{"id":126714,"date":"2026-11-05T01:03:10","date_gmt":"2026-11-04T22:03:10","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=126714"},"modified":"2026-11-05T01:07:39","modified_gmt":"2026-11-04T22:07:39","slug":"xilliga-dhexe-ee-doorashada-dalka-mareykanka-oo-dimuquraadigu-ku-guuleystay-aqlibiyadda-labada-aqal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/11\/xilliga-dhexe-ee-doorashada-dalka-mareykanka-oo-dimuquraadigu-ku-guuleystay-aqlibiyadda-labada-aqal\/","title":{"rendered":"Xilliga Dhexe ee Doorashada Dalka Mareykanka oo Dimuquraadigu ku Guuleystay Aqlibiyadda Labada Aqal ee Kongerska."},"content":{"rendered":"<p>Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa ku guulaystay doorashadii xilliga dhexe ee dalkaas, isaga oo la wareegay aqlabiyadda labada aqal ee Koongress-ka, Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka, taas oo guuldarro siyaasadeed oo weyn ku noqotay Madaxweyne Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga.<\/p>\n<p>Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, Dimuqraadiyiintu waxay ku guulaysteen inay la wareegaan aqlabiyadda Aqalka Wakiillada, kaddib markii ay ugu yaraan siddeed kursi oo ay hore u haysteen Jamhuuriyiintu kala wareegeen, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Kentucky, New Jersey iyo North Carolina.<\/p>\n<p>Dhanka Aqalka Senate-ka, Dimuqraadiyiintu waxay la wareegeen toddoba kursi oo ay hore u haysteen Jamhuuriyiintu, iyaga oo helay kuraas ka badan tiradii ay u baahnaayeen si ay u hantaan aqlabiyadda aqalkaas. Guulaha ugu waaweyn waxa ka mid ahaa kuraasta gobollada Texas, Ohio, North Carolina iyo South Carolina, kuwaas oo qaarkood muddo dheer saldhig u ahaa xisbiga Jamhuuriga.<\/p>\n<p>Natiijada doorashada ayaa loo arkaa mid muujinaysa sida ay qayb weyn oo ka mid ah codbixiyeyaasha Maraykanku uga soo horjeesteen siyaasadaha maamulka Trump, gaar ahaan xaaladda dhaqaalaha, korodhka qiimaha maciishadda iyo dagaalka Maraykanku la galay Iiraan, kaas oo sababay korodhka qiimaha shidaalka. Reuters ayaa sheegtay in arrimahaasi ka mid ahaayeen sababihii horseeday guusha ballaadhan ee Dimuqraadiyiinta.<\/p>\n<p>Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu aqbalayo natiijada doorashada, isaga oo guuldarrada xisbigiisa ku sababeeyey in aanu isagu ku jirin musharraxiinta doorashada. Hase yeeshee, natiijadu waxay Dimuqraadiyiinta siinaysaa awood sharci-dejineed iyo mid kormeer oo ay ku xakamayn karaan siyaasadaha maamulka madaxweynaha muddada labada sannadood ee u hadhay.<\/p>\n<p>Guulaha Dimuqraadiyiinta waxa kale oo ka mid ahaa James Talarico oo ku guulaystay kursiga Senate-ka ee gobolka Texas, oo muddo dheer lagu tirinayey deegaan ay Jamhuuriyiintu awood ku leeyihiin. Dhanka Michigan, musharraxa Dimuqraadiga Abdul El-Sayed ayaa isaguna ku dhawaaqay guushiisa, inkasta oo warbaahinta waaweyn ee Maraykanku aanay weli si rasmi ah ugu dhawaaqin cidda ku guulaysatay tartankaas.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, la wareegidda labada aqal ee Koongress-ka macnaheedu maaha in Dimuqraadiyiintu si toos ah u baabi&#8217;in karaan awoodda madaxweynaha, maadaama Trump weli haysto awoodda dastuuriga ah ee diidmada sharciyada, isla markaana aanay Dimuqraadiyiintu haysan aqlabiyadda saddex-meelood laba meelood ee looga baahan yahay inay ka gudbaan diidmadaas.<\/p>\n<p>Doorashadan ayaa noqonaysa isbeddel weyn oo ku yimaadda awood-qaybsiga siyaasadeed ee Washington, iyada oo Dimuqraadiyiintu hadda fursad u helayaan inay si dhow u kormeeraan hawlaha maamulka Trump, halka Jamhuuriyiintuna lumiyeen gacan-ku-hayntii labada aqal ee Koongress-ka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa ku guulaystay doorashadii xilliga dhexe ee dalkaas, isaga oo la wareegay aqlabiyadda labada aqal ee Koongress-ka, Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka, taas oo guuldarro siyaasadeed oo weyn ku noqotay Madaxweyne Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, Dimuqraadiyiintu waxay ku guulaysteen inay la wareegaan aqlabiyadda Aqalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":126715,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-126714","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126714","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=126714"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126714\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":126719,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126714\/revisions\/126719"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/126715"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=126714"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=126714"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=126714"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}