{"id":125936,"date":"2026-09-27T23:26:04","date_gmt":"2026-09-27T20:26:04","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125936"},"modified":"2026-09-27T23:26:04","modified_gmt":"2026-09-27T20:26:04","slug":"wasiirka-gaashaandhigga-federalka-soomaaliya-axmed-macalim-fiqi-oo-sheegay-in-amniga-muqdisho-lagu-qiimeeyo-darajada-a","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/09\/wasiirka-gaashaandhigga-federalka-soomaaliya-axmed-macalim-fiqi-oo-sheegay-in-amniga-muqdisho-lagu-qiimeeyo-darajada-a\/","title":{"rendered":"Wasiirka Gaashaandhigga Federalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo Sheegay in Amniga Muqdisho Lagu Qiimeeyo Darajada A."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho la gaarsiiyay heer sare, isaga oo sheegay in dowladda aysan ka tanaasuleyn tallaabooyinka lagu sugayo amniga caasimadda.<\/p>\n<p>Fiqi ayaa sheegay in Muqdisho ay gaartay heerka amnigeeda lagu qiimeeyo darajada \u201cA\u201d, isagoo tilmaamay in dowladda ay rajaynayso inay gaarsiiso heer ka sarreeya.<\/p>\n<p>\u201cKama gorgortamayno amniga. Ma oggolaanayno in cid kasta oo gacan u soo taagata amniga ay dhibaato u geysato,\u201d ayuu yiri wasiirku.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale si adag uga digay dib ugu laabashada qabyaaladda iyo kala qaybinta xaafadaha Muqdisho, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in magaalada dib loogu celiyo xaalad ay xaafaduhu ku salaysnaadaan qabiil.<\/p>\n<p>Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan matalin qabiillo gaar ah, balse ay waddo dowladnimo ay hormuud u yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra\u2019iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.<\/p>\n<p>\u201cXasan Sheekh reerkii sii ma wato, Ra\u2019iisul Wasaare Xamsana reerkii sii ma wato. Dowlad bay wadaan. Annaguna dhammaanteen reer ma wadno, dowlad baan wadnaa,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale dhaliilay dadka sheegaya in Muqdisho aysan amni ahayn ama ciidamada dowladda ay burbureen, isagoo sheegay in qaar ka mid ah hadalladaas ay dhaawacayaan dadaallada lagu sugayo amniga.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in Al-Shabaab lagu sameeyay hoos u dhac weyn, balse uu jiro dadaal uu ku tilmaamay mid lagu doonayo in kooxda fursad loogu abuuro Muqdisho.<\/p>\n<p>Fiqi ayaa sidoo kale difaacay baraha kontoroollada ee magaalada, isagoo su\u2019aal geliyay sababta ay dadka qaar uga soo horjeedaan baaritaanka gaadiidka iyo dadka lagu sameeyo goobahaas.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa hadalkiisa ku sheegay in sugidda amniga Muqdisho ay tahay masuuliyad dowladeed, isla markaana aan loo oggolaan doonin cid uu sheegay inay isku daydo inay amniga magaalada wax u dhinto ama dib u soo celiso kala qaybsanaantii qabiilka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho la gaarsiiyay heer sare, isaga oo sheegay in dowladda aysan ka tanaasuleyn tallaabooyinka lagu sugayo amniga caasimadda. Fiqi ayaa sheegay in Muqdisho ay gaartay heerka amnigeeda lagu qiimeeyo darajada \u201cA\u201d, isagoo tilmaamay in dowladda ay rajaynayso inay gaarsiiso heer ka sarreeya. \u201cKama gorgortamayno [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125937,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125936","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125936","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125936"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125936\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125938,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125936\/revisions\/125938"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125937"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125936"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125936"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125936"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}