladii leedahey dadka deegaanada ayaa xaq u leh in ay maamul sameystaan,dhinaca kalena leeyahey anagu waxaan aqoonsannahey dawlada soomaaliya iyadaa ah dawladii aan wada shaqeyn laheyn waa halkee halka sartu ka quruntey,iyo munaafaqadda meesha ku jirta?<\/p>\n<p>Jawaabta oo koobanna waa soomaalidu mar hore ayey israaci laheyd,ha kala adkaato ama ha heshiisee gacan sadexaad oo shisheeye ayaa ku dhexjirta,xalkuna waa mid aad u fog inta faragelintaasi jirto arrimaha soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dawlada dhexe ee soomaaliya iyo maamulka kmg ee kismaayo ayaa si aad ah u kala fogaadey iskuna fahmi waayey habka loo wajahayo maamul u sameynta gobolada jubooyinka. Waxaana hadda muuqanaya shirar iyo abaabul bushada ah oo dawladu ku rabto in ay cadaadis uga dhigto maamulka uu hugaamiyo shekh axmed madoobe,halka dhanka kale ay maamulkaasi iyaguna [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-12978","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12978","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12978"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12978\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12984,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12978\/revisions\/12984"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12978"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12978"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12978"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}