{"id":125295,"date":"2026-08-30T17:47:39","date_gmt":"2026-08-30T14:47:39","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125295"},"modified":"2026-08-30T17:48:44","modified_gmt":"2026-08-30T14:48:44","slug":"fadhiga-8aad-ee-aqalka-sare-ee-federalka-oo-qabsoomay-iyagoo-ansixiyey-xubin-gudiga-xuquuqul-insaanka-kamid-noqoneysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/fadhiga-8aad-ee-aqalka-sare-ee-federalka-oo-qabsoomay-iyagoo-ansixiyey-xubin-gudiga-xuquuqul-insaanka-kamid-noqoneysa\/","title":{"rendered":"Fadhiga 8&#8217;aad ee Aqalka Sare ee Federalka oo Qabsoomay iyagoo Ansixiyey Xubin Gudiga Xuquuqul insaanka kamid Noqoneysa."},"content":{"rendered":"<p>Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee Kalfadhiga 8-aad, iyadoo goluhu ansixiyay xubin cusub oo loo magacaabay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isla markaana akhrintii koowaad loo gudbiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah.<\/p>\n<p>Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.<\/p>\n<p>Ajandaha kulanka ayaa ka koobnaa saddex qodob oo kala ah ansixinta xubinta buuxinaysa booska ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka dhisidda Hay\u2019adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada iyo akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Maryan Cali Abuukar, ayaa golaha horgeysay xubinta loo soo magacaabay Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyadoo ka codsatay senatarrada inay siiyaan codka kalsoonida.<\/p>\n<p>Senatarrada Aqalka Sare ayaa ugu dambayn ansixiyay xubinta cusub, taasoo noqonaysa xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.<\/p>\n<p>Intaa kaddib, golaha ayaa u gudbay akhrinta koowaad ee laba hindise-sharciyeed oo kala ah Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay\u2019adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada iyo Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Hindise-sharciyeedka Saadaasha Hawada iyo Cimilada waxaa soo bandhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Xuseen Cali Xaaji, halka Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka uu soo jeediyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Axmed Cismaan Diiriye.<\/p>\n<p>Labada masuul ayaa senatarrada u sharraxay muhiimadda hindise-sharciyadan, baahida loo qabo in la meel mariyo iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarinta hay\u2019adaha iyo amniga dalka.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa lagu soo xiray kadib markii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu guddiyada ay khuseeyaan faray inay la wareegaan labada hindise-sharciyeed, dib-u-eegis ku sameeyaan, kana soo shaqeeyaan iyadoo la raacayo habraacyada dastuuriga iyo kuwa sharciga ah.<\/p>\n<p>Labada hindise-sharciyeed ayaa hadda u gudbay marxaladda guddiyada, ka hor inta aan Golaha lagu soo celin si loo sii ambaqaado hannaanka sharci-dejinta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee Kalfadhiga 8-aad, iyadoo goluhu ansixiyay xubin cusub oo loo magacaabay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isla markaana akhrintii koowaad loo gudbiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah. Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125296,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125295","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125295","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125295"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125295\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125297,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125295\/revisions\/125297"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125296"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125295"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125295"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125295"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}