{"id":124883,"date":"2026-08-11T04:24:05","date_gmt":"2026-08-11T01:24:05","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=124883"},"modified":"2026-08-11T04:42:31","modified_gmt":"2026-08-11T01:42:31","slug":"barlamaanka-federalka-soomaaliya-oo-u-doortay-gudoomiyaha-cusub-ee-barlamaanka-cabdulqaadir-maxamed-nuur-jaamac","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/barlamaanka-federalka-soomaaliya-oo-u-doortay-gudoomiyaha-cusub-ee-barlamaanka-cabdulqaadir-maxamed-nuur-jaamac\/","title":{"rendered":"Barlamaanka Federalka Soomaaliya ee Hore oo U Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur &#8216;Jaamac."},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yasin Xaaji Samatar, ayaa ku dhawaaqday natiijada cod-bixinta.<\/p>\n<p>Sida natiijada rasmiga ah ee lagu dhawaaqay, waxaa fadhiga maanta xaadiray 174 xildhibaan, waxaana codadka loo kala helay, Cabdulqaadir Cumar Macallin: 30 cod iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo helay 142 cod waxaana xumaaday Codad xumaaday 2 cod.<\/p>\n<p>Sidaas ayuu Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ugu guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo helay aqlabiyadda codadka la dhiibtay.<\/p>\n<p>Doorashadan ayaa timid kaddib markii xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu bannaanaaday, markii Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Doorashada guddoomiyaha cusub ayaa ka mid ahayd qodobadii ugu muhiimsanaa ee ajandaha Golaha Shacabka ee kalfadhiga siddeedaad.<\/p>\n<p>Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac wuxuu ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xilkaas oo uu hayay tan iyo Maarso 2025.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Caddaaladda, waxaana uu muddo hore lataliye sare uga soo noqday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.<\/p>\n<p>Intii uu ololaha doorashada ku jiray, iyo Khudbadii uu maanta ka jeediyay Golaha Shacabka ayuu Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac wuxuu sheegay in barnaamijkiisa musharraxnimo uu ku dhisan yahay shan tiir oo waaweyn, kuwaas oo ay ka mid tahay in hay\u2019adaha fulinta dowladda lagu sameeyo isla-xisaabtan iyo kormeer joogto ah.<\/p>\n<p>Wuxuu ballanqaaday in Golaha Shacabka uu si dhow ula socon doono hawlaha ay hay\u2019adaha dowladda ka wadaan dalka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in awoodda fulinta lagu sameeyo kormeer iyo isla-xisaabtan baarlamaan.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu noqon karta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo Golaha Shacabka uu wajahayo arrimo culus oo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka, dastuurka iyo xiriirka u dhexeeya hay\u2019adaha dowladda.<\/p>\n<p>Kaddib ku dhawaaqista natiijada, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Sacdiya Yasin Xaaji Samatar ayaa u yeertay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac si loo dhaariyo, taasoo rasmi ahaan u calaamadeysay bilowga waajibaadkiisa cusub ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121171\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121170\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1024x724.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-768x543.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1536x1086.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-100x70.jpeg 100w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-200x140.jpeg 200w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-696x492.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1392x984.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1068x755.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-594x420.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1188x840.jpeg 1188w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg 1600w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"212\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yasin Xaaji Samatar, ayaa ku dhawaaqday natiijada cod-bixinta. Sida natiijada rasmiga ah ee lagu dhawaaqay, waxaa fadhiga maanta xaadiray [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":124884,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-124883","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124883","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=124883"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124883\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":124893,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124883\/revisions\/124893"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/124884"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=124883"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=124883"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=124883"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}