{"id":125830,"date":"2026-09-23T21:41:02","date_gmt":"2026-09-23T18:41:02","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125830"},"modified":"2026-09-23T22:34:06","modified_gmt":"2026-09-23T19:34:06","slug":"tartanka-hanaanka-furan-ee-shaqooyinka-dawladda-oo-xafiiska-hanti-dhawrka-guud-ka-horyimid","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/09\/tartanka-hanaanka-furan-ee-shaqooyinka-dawladda-oo-xafiiska-hanti-dhawrka-guud-ka-horyimid\/","title":{"rendered":"Nidaamka shaqaaleysiinta furan ee shaqooyinka dowladda\u2014kaas oo uu diiday Hanti-dhowraha Guud\u2014ayaa ka hor imaanaya sharciyada dalka iyo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowraha Guud."},"content":{"rendered":"<p>Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa ka horyimid in hannaanka tartanka furan ee shaqooyinka dowladda lagu dabaqo Xafiiskiisa, isagoo sheegay in arrintaasi ay taabanayso madax-bannaanida dastuuriga ah ee hay&#8217;adda.<\/p>\n<p>Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa maalmahan waday hirgelinta amar kasoo baxay Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku saabsan in shaqooyinka dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan furan.<\/p>\n<p>Hase yeeshee, Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa sheegay in hannaankaas aan lagu dabaqi karin si ka hor imaanaysa nidaamka sharciyeed iyo madax-bannaanida hay&#8217;adda.<\/p>\n<p>Xafiisku wuxuu ku dooday in uu yahay hay&#8217;ad dastuuri ah oo madax-bannaan, lehna madax-bannaani maamul iyo mid maaliyadeed, taas oo lagu aasaasay Qodobka 177aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sida uu sheegay Xafiiska Hantidhowrka Guud, awoodaha, waajibaadka iyo shaqooyinka hay&#8217;adda waxaa si gaar ah loogu qeexay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Lr. 17 ee 2019 iyo Sharciga Hantidhowrka Guud ee Lr. 14 ee 2023.<\/p>\n<p>Xafiiska ayaa sheegay in sababta uu uga horyimid tallaabada Guddiga Shaqaalaha Rayidka ay tahay in go&#8217;aannada iyo habraacyada khuseeya shaqaalihiisa lagu saleeyo shuruucda u gaarka ah hay&#8217;adda, maadaama ay leedahay madax-bannaani dastuuriga ah.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale xusay Qodobka 63aad, farqaddiisa labaad, ee Xeer-nidaamiyaha Sharciga Nidaamka Xukuumadda, Xeer Lr. 174 ee 15-ka Febraayo 2025, kaas oo dhigaya in guddiyada iyo xafiisyada madax-bannaan ee dastuuriga ah lagu nidaamiyo mabaadi&#8217;da dastuurka iyo qodobbada ku qeexan xeerarkooda gaarka ah.<\/p>\n<p>Hantidhowrka Guud ayaa sidaas darteed sheegay in Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ay waajib ku tahay inuu dhowro madax-bannaanida dastuuriga ah ee Xafiiska, isla markaana uusan qaadin tallaabo wax u dhimaysa ama xaddidaysa awoodihiisa.<\/p>\n<p>Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Dhawaan faray dhammaan Wasiirrada iyo Mas\u2019uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div od-wrapper-base-5k4ruv od-wrapper-dimensions-1ipi1b od-wrapper-background-hixprw od-wrapper-slot-spacing-hjxh1p od-wrapper-loading-kwrdoy\" data-optidigital-slot=\"true\" data-od-slot-key=\"xsouks\">\n<div class=\"optidigital-brand od-brand-container-svdpy5\"><\/div>\n<\/div>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/hiiraan.com\/uploads\/2026\/09\/1790144288820542665_1430250275961429_5489511408282182836_n.jpg\" alt=\"Hantidhowrka Guud oo ka horyimid hannaanka tartanka furan ee shaqooyinka dowladda\" width=\"660\" height=\"933\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa ka horyimid in hannaanka tartanka furan ee shaqooyinka dowladda lagu dabaqo Xafiiskiisa, isagoo sheegay in arrintaasi ay taabanayso madax-bannaanida dastuuriga ah ee hay&#8217;adda. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa maalmahan waday hirgelinta amar kasoo baxay Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku saabsan in shaqooyinka dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125831,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125830","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125830","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125830"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125830\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125838,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125830\/revisions\/125838"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125831"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125830"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125830"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125830"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}