{"id":127064,"date":"2026-11-22T23:01:39","date_gmt":"2026-11-22T20:01:39","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=127064"},"modified":"2026-11-22T23:01:39","modified_gmt":"2026-11-22T20:01:39","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-balanqaaday-in-uu-mucaaradka-guryahooda-ugu-tagayo-si-ay-u-heshiiyaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/11\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-balanqaaday-in-uu-mucaaradka-guryahooda-ugu-tagayo-si-ay-u-heshiiyaan\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo Balanqaaday in uu Mucaaradka Guryahooda Ugu Tagayo Si ay u Heshiiyaan."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay diideen martiqaadkii dowladda ee wada-hadalka, isaga oo sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay kulamo la yeelato, xitaa haddii ay noqoto in mucaaradka ugu tagaan guryahooda.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div od-wrapper-base-5k4ruv od-wrapper-dimensions-1ipi1b od-wrapper-background-hixprw od-wrapper-slot-spacing-hjxh1p od-wrapper-loading-kwrdoy\" data-optidigital-slot=\"true\" data-od-slot-key=\"xsoukq\">\n<div class=\"optidigital-brand od-brand-container-svdpy5\">Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay mucaaradka ku casuuntay xarumaheeda iyo xafiisyadeeda, balse ay diideen inay yimaadaan, isaga oo xusay inaysan jirin wax caqabad ah oo hortaagan in dhinacyadu wada fariistaan oo ay ka wada hadlaan khilaafaadka siyaasadeed.<\/div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n<p>\u201cGuryaha dowladda, xafiisyada dowladda iyo goobaha kale ee ay dowladdu joogto waan ku martiqaadnay. Haddii aysan noo imaanaynna, guryahooda gaarka ah inaan ugu tagno ayaan diyaar u nahay,\u201d ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa mucaaradka ugu baaqay inay si cad u soo bandhigaan tabashooyinka ay ka qabaan dowladda, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu qaato talooyinkooda, xitaa haddii ay ka wanaagsan yihiin go&#8217;aannada iyo aragtida dowladda.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan diyaar u ahay inaan taladiinna qaato, kaygii dhinac iska dhigo, kiinnana qaato. Kaliya i tus meesha aad u aragtaan inay wax ka khaldan yihiin, waan idin dhageysanaynaa, waana ka qaadanaynaa waxa ka wanaagsan,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in khilaafaadka siyaasadeed aanay sabab u noqon karin in dhinacyadu ku guuldarreystaan inay wada hadlaan, isaga oo ku baaqay in la soo afjaro kala qaybsanaanta Soomaalida, lana ilaaliyo sii socoshada dowladnimada.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay sii wadanayso howlaheeda, isaga oo xusay in mowqifka iyo waxa ay dowladdu rabto ay og yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, balse uu doonayo in mucaaradku si cad u sheegaan waxa ay iyagu doonayaan.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, ayaa maalin ka hor sheegay in aysan diyaar u ahayn inay ka qayb galaan gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Sababta ay u diideen gogosha waxay ku sheegeen, in madaxweynuhu uusan hadda lahayn awood sharciyeed uu siyaasiyiinta ugu yeero wadahadal, iyaga oo ku adkaystay in muddo-xileedkiisu dhammaaday.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div od-wrapper-base-5k4ruv od-wrapper-dimensions-1ipi1b od-wrapper-background-hixprw od-wrapper-slot-spacing-hjxh1p od-wrapper-loading-kwrdoy\" data-optidigital-slot=\"true\" data-od-slot-key=\"xsouks\">\n<div class=\"optidigital-brand od-brand-container-svdpy5\">Waxay sheegeen in muddadii uu madaxwqeyne Xasan Sheekh haystay awoodda madaxweynenimo ay mucaaradku dhowr jeer la kulmeen, balse aan laga gaarin natiijo wax ku ool ah.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay diideen martiqaadkii dowladda ee wada-hadalka, isaga oo sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay kulamo la yeelato, xitaa haddii ay noqoto in mucaaradka ugu tagaan guryahooda. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay mucaaradka ku casuuntay xarumaheeda iyo xafiisyadeeda, balse ay diideen inay yimaadaan, isaga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":127065,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-127064","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/127064","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=127064"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/127064\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":127066,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/127064\/revisions\/127066"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/127065"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=127064"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=127064"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=127064"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}