{"id":127025,"date":"2026-11-22T02:30:41","date_gmt":"2026-11-21T23:30:41","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=127025"},"modified":"2026-11-22T03:17:04","modified_gmt":"2026-11-22T00:17:04","slug":"madaarada-berbera-iyo-boosaaso-oo-la-sheegay-in-imaaraadku-u-bedelay-saldhigyo-ciidan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/11\/madaarada-berbera-iyo-boosaaso-oo-la-sheegay-in-imaaraadku-u-bedelay-saldhigyo-ciidan\/","title":{"rendered":"Madaarada Berbera iyo Boosaaso oo La Sheegay in Imaaraadku u Bedelay Saldhigyo Ciidan."},"content":{"rendered":"<p>Baadhitaan muuqaal ah oo uu wargeyska Maraykanka ah ee The New York Times daabacay Jimcihii ayaa shaaciyey in Imaaraadka Carabtu madaarradii rayidka ahaa ee Berbera iyo Boosaaso u beddelay xarumo waaweyn oo milatari, kuwaas oo ay ku jiraan goobo diyaaradaha dagaalka la dhigo, xarumo lagu kaydiyo qalabka ciidanka iyo difaacyada cirka.<\/p>\n<p>Warbixinta oo ku salaysan sawirro dayax-gacmeed iyo xogta la socodka duulimaadyada ayaa sheegtay in dhismaha xarunta milatari ee Berbera uu dib uu soo bilaabmay sannadkii 2018, kaddib markii Baarlamaanka Somaliland uu sannadkii 2017 ansixiyey qorshaha saldhigga Imaaraadka. Shaqada bilowga ah ayaa isugu jirtay dib-u-habaynta dhabaha diyaaraduhu ku ordaan iyo samaynta goobo ay diyaaradaha milatarigu dhigtaan.<\/p>\n<p>Baadhitaanku waxa uu tilmaamay in sannadkii 2024 xarunta Berbera lagu kordhiyey dhisme amni oo si gaar ah loo adkeeyey, kaas oo lagu kaydin karo qalabka milatariga, iyo hawlo la xidhiidha dhismaha bakhaarro dhulka hoostiisa ah. Sawirradii ugu dambeeyey ee dayax-gacmeedka ayaa sidoo kale muujiyey goobo difaac iyo meelo loogu talogalay in ay ka hawlgalaan diyaaradaha qumaatiga u kaca.<\/p>\n<p>Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in madaarka Boosaaso ee Puntland laga hirgeliyey dhismayaal la mid ah kuwa Berbera, kuwaas oo ay ka mid yihiin hangarro, goobo ay fadhiistaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, dhismayaal dhulka hoostiisa ah iyo nidaam difaaca cirka ah. Baadhitaanka ayaa sidoo kale xusay diyaarado aan duuliye lahayn oo ay u badan tahay in Imaaraadku u adeegsado hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.<\/p>\n<p>The New York Times ayaa sheegay in Imaaraadku xarumahan u adeegsanayo ballaadhinta saamayntiisa gobolka, gaar ahaan colaadaha ka socda Suudaan iyo Itoobiya. Wargeysku waxa uu xusay diyaarado xamuul oo ka imanaya xarumaha milatari ee Imaaraadka, kuwaas oo lala xidhiidhiyey dhaqdhaqaaqyo saadka milatariga iyo gaadiid loo qaadayo goobaha colaadaha. Imaaraadku hore ayuu u beeniyey eedaymaha la xidhiidha hubaynta ciidamada RSF ee Suudaan iyo qorista calooshood-u-shaqaystayaal ka dagaallama dalkaas.<\/p>\n<p>Dhanka Maraykanka, baadhitaanku waxa uu shaaciyey in xogta duulimaadyadu muujinayso in diyaarado milatari oo Maraykan ahi labo jeer sannadkan booqdeen Berbera, iyadoo duulimaadkii ugu dambeeyey ee bishii Agoosto uu siday saraakiil ka tirsan taliska hawlgallada gaarka ah ee Maraykanka. Diyaaraddaasi waxay markii dambe u gudubtay Boosaaso. Wargeysku waxa kale oo uu soo xigtay laba qof oo xog-ogaal u ah hawlgallada Maraykanka oo sheegay in ilaa 24 askari oo ka tirsan ciidamada hawlgallada gaarka ahi ay Boosaaso joogaan, iyagoo ka taageeraya Puntland dagaalka ay kula jirto kooxaha xagjirka ah.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, saraakiil Maraykan ah oo uu wargeysku la hadlay ayaa sheegay in Washington aanu qorshaheedu ahayn inay saldhig joogto ah ka samaysato Berbera ama Boosaaso, balse ay doonayso inay la shaqayso saaxiibbada gobolka, iyadoo adeegsanaysa awoodaha milatari ee ay leedahay. Warbixintu waxay danaynta Maraykanka ku xidhiidhisay saamaynta dagaalka Iiraan ku yeeshay saldhigyada Maraykanka ee Bariga Dhexe iyo isbeddellada amni ee ka socda marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.<\/p>\n<p>Daabacaadda warbixintan ayaa imanaysa xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu Talaadadii jeediyey ku eedeeyey Imaaraadka inuu saldhigyo milatari ka dhisayo gudaha Soomaaliya isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka, isla markaana uu taageero siinayo ciidamo ka baxsan taliska milatariga qaranka.<\/p>\n<p>Khamiistii, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa go&#8217;aamiyey in safiirka Imaaraadka ee Muqdisho dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood, halka safiirkii Soomaaliya ee Abu Dhabi dib loogu yeedhay wada-tashi. Dhinaca kale, Somaliland ayaa hore u sheegtay inay iyadu leedahay awoodda gaarka ah ee maamulidda dhulkeeda iyo xidhiidhka ay la yeelanayso dalalka shisheeye.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121171\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121170\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1024x724.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-768x543.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1536x1086.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-100x70.jpeg 100w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-200x140.jpeg 200w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-696x492.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1392x984.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1068x755.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-594x420.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1188x840.jpeg 1188w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg 1600w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"212\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baadhitaan muuqaal ah oo uu wargeyska Maraykanka ah ee The New York Times daabacay Jimcihii ayaa shaaciyey in Imaaraadka Carabtu madaarradii rayidka ahaa ee Berbera iyo Boosaaso u beddelay xarumo waaweyn oo milatari, kuwaas oo ay ku jiraan goobo diyaaradaha dagaalka la dhigo, xarumo lagu kaydiyo qalabka ciidanka iyo difaacyada cirka. Warbixinta oo ku salaysan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":127026,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-127025","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/127025","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=127025"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/127025\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":127046,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/127025\/revisions\/127046"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/127026"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=127025"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=127025"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=127025"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}