{"id":126751,"date":"2026-11-05T19:50:39","date_gmt":"2026-11-05T16:50:39","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=126751"},"modified":"2026-11-05T19:58:06","modified_gmt":"2026-11-05T16:58:06","slug":"saraakiisha-ciidamada-aussom-ee-dalka-uganda-iyo-soomaaliya-oo-ka-wada-hadlay-dhimista-ciidamada-iyo-wareejinta-goobaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/11\/saraakiisha-ciidamada-aussom-ee-dalka-uganda-iyo-soomaaliya-oo-ka-wada-hadlay-dhimista-ciidamada-iyo-wareejinta-goobaha\/","title":{"rendered":"Ciidamada AUSSOM ee Dalka Uganda iyo Soomaaliya oo ka Wada Hadlay Dhimista Ciidamada iyo Wareejinta Amniga Goobaha."},"content":{"rendered":"<p>Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Guutada 45-aad ee ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa shalay ka dhacay xarunta Taliska Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Embresso, oo hoos yimaada magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorshaha dhimista tirada ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya, tayeynta iyo dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliyeed, iyo qorshaha si tartiib-tartiib ah mas\u2019uuliyadda amniga dalka loogu wareejinayo ciidamada dowladda.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay ciidamada Uganda naf-hurnimada, xirfadda iyo doorka ay ka qaateen dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay hoggaanka Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda sida ay uga go&#8217;an tahay iskaashiga Afrika iyo xoojinta xiriirka labada dal.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Gaashaanle Sare Justus Musenene ayaa sheegay in howlgalka AUSSOM uu xoogga saarayo tababarka, hagidda iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, si ay u gaaraan awood ay si madax-bannaan ugu fuliyaan howlgallada amniga.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay bogaadinta loo jeediyay ciidamada Uganda, isaga oo ku dhiirrigeliyay ciidamada Soomaaliyeed inay xoojiyaan guulaha laga gaaray howlgalladii wadajirka ahaa ee ay fuliyeen.<\/p>\n<p>Kulanka waxaa kale oo lagu eegay horumarka laga sameeyay howlgallada amniga iyo barnaamijyada wacyigelinta fikirka ee ciidamada.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo marxalad la xiriirta dib-u-habaynta joogitaanka ciidamada Midowga Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay si buuxda ula wareegaan mas\u2019uuliyadda amniga dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Guutada 45-aad ee ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene. Kulanka ayaa shalay ka dhacay xarunta Taliska Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Embresso, oo hoos yimaada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":126752,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-126751","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126751","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=126751"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126751\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":126756,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126751\/revisions\/126756"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/126752"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=126751"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=126751"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=126751"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}