{"id":125253,"date":"2026-08-28T17:03:20","date_gmt":"2026-08-28T14:03:20","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125253"},"modified":"2026-08-28T17:06:51","modified_gmt":"2026-08-28T14:06:51","slug":"soo-dhaweynta-gudoomiyaha-xisbiga-kaah-ee-somaliland-oo-madaxda-xisbiga-laga-hor-istaagay-in-ay-ka-qeyb-galaan-soo-dhaweynta-gudoomiye-maxamed-xaashi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/soo-dhaweynta-gudoomiyaha-xisbiga-kaah-ee-somaliland-oo-madaxda-xisbiga-laga-hor-istaagay-in-ay-ka-qeyb-galaan-soo-dhaweynta-gudoomiye-maxamed-xaashi\/","title":{"rendered":"Soo Dhaweynta Gudoomiyaha Xisbiga KAAH ee Somaliland oo Madaxda Xisbiga laga Hor istaagay in ay ka Qeyb galaan Soo Dhaweynta Gudoomiye Maxamed Xaashi."},"content":{"rendered":"<p>Xisbiga KAAH ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay amartay in xubnaha xisbiga laga hor istaago gudaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, xilli ay doonayeen inay soo dhaweeyaan Guddoomiyaha Xisbiga, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo saaka ka soo degay madaarka.<\/p>\n<p>Masuuliyiin ka tirsan KAAH ayaa sheegay in ciidanka ilaalada madaarku ay u diideen xubnaha xisbiga inay gudaha u galaan, iyagoo sheegay in haddii mar kale laga hor istaago inay madaarka galaan ay xoog ku geli doonaan.<\/p>\n<p>Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada Xukuumaddu qaaday ay kaga jawaabi doonaan ficil, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin nooca tallaabadaasi noqon doonto.<\/p>\n<p>Xukuumadda Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Xisbiga KAAH.<br \/>\nKhilaafka u dhexeeya KAAH iyo Xukuumadda ayaa soo ifbaxay kaddib markii labada dhinac oo horey uga tirsanaa isbahaysigii siyaasadeed ee keenay guushii Xisbiga WADDANI ee doorashadii 2024 ay aragti ahaan kala fogaadeen.<\/p>\n<p>KAAH ayaa doorashadii 2024 taageeray WADDANI, waxaana labada xisbi ay dhiseen Xukuumad wadaag ah, iyadoo xubno ka tirsan KAAH loo magacaabay xilal wasiirnimo.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, xidhiidhka labada xisbi ayaa dhawaan xumaaday kaddib markii KAAH uu kasoo horjeestay qorshaha Xukuumadda ee Safaaradda Somaliland ee Quddus, halka xisbiga uu sidoo kale dhaliilo u jeediyay Xukuumadda, gaar ahaan dhinacyada adeeg-bixinta bulshada.<\/p>\n<p>Dhacdada maanta ee Madaarka Cigaal ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiga KAAH iyo Xukuumadda uu sii xoogeysanayo, iyadoo hadallada labada dhinac ay muujinayaan kala fogaansho siyaasadeed oo sii kordhaya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xisbiga KAAH ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay amartay in xubnaha xisbiga laga hor istaago gudaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, xilli ay doonayeen inay soo dhaweeyaan Guddoomiyaha Xisbiga, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo saaka ka soo degay madaarka. Masuuliyiin ka tirsan KAAH ayaa sheegay in ciidanka ilaalada madaarku ay u diideen xubnaha xisbiga inay gudaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125254,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125253","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125253","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125253"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125253\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125255,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125253\/revisions\/125255"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125254"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125253"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125253"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125253"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}