{"id":125026,"date":"2026-08-16T22:38:30","date_gmt":"2026-08-16T19:38:30","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125026"},"modified":"2026-08-16T23:41:59","modified_gmt":"2026-08-16T20:41:59","slug":"dalalka-soomaaliyaturkiga-iyo-jabuuti-oo-lagu-eedeeyey-hurinta-colaada-awdal-iyo-salal-ee-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/dalalka-soomaaliyaturkiga-iyo-jabuuti-oo-lagu-eedeeyey-hurinta-colaada-awdal-iyo-salal-ee-somaliland\/","title":{"rendered":"Dalalka Soomaaliya,,Turkiga iyo Jabuuti oo Lagu Eedeeyey Hurinta Colaada Awdal iyo Salal ee Somaliland."},"content":{"rendered":"<p>Xukuumadda Somaliland ayaa dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Turkiga ku eedaysay inay qayb ka yihiin faragelin dibadeed oo ay sheegtay in lagu hurinayay colaaddii muddada ku dhow sannadka ka taagnayd qaar ka mid ah deegaannada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in colaaddaasi aanay ahayn mid salka ku haysay khilaaf beeleed oo gudaha ah, balse ay ahayd, sida uu hadalka u dhigay, \u201cfidmo ka timid dibadda\u201d oo ay dowlado shisheeye hagayeen.<\/p>\n<p>\u201cMushkiladda gobollada Galbeedka ka jirtay may ahayn reero islaynaya, wuxuu ahaa fidmo ka timid dibadda,\u201d ayuu yidhi Wasiir Cabdalle, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya iyo Jabuuti ay qayb ka ahaayeen faragelinta uu ka hadlay.<\/p>\n<p>Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in kadib markii Somaliland ay heshay aqoonsi, ay soo baxeen waxa uu ku tilmaamay \u201ccadow badan oo Somaliland ka soo horjeeda\u201d, isagoo si gaar ah u xusay Turkiga. \u201cTurkiga aayaanu ku tubmaynaa, waa farogelin ka shaqaynaysa in dadkaasi aanay nabad helin,\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Cabdalle Maxamed Carab ayaa sidoo kale colaadda ka taagnayd galbeedka Somaliland ku tilmaamay mid u ekayd dhacdooyinkii hore uga dhacay Laascaanood, isaga oo sheegay in muranka dhulka loo adeegsaday sidii loo carqaladayn lahaa dadaallada nabadeed ee ay beelaha deegaanku doonayeen inay yeeshaan.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in dhacdooyin ay ka mid ahayd gaadiid jidka loo galay ay ahaayeen, sida uu tilmaamay, isku day lagu fashilinayay shir nabadeed oo ay beeluhu doonayeen inay yeeshaan. Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu sheegay in dadka deegaannadaasi ay muddo dheer si wadajir ah u wada noolayeen, isla markaana aanay taariikh ahaan lahayn colaad beeleed joogto ah.<\/p>\n<p>\u201cShacabka deegaanku waa dad qaddiyadda Somaliland ku weyn tahay, wada dhashay oo aan waligood is dilin,\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Hadallada Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku soo beegmaya xilli shir nabadeed oo lagu dejinayo colaadda ka taagnayd gobollada galbeedka Somaliland uu dhawaan ka furmay deegaannadaas, kaas oo wejigiisii hore lagu gaadhay heshiis lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.<\/p>\n<p>Xukuumadda Somaliland ayaa dadaallada shirkaas u aragta tallaabo lagu soo afjarayo khilaafaadkii muddada socday.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Somaliland ayaa dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Turkiga ku eedaysay inay qayb ka yihiin faragelin dibadeed oo ay sheegtay in lagu hurinayay colaaddii muddada ku dhow sannadka ka taagnayd qaar ka mid ah deegaannada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in colaaddaasi aanay ahayn mid salka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125027,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125026","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125026","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125026"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125026\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125028,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125026\/revisions\/125028"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125027"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125026"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125026"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125026"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}