{"id":125407,"date":"2026-09-05T02:31:01","date_gmt":"2026-09-04T23:31:01","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125407"},"modified":"2026-09-05T02:48:21","modified_gmt":"2026-09-04T23:48:21","slug":"aagga-ganacsiga-xorta-ah-oo-midowga-afrika-ugu-hambalyeeyey-xukuumadda-federalka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/09\/aagga-ganacsiga-xorta-ah-oo-midowga-afrika-ugu-hambalyeeyey-xukuumadda-federalka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Aagga Ganacsiga Xorta ah ee (AFCFTA) oo Midowga Afrika Ugu Hambalyeeyey Xukuumadda Federalka Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa saaka xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho salaan iyo xushmad ah ku tagay xarunta.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta heshiiska lagu dhisay Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ku xoojinaysa ka mid noqoshada suuqa qaaradda iyo horumarinta is-dhexgalka dhaqaale ee Afrika.<\/p>\n<p>Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado waaweyn oo ay kaga qayb qaadan karto ganacsiga iyo maalgashiga gudaha Afrika, isaga oo xusay taariikhda dheer ee ganacsi ee Soomaaliya, firfircoonida ganacsatada Soomaaliyeed iyo xiriirrada ganacsi ee taariikhiga ah ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo meel ka baxsan qaaradda.<\/p>\n<p>Guddoomiyuhu sidoo kale wuxuu ammaanay horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinacyada nabadda, amniga iyo xasillinta dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in nabad iyo xasillooni waarta ay muhiim u yihiin in Soomaaliya ay ka faa\u2019iidaysato awooddeeda dhaqaale, horumar loo dhan yahay iyo is-dhexgalka gobolka.<\/p>\n<p>Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa Guddoomiyaha Midowga Afrika warbixin ka siiyay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga ee Geeska Afrika, kaas oo Addis Ababa lagu qabtay, iyadoo lagu saleeyay qaabka Hindisaha Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Shirka waxaa ka qayb galay wasiirrada ganacsiga ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, halka Suudaan iyo qaar ka mid ah hay\u2019adaha horumarinta ay sidoo kale wakiillo ku lahaayeen.<\/p>\n<p>Wasiirradu waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka, waxaana la isla eegay diyaarinta khariidad waddo oo lagu fududeynayo ganacsiga iyo samaynta hannaan isku-xirnaan goboleed oo wax looga qabanayo caqabadaha hortaagan ganacsiga.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumarka ka socda dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kororka kalsoonida maalgashadayaasha iyo kordhinta maalgashiga shisheeye.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay horumarradaasi, isaga oo sheegay in xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka iyo isku-xirka ganacsigu ay yihiin tiirar muhiim u ah nabad, xasillooni iyo barwaaqo waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee uu siiyo dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan xasillinta dalka.<\/p>\n<p>Wasiirku wuxuu sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamada ku tabaruca howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya, isagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo naf-hurnimadooda ay ku bixiyaan taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay sii hesho taageerada Midowga Afrika iyo beesha caalamka, iyadoo dalka uu ku howlan yahay inuu si tartiib-tartiib ah ula wareego mas\u2019uuliyad iyo lahaanshaha buuxa ee amniga qaranka iyo xasillinta dalka.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121171\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121170\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1024x724.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-768x543.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1536x1086.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-100x70.jpeg 100w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-200x140.jpeg 200w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-696x492.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1392x984.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1068x755.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-594x420.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1188x840.jpeg 1188w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg 1600w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"212\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa saaka xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho salaan iyo xushmad ah ku tagay xarunta. Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta heshiiska lagu dhisay Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125408,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125407","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125407","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125407"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125407\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125420,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125407\/revisions\/125420"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125408"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125407"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125407"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125407"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}