{"id":125020,"date":"2026-08-16T21:20:13","date_gmt":"2026-08-16T18:20:13","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=125020"},"modified":"2026-08-16T21:20:13","modified_gmt":"2026-08-16T18:20:13","slug":"isbitaalka-hargeysa-oo-haweeney-umul-ah-isku-daldasshey-iyadoon-la-ogeyn-sababta-ay-isu-dishay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/isbitaalka-hargeysa-oo-haweeney-umul-ah-isku-daldasshey-iyadoon-la-ogeyn-sababta-ay-isu-dishay\/","title":{"rendered":"Isbitaalka Hargeysa oo Haweeney Umul ah isku Daldasshey Iyadoon la Ogeyn Sababta ay isu Dishay."},"content":{"rendered":"<p>Haweenay dhowaan ku umushay Isbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa meydkeeda laga helay gudaha isbitaalka kadib markii ay isdaldashay, iyadoo laamaha amnigu ay bilaabeen baadhitaan ku saabsan dhacdada.<\/p>\n<p>Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Nimco Jaamac Yuusuf, ayaa isbitaalka timid toddobaad ka hor iyadoo uur leh, iyada oo halkaasi ku umushay, sida uu sheegay maamulka Isbitaalka Guud ee Hargeysa. Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in hooyada iyo ilmaheedu markii ay dhashay ay xaaladdoodu wanaagsanayd, balse markii dambe ilmaha ay soo wajahday neef-qabatin, taasoo keentay in lagu xidho oksijiin, kadibna loo wareejiyo qaybta daryeelka hooyada iyo dhallaanka.<\/p>\n<p>Sida maamulka sheegay, hooyada iyo ilmaheeda ayaa halkaasi ku jiray muddo todobaad ah, iyadoo ay la joogeen qaar ka mid ah eheladeeda. Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in muddadii ay isbitaalka joogtay ayna hooyadu soo gudbin wax cabasho ah oo la xidhiidha dhaqaale, adeeg caafimaad xumo ama duruufo kale oo gaar ah.<\/p>\n<p>Maamulka ayaa sheegay in hooyada la waayay habeenkii xalay, kadibna ay laamaha amnigu bilaabeen raadinteeda. Meydkeeda ayaa subaxnimadii saaka laga helay gudaha isbitaalka. Dhacdadan ayaa dhalisay walaac iyo su&#8217;aalo la xidhiidha xaaladda caafimaad iyo tan nafsiyeed ee hooyada xilliga ay isbitaalka ku jirtay, waxaana la sheegay in baadhitaan lagu sameynayo sababaha iyo duruufaha ku xeeran geerideeda, iyada oo eheladeedu sheegeen in ayna u dhiman sabab la xidhiidha caqabad kaga timid Isbitaalka.<\/p>\n<p>Dhanka kale, xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kaah ayaa si adag u cambaareeyay dhacdada, isaga oo ku tilmaamay mid laga xumaado oo muujinaysa dayacaad iyo masuuliyad-darro ka jirta adeegyada caafimaadka.<\/p>\n<p>Xisbiga ayaa sidoo kale ku eedeeyay maamulka isbitaalka in adeegyada caafimaad iyo kharashaadka la xidhiidha daaweyntu ay dhibaato ku yihiin qaar ka mid ah bukaannada, isaga oo sheegay in hooyadu ay isku dishay adeeg xumo iyo lacagaha isbitaalka oo ay iska bixin kariwayday.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha mucaaradka iyo wararka ku saabsan sababta keentay geerida haweeneyda ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin, halka maamulka Isbitaalka Guud ee Hargeysa uu sheegay in hooyadu muddadii ay isbitaalka joogtay ayna soo gudbin cabasho noocaas ah.<\/p>\n<p>Laamaha amniga ayaa la filayaa inay sii wadaan baadhitaanka dhacdada, si loo caddeeyo xaaladihii iyo sababihii ku xeernaa geerida hooyada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Haweenay dhowaan ku umushay Isbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa meydkeeda laga helay gudaha isbitaalka kadib markii ay isdaldashay, iyadoo laamaha amnigu ay bilaabeen baadhitaan ku saabsan dhacdada. Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Nimco Jaamac Yuusuf, ayaa isbitaalka timid toddobaad ka hor iyadoo uur leh, iyada oo halkaasi ku umushay, sida uu sheegay maamulka Isbitaalka Guud [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":125021,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-125020","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125020","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=125020"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125020\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":125022,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/125020\/revisions\/125022"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/125021"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=125020"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=125020"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=125020"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}