{"id":125978,"date":"2026-09-29T22:57:10","date_gmt":"2026-09-29T19:57:10","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125978"},"modified":"2026-09-29T23:44:53","modified_gmt":"2026-09-29T20:44:53","slug":"booliaska-gobolka-banaadir-oo-isbitaal-muqdisho-galay-si-ay-u-badbaadiyaan-hooyo-iyo-ilmaheeda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/09\/booliaska-gobolka-banaadir-oo-isbitaal-muqdisho-galay-si-ay-u-badbaadiyaan-hooyo-iyo-ilmaheeda\/","title":{"rendered":"Booliaska Gobolka Banaadir oo Isbitaal Muqdisho Galay Si ay u Badbaadiyaan Hooyo iyo Ilmaheeda."},"content":{"rendered":"<p>Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamo booliis ah ay hub la galeen gudaha Isbitaalka Muqdisho ee degmada Yaaqshiid, kaddib markii maamulka isbitaalka uu diiday inuu sii daayo hooyo dhowaan qalliin lagu sameeyay iyo wiilkeeda oo dhashay 10 maalmood ka hor.<\/p>\n<p>Booliisku waxay sheegeen in dhacdadu ay ka dhalatay xaaladda Zamzam Maxamuud Cilmi, oo 19-kii Sebtembar tagtay isbitaalka, halkaas oo qalliin loogu sameeyay, iyadoo maalintii xigtay, 20-ka Sebtembar, ay dhashay wiil.<\/p>\n<p>Sida uu Booliisku sheegay, qoyska hooyada ayaa ahaa qoys danyar ah oo awoodi waayay inay bixiyaan kharashaadka caafimaadka iyo jiifka. Maamulka isbitaalka ayaa arrintaas awgeed dacwad ka gudbiyay aabbaha ilmaha, kaas oo sida Booliisku sheegeen loo xiray kharashaadka la xiriira daaweynta.<\/p>\n<p>Booliisku waxay sheegeen in 28-kii Sebtembar uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka soo saaray amar lagu farayay in hooyada iyo ilmaheeda laga soo badbaadiyo xaaladda ay ku jireen, isla markaana la raaco habraacyada sharciga.<\/p>\n<p>Ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay maamulka isbitaalka gaarsiiyeen amarka, ayna ku amreen in hooyada iyo ilmaheeda la sii daayo.<\/p>\n<p>Hase yeeshee, sida Booliisku sheegeen, maamulka isbitaalka ayaa diiday in la sii daayo hooyada iyo ilmaheeda, isagoo ku adkaystay in marka hore la bixiyo lacagta lagu leeyahay, halka kharashaadka jiifkuna ay weli sii kordhayeen.<\/p>\n<p>Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in hooyadu ay wajahaysay xaalad caafimaad oo ay ku tilmaameen daryeel-xumo, isla markaana ay dhowr maalmood gudaha isbitaalka ku jirtay iyadoo aan helin cunto ku filan.<\/p>\n<p>Markii ciidamada Booliisku u tageen fulinta amarka, ayaa sida war-saxaafadeedka lagu sheegay waxaa dhex maray ciidanka iyo maamulka isbitaalka is-mariwaa iyo rabshad.<\/p>\n<p>Booliisku waxay sheegeen in xaaladdu ay gaartay heer ay jirto amar-diiddo iyo adeegsiga hub, taas oo sababtay in ciidamadu ay hubkooda gudaha isbitaalka la galaan si ay u soo badbaadiyaan hooyada iyo ilmaheeda.<\/p>\n<p>Dhacdadan ayaa muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, kaas oo muujinaya xaalad jahawareer ah oo ka dhacaysa gudaha isbitaalka, iyadoo dad iyo bukaanno ay goobta ka kala cararayaan.<\/p>\n<p>Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan loo oggolayn in hub lala galo goobaha dadweynaha, isla markaana dhacdada hadda ay ku socoto baaritaan.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div od-wrapper-base-5k4ruv od-wrapper-dimensions-1ipi1b od-wrapper-background-hixprw od-wrapper-slot-spacing-hjxh1p od-wrapper-loading-kwrdoy\" data-optidigital-slot=\"true\" data-od-slot-key=\"xsouks\">\n<div class=\"optidigital-brand od-brand-container-svdpy5\"><\/div>\n<\/div>\n<p>Booliisku waxay sheegeen in maamulka isbitaalka iyo cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd fal sharci-darro ah ama khalad la xiriira dhacdada loo gudbin doono maxkamad, iyadoo tallaabooyinka laga qaadayo ay waafaqi doonaan sharciga.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedka Booliiska ayaa dhacdadan ku saleeyay fulinta amar ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, halka faahfaahinta ku saabsan eedeymaha loo jeedinayo maamulka isbitaalka ay weli u baahan yihiin in lagu caddeeyo baaritaan iyo hannaan garsoor.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamo booliis ah ay hub la galeen gudaha Isbitaalka Muqdisho ee degmada Yaaqshiid, kaddib markii maamulka isbitaalka uu diiday inuu sii daayo hooyo dhowaan qalliin lagu sameeyay iyo wiilkeeda oo dhashay 10 maalmood ka hor. Booliisku waxay sheegeen in dhacdadu ay ka dhalatay xaaladda Zamzam Maxamuud Cilmi, oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125982,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125978","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125978","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125978"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125978\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125980,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125978\/revisions\/125980"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125982"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125978"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125978"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125978"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}