{"id":125206,"date":"2026-08-25T23:14:45","date_gmt":"2026-08-25T20:14:45","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125206"},"modified":"2026-08-25T23:38:09","modified_gmt":"2026-08-25T20:38:09","slug":"taageeradii-dhinacyada-garsoorka-iyo-xisbiyada-ay-soomaaliya-ka-heli-jirtay-untmis-oo-la-soo-gaban-gabeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/taageeradii-dhinacyada-garsoorka-iyo-xisbiyada-ay-soomaaliya-ka-heli-jirtay-untmis-oo-la-soo-gaban-gabeeyey\/","title":{"rendered":"Taageeradii Dhinacyada Garsoorka iyo Xisbiyada ay Soomaaliya ka Heli Jirtay UNTMIS oo La Soo Gaban gabeeyey.."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay barnaamijkii taageerada ee xafiiska Qaramada Midoobay ee KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS) uu ka siinayay dalka dhinacyada garsoorka iyo adeegyada xabsiyada.<\/p>\n<p>Munaasabad lagu soo xirayay taageerada UNTMIS ayaa Muqdisho ka dhacday, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee dowladda Federaalka, Xasan Macallin Maxamuud, saraakiil ka socotay dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay iyo UNTMIS, hay\u2019adaha garsoorka iyo asluubta, iyo sidoo kale saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay, UNTMIS iyo bahwadaagta caalamiga ah taageeradii ay Soomaaliya ka siiyeen horumarinta hay\u2019adaha garsoorka iyo adeegyada xabsiyada, tababarka iyo tayeynta hay\u2019adaha iyo xoojinta ku dhaqanka sharciga.<\/p>\n<p>Wasiirku wuxuu sheegay in soo gabagabeynta hawlaha UNTMIS ay tahay tallaabo muhiim ah oo ku wajahan in dowladda Federaalka iyo hay\u2019adaha qaranka ay si buuxda ula wareegaan mas\u2019uuliyadda horumarinta nidaamka cadaaladda.<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in aqoonta, khibradda iyo awoodda hay\u2019adaha Soomaaliyeed lagu dhisay muddadii ay UNTMIS taageerada bixinaysay ay noqon doonaan saldhig muhiim u ah sii horumarinta nidaamka garsoorka iyo adeegyada xabsiyada.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto horumarinta hay\u2019adaha cadaaladda iyo asluubta, iyadoo xoogga la saarayo in hay\u2019adaha qaranku si buuxda ula wareegaan mas\u2019uuliyadda adeegyadaas.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga iyo isku-duwidda dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo horumarka joogtada ah ee nidaamka cadaaladda iyo adeegyada xabsiyada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay barnaamijkii taageerada ee xafiiska Qaramada Midoobay ee KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS) uu ka siinayay dalka dhinacyada garsoorka iyo adeegyada xabsiyada. Munaasabad lagu soo xirayay taageerada UNTMIS ayaa Muqdisho ka dhacday, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee dowladda Federaalka, Xasan Macallin Maxamuud, saraakiil ka socotay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125207,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125206","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125206","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125206"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125206\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125208,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125206\/revisions\/125208"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125207"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125206"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125206"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125206"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}