{"id":126924,"date":"2026-11-15T22:34:10","date_gmt":"2026-11-15T19:34:10","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=126924"},"modified":"2026-11-15T22:34:10","modified_gmt":"2026-11-15T19:34:10","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ka-hadlay-khilaafka-siyaasadeed-mucaaradkana-ugu-baaqay-in-ay-ku-soo-laabtaan-miiska-wada-hadalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/11\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ka-hadlay-khilaafka-siyaasadeed-mucaaradkana-ugu-baaqay-in-ay-ku-soo-laabtaan-miiska-wada-hadalka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Mucaaradkana ugu Baaqay in ay ku Soo Laabtaan Miiska Wada-hadalka."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee khilaafka kala dhexeeyo dowladda federaalka, isagoo ku eedeeyay inay taageero iyo dhexdhexaadin ka raadsadeen dhinacyo shisheeye, wuxuuna ugu baaqay inay ka qayb qaataan wada-hadallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo Isbitaalka Xoogga Dalka, oo ka mid ah mashaariicda dowladda federaalka ay ku doonayso horumarinta waxbarashada sare iyo adeegyada caafimaadka ciidamada qalabka sida.<\/p>\n<p>Isagoo ka hadlayay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, ayuu sheegay in qof caro darteed dalka uga baxay, dabadeedna taageero iyo xal uga raadsaday dalal shisheeye, uusan wax ka beddeli karin xaaladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>&#8220;Nin carooday oo ajnabi u cararay, oo maslaxad ka doontay, waxba kama beddeli karo dalka ee gogosha soo fariista,&#8221; ayuu yiri Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalku marar kala duwan fidisay gogol wada-hadal oo ay ugu yeertay dhinacyada siyaasadda, si loo helo xal Soomaaliyeed oo lagu dhammeeyo khilaafaadka jira.<\/p>\n<p>Wuxuu xusay in mowqifka dowladda uusan isbeddelin, isla markaana ay weli diyaar u tahay wada-hadal ku dhisan walaaltinimo, midnimo iyo in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay qayb ku yeeshaan talada dalka.<\/p>\n<p>&#8220;Annagu mar walba gogol Soomaaliyeed ayaan fidinaynay. Mowqifkeennuna waa nabad ayaan rabnaa, walaalnimo ayaan rabnaa, midnimo ayaan rabnaa. Waxaan rabnaa dowlad ay dhammaan dadka Soomaaliyeed leeyihiin, taladeedana ay wadaagaan,&#8221; ayuu yiri madaxweynaha.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in wada-tashiga iyo is-weydaarsiga aragtiyaha ay yihiin hababka ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka, isagoo sheegay in dowladda ay rajaynayso in dhinacyada siyaasadeed ay mar kale isugu yimaadaan miiska wada-hadallada.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale sheegay in wada-hadallada aan laga hor istaagayn in miiska la soo saaro arrimaha la isku hayo, balse ay jiraan qodobo uu ku tilmaamay kuwo aan laga tanaasuli karin, gaar ahaan kuwa la xiriira midnimada, amniga iyo gobannimada dalka.<\/p>\n<p>Hadallada madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo ku saabsan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo mustaqbalka hannaanka siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee khilaafka kala dhexeeyo dowladda federaalka, isagoo ku eedeeyay inay taageero iyo dhexdhexaadin ka raadsadeen dhinacyo shisheeye, wuxuuna ugu baaqay inay ka qayb qaataan wada-hadallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu dhagax-dhigay dhismaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":126925,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-126924","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126924","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=126924"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126924\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":126926,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126924\/revisions\/126926"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/126925"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=126924"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=126924"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=126924"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}