{"id":126792,"date":"2026-11-08T00:42:57","date_gmt":"2026-11-07T21:42:57","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=126792"},"modified":"2026-11-08T00:43:36","modified_gmt":"2026-11-07T21:43:36","slug":"gudoomiyihii-maxkamadda-sare-baashe-yuusuf-oo-sheegay-in-xil-ka-qaadistiisu-ay-halis-ku-tahay-madaxbaanida-garsoorka-iyo-sareynta-shaciga-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/11\/gudoomiyihii-maxkamadda-sare-baashe-yuusuf-oo-sheegay-in-xil-ka-qaadistiisu-ay-halis-ku-tahay-madaxbaanida-garsoorka-iyo-sareynta-shaciga-dalka\/","title":{"rendered":"Gudoomiyihii Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf oo Sheegay in Xil ka Qaadistiisu ay Halis ku Tahay Madaxbaanida Garsoorka iyo Sareynta Shaciga Dalka."},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si adag uga horyimid xil-ka-qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in go\u2019aankaasi aanu waafaqsanayn Dastuurka, isla markaana uu khatar ku yahay madax-bannaanida garsoorka iyo sarreynta sharciga.<\/p>\n<p>Baashe Yuusuf Axmed oo maanta oo Sabti ah, 7-da Nofeembar 2026, shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in awoodda Madaxweynaha ee xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare aanay ahayn mid aan xad lahayn, balse ay ku xiran tahay shuruudo iyo habraacyo dastuuri ah oo ay tahay in la raaco.<\/p>\n<p>Guddoomiyihii hore ayaa sheegay in xil-ka-qaadistiisa ay timid xilli Maxkamadda Sare ay gacanta ku haysay dacwad dastuuri ah oo la xiriirta sharciyadda sii-haynta xilalka Madaxweynaha, Xukuumadda iyo hay\u2019adaha kale ee dowladda.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in go&#8217;aanka xil-ka-qaadista, oo soo baxay iyadoo Maxkamaddu isu diyaarinaysay inay ka garnaqdo dacwaddaasi, uu dhalinayo walaac weyn oo ku saabsan faragelinta awoodda fulinta ee garsoorka.<\/p>\n<p>Waxa uu xusay in Dastuurku dhigayo in hay&#8217;ad kasta oo dowladeed ay ku shaqayso awoodaha sharcigu u igmaday, isla markaana aanay jirin cid ka sarreysa sharciga, ha ahaato Madaxweyne ama mas&#8217;uul kale oo dowladeed.<\/p>\n<p>Baashe ayaa sidoo kale ka digay in haddii mas&#8217;uul awood sare haya uu awooddiisa u adeegsado inuu xilka kaga qaado garsoore ka garnaqaya dacwad isaga quseysa, ay taasi dhaawici karto kalsoonida shacabka ku qabaan hay&#8217;adaha caddaaladda.<\/p>\n<p>Isaga oo ka hadlayay muhiimadda madaxbannaanida garsoorka, ayuu sheegay in garsooruhu aanu xilkiisa ku waayi karin keliya sababta ah inuu dhegeystay ama ka garnaqayo dacwad aanu ku qanacsanayn qof awood dowladeed haya.<\/p>\n<p>Waxa uu intaas ku daray in madaxbannaanida garsoorku aanay ahayn mudnaan gaar u ah garsoorayaasha, balse ay tahay dammaanad lagu ilaalinayo xuquuqda muwaadiniinta iyo xaqa ay u leeyihiin inay helaan caddaalad loo siman yahay.<\/p>\n<p>Guddoomiyihii hore ayaa sidoo kale soo hadal qaaday taariikhda dib-u-dhiska hay&#8217;adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalka aan dib loogu dhisin nidaam awoodda shaqsigu ka sarreyso sharciga, balse lagu saleeyay dowladnimo ku dhisan kala-soocidda awoodaha iyo isla xisaabtanka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku adkeystay in tallaabooyinka xil-ka-qaadista lagu sameeyay ay tahay in lagu qiimeeyo sharciga iyo habraacyada dastuuriga ah, isaga oo muujiyay walaac ku saabsan saameynta ay arrintani ku yeelan karto mustaqbalka garsoorka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Khilaafka ayaa sii xoogeysanaya kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 4-tii Nofeembar xilka ka qaaday Baashe Yuusuf Axmed, isla markaana xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.<\/p>\n<p>Dhanka kale, muranka xil-ka-qaadista ayaa dhaliyay dood sharci iyo mid siyaasadeed oo ku saabsan awoodaha Madaxweynaha, habraaca magacaabista iyo xil-ka-qaadista madaxda garsoorka, iyo ilaalinta madax-bannaanida Maxkamadda Sare.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si adag uga horyimid xil-ka-qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in go\u2019aankaasi aanu waafaqsanayn Dastuurka, isla markaana uu khatar ku yahay madax-bannaanida garsoorka iyo sarreynta sharciga. Baashe Yuusuf Axmed oo maanta oo Sabti ah, 7-da Nofeembar 2026, shir [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":126793,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-126792","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126792","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=126792"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126792\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":126794,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126792\/revisions\/126794"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/126793"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=126792"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=126792"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=126792"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}