{"id":126263,"date":"2026-10-12T22:49:42","date_gmt":"2026-10-12T19:49:42","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=126263"},"modified":"2026-10-13T00:24:29","modified_gmt":"2026-10-12T21:24:29","slug":"dooni-ku-degtay-xeebaha-dalka-jabuuti-oo-ay-ku-geeryoodeen-ugu-yaraan-139-tahriibayaal-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/10\/dooni-ku-degtay-xeebaha-dalka-jabuuti-oo-ay-ku-geeryoodeen-ugu-yaraan-139-tahriibayaal-ah\/","title":{"rendered":"Dooni ku Degtay Xeebaha Dalka Jabuuti oo ay ku Geeryoodeen ugu Yaraan 139 Tahriibayaal ah."},"content":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 139 qof oo tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan carruur, ayaa dhintay kadib markii doon ay saarnaayeen in ka badan 300 oo qof ay ku degtay xeebaha Jabuuti, xilli ay u socotay dalka Yemen, sida ay sheegtay Hay\u2019adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Hay\u2019addu waxay sheegtay in doonta oo siday 305 qof ay degtay xilli habeen ah intii u dhexasay 8-dii iyo 9-kii Oktoobar, meel u dhow deegaanka Guhere, waqooyiga magaalada dekedda leh ee Obock, Jabuuti. Shilka ayaa dhacay xilli tahriibayaashu ay marayeen marin-badeedka isku xidha Jabuuti iyo Yemen.<\/p>\n<p>Warbixinta IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 15 carruur ahi ay ka mid yihiin dadka ku dhintay shilka, halka ku dhowaad 84 qofna weli la la\u2019yahay. Qiyaastii 82 qof ayaa ka badbaaday doonida degtay, sida ay hay\u2019addu ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay Axaddii.<\/p>\n<p>Kooxaha gurmadka ee IOM ayaa la shaqaynaya dowlada Jabuuti si ay u bixiyaan gargaar degdeg ah, halka masuuliyiinta dalkaasi ay sii wadaan hawlgallada baadhitaanka iyo samatabbixinta. Sidoo kale, dadka ka badbaaday ayaa helaya daryeel caafimaad, waxaana la qabanqaabinayaa aaska dadkii ku dhintay musiibada.<\/p>\n<p>Alexandre Coissac, oo ah madaxa hawlgalka IOM ee Jabuuti, ayaa sheegay in kooxaha hay\u2019addu ay goobta kula sugan yihiin masuuliyiinta deegaanka si ay u bixiyaan gargaarka loo baahan yahay. Waxa uu xusay in dhacdadani ay muujinayso khataraha waaweyn ee ay wajahayaan dadka tahriibaya marka ay maraan waddooyinka socdaalka ee halista ah iyaga oo raadinaya fursado dhaqaale.<\/p>\n<p>Tahriibayaashan ayaa ku sii jeeday Yemen, iyaga oo rajaynayay in ay ugu dambayn gaadhaan dalalka Khaliijka ee dhaqaalahoodu sarreeyo, halkaas oo ay ka raadinayaan shaqooyin iyo nolol dhaqaale oo ka wanaagsan tan ay ka soo tageen.<\/p>\n<p>IOM ayaa sheegtay in tahriibayaashu ay sii wadaan safarradan khatarta badan inkasta oo Yemen ay ka jiraan colaado iyo xaalad amni oo adag. &#8220;Dalkaasi waxa uu wajahaya dib-u-kac ku yimid dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda ee Sucuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta oo Iiraan taageerto, tan iyo markii heshiis xabbad-joojin ah oo Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay uu dhacay sannadkii 2022.&#8221;<\/p>\n<p>Shilkan ayaa mar kale muujinaya halista ay dadka tahriibayaasha ahi ugu jiraan safarrada badda ee u dhexeeya Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carabta, kuwaas oo ay dad badani u galaan iyaga oo rajaynaya in ay gaadhaan dalal ay ka heli karaan shaqo iyo fursado nololeed oo wanaagsan.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121171\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121170\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1024x724.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-768x543.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1536x1086.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-100x70.jpeg 100w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-200x140.jpeg 200w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-696x492.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1392x984.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1068x755.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-594x420.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1188x840.jpeg 1188w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg 1600w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"212\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 139 qof oo tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan carruur, ayaa dhintay kadib markii doon ay saarnaayeen in ka badan 300 oo qof ay ku degtay xeebaha Jabuuti, xilli ay u socotay dalka Yemen, sida ay sheegtay Hay\u2019adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Qaramada Midoobay. Hay\u2019addu waxay sheegtay in doonta oo siday [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":126264,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-126263","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126263","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=126263"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126263\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":126283,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/126263\/revisions\/126283"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/126264"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=126263"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=126263"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=126263"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}