{"id":124768,"date":"2026-08-07T22:22:37","date_gmt":"2026-08-07T19:22:37","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=124768"},"modified":"2026-08-07T22:22:37","modified_gmt":"2026-08-07T19:22:37","slug":"tartanka-caalamiga-ah-ee-quraanka-kariimka-ee-dalka-sucuudiga-oo-soomaaliya-u-dirtay-labo-tartame","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/tartanka-caalamiga-ah-ee-quraanka-kariimka-ee-dalka-sucuudiga-oo-soomaaliya-u-dirtay-labo-tartame\/","title":{"rendered":"Tartanka Caalamiga ah ee Qur&#8217;aanka Kariimka ee Dalka Sucuudiga oo Soomaaliya u Dirtay Labo Tartame"},"content":{"rendered":"<p>Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sagootisay laba arday oo matalaya dalka, kuwaas oo ka qeyb geli doona Tartanka Caalamiga ah ee Qur\u2019aanka Kariimka ee ka dhacaya Boqortooyada Sacuudiga.<\/p>\n<p>Xafladda sagootinta waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, oo kula dardaarmay tartamayaasha inay si sharaf leh u matalaan Soomaaliya, isla markaana muujiyaan akhlaaqda iyo qiyamka Qur\u2019aanka Kariimka.<\/p>\n<p>Labada tartame ee Soomaaliya matalaya ayaa kala ah: Maxamed Nuur Maxamed Ibraahim, oo ku tartamaya xifdinta 30-ka juz ee Qur\u2019aanka Kariimka iyo Muna Cabdiraxmaan Maxamed Sabriye, oo ku tartamaysa xifdinta 15 juz.<\/p>\n<p>Labadan arday ayaa u soo baxay tartanka kaddib markii ay kaalmaha ugu sarreeya ka galeen tartankii qaran ee Qur\u2019aanka Kariimka oo Wasaaradda Awqaaftu qabatay bishii Ramadaan.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta wasaaraddu waxay sheegeen in ka qeybgalka tartankan uu ka tarjumayo dadaallada Soomaaliya ay ku horumarinayso barashada Qur\u2019aanka Kariimka, tayeynta macallimiinta iyo dhiirrigelinta dhalinyarada ku xeel dheer xifdinta iyo tajwiidka.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div od-wrapper-base-5k4ruv od-wrapper-dimensions-1ipi1b od-wrapper-background-hixprw od-wrapper-slot-spacing-hjxh1p od-wrapper-loading-kwrdoy od-wrapper-loading-background-h278g8\" data-optidigital-slot=\"true\" data-od-slot-key=\"xsoukr\">\n<div class=\"optidigital-brand od-brand-container-svdpy5\">Sanadihii u dambeeyay, tartamayaasha Soomaaliyeed ayaa guulo iyo kaalmooyin muuqda ka soo hooyay tartamada Qur\u2019aanka Kariimka ee heer gobol iyo heer caalami, iyagoo kor u qaaday sumcadda dalka ee dhinaca barashada Qur\u2019aanka.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sagootisay laba arday oo matalaya dalka, kuwaas oo ka qeyb geli doona Tartanka Caalamiga ah ee Qur\u2019aanka Kariimka ee ka dhacaya Boqortooyada Sacuudiga. Xafladda sagootinta waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, oo kula dardaarmay tartamayaasha inay si sharaf leh u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":124769,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-124768","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124768","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=124768"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124768\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":124770,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124768\/revisions\/124770"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/124769"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=124768"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=124768"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=124768"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}