{"id":125174,"date":"2026-08-24T22:34:37","date_gmt":"2026-08-24T19:34:37","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125174"},"modified":"2026-08-24T22:34:37","modified_gmt":"2026-08-24T19:34:37","slug":"gudoomiye-cabdulqaadir-maxamed-nuur-jaamac-oo-wada-hadaladii-uu-la-lahaa-xildhibaanadi-mucaaradka-ayaa-soo-dhamaaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/gudoomiye-cabdulqaadir-maxamed-nuur-jaamac-oo-wada-hadaladii-uu-la-lahaa-xildhibaanadi-mucaaradka-ayaa-soo-dhamaaday\/","title":{"rendered":"Gudoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Wada hadaladii uu La Lahaa Xildhibaanadi Mucaaradka ayaa Soo Dhamaaday."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa maanta soo gaba-gaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Guddi matalayey Xildhibaanada Mucaaradka.<\/p>\n<p>Wadahadallada oo ku qabsoomay jawi deggen, ayaa looga arrinsaday sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha Golaha, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Xildhibaanada.<\/p>\n<p>Dhinacyadu waxay isku raaceen qodobadan soo socda: Dhex-dhexaadnimada Golaha: In Goluhu u ahaado mid dhex-dhexaad ah dhammaan dhinacyada, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo doorka Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, In la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta Xildhibaanada, si hawlaha sharci-dejinta, Matalaadda iyo korjoogteynta hay\u2019adaha Dowladda ay ugu socdaan si habsami leh oo wax-ku-ool ah, iyadoo la waafajinayo qodobada 7aad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo Xorriyadda Hadalka iyo Dhiibashada oo ka tarjumaysa In Xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha Shacabka uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u cabbiro aragtidiisa iyo fikrikiisa, iyadoo la dhowrayo Qodobka 28aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mucaaradka waxay isku raaceen in si wadajir ah looga qayb-galo fadhiyada Golaha, si waafaqsan qodobka 23aad, farqadiisa 1aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka sida lagu shaaciyay Bayaanka kasoo baxay fadhigoodi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa maanta soo gaba-gaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Guddi matalayey Xildhibaanada Mucaaradka. Wadahadallada oo ku qabsoomay jawi deggen, ayaa looga arrinsaday sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha Golaha, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Xildhibaanada. Dhinacyadu waxay isku raaceen qodobadan soo socda: Dhex-dhexaadnimada Golaha: In Goluhu u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125175,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125174","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125174","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125174"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125174\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125176,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125174\/revisions\/125176"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125175"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125174"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125174"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125174"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}