{"id":125234,"date":"2026-08-27T01:33:32","date_gmt":"2026-08-26T22:33:32","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125234"},"modified":"2026-08-27T01:34:04","modified_gmt":"2026-08-26T22:34:04","slug":"goaankii-maxkamada-sare-ku-laashay-doorashadii-galmudug-oo-madaxda-qaranka-iyo-gudiga-doorashadu-aqbaleen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/goaankii-maxkamada-sare-ku-laashay-doorashadii-galmudug-oo-madaxda-qaranka-iyo-gudiga-doorashadu-aqbaleen\/","title":{"rendered":"Go&#8217;aankii Maxkamada Sare Ku Laashay Doorashadii Galmudug oo Madaxda Qaranka iyo Gudiga Doorashadu Aqbaleen."},"content":{"rendered":"<p>Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug.<\/p>\n<p>Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go\u2019aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay doorashadii isku-sidkanaa ee lagu qabtay Galmudug.<\/p>\n<p>Guddiga ayaa sheegay inuu go\u2019aankiisa ku saleeyay kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo mabda\u2019a ah in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo waafaqsan sharciga.<\/p>\n<p>Sida uu Guddigu sheegay, Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare siinaya awoodda ay ku dhageysan karto, go\u2019aan uga gaari karto, isla markaana xallin karto dacwadaha la xiriira doorashooyinka.<\/p>\n<p>Bayaanka ayaa lagu yiri &#8220;Iyadoo taas laga duulayo, Guddiga Doorashooyinka ayaa si rasmi ah u aqbalay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii lagu qabtay Galmudug.&#8221;<\/p>\n<p>Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inuu soo saari doono waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, iyadoo aan weli qoraalka lagu sheegin taariikhda saxda ah ee doorashadaas.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div od-wrapper-base-5k4ruv od-wrapper-dimensions-1ipi1b od-wrapper-background-hixprw od-wrapper-slot-spacing-hjxh1p od-wrapper-loading-kwrdoy od-wrapper-loading-background-h278g8\" data-optidigital-slot=\"true\" data-od-slot-key=\"xsoukr\">\n<div class=\"optidigital-brand od-brand-container-svdpy5\">Go\u2019aankan ayaa imanaya xilli muranka la xiriira doorashada Galmudug uu galay marxalad sharci iyo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee Guddiga Doorashooyinka iyo maamulka Galmudug.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug. Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go\u2019aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay doorashadii isku-sidkanaa ee lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125095,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125234","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125234","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125234"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125234\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125236,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125234\/revisions\/125236"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125095"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125234"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125234"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125234"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}