{"id":124657,"date":"2026-08-02T22:10:29","date_gmt":"2026-08-02T19:10:29","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=124657"},"modified":"2026-08-02T22:49:35","modified_gmt":"2026-08-02T19:49:35","slug":"caasimadda-maamulka-waqooyi-bari-laascaanood-oo-raiisalwasaare-xamze-cabdi-barre-gaaray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/08\/caasimadda-maamulka-waqooyi-bari-laascaanood-oo-raiisalwasaare-xamze-cabdi-barre-gaaray\/","title":{"rendered":"Caasimadda Maamulka Waqooyi Bari Laascaanood oo Ra&#8217;iisalwasaare Xamze Cabdi Barre Gaaray."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa Garoonka Diyaaradaha Laascaanood waxaa ku qaabilay mas&#8217;uuliyiin heer deegaan ah, odayaal, qeybaha bulshada iyo Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyadoo boqolaal dadweyne ah ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada si ay u soo dhaweeyaan wafdiga.<\/p>\n<p>Khudbad kooban oo uu jeediyay kadib soo dhaweynta, Ra\u2019iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka deegaanka sida diirran ee ay u qaabileen, isagoo sheegay in safarkiisu uu yahay mid lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo la wadaagista farxadda shacabka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan idiin sheegayaa in aan idin jeclahay, waxaanan idiinkugu imid in aan idinla dabaaldego,\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sheegay in muddada uu ku sugan yahay Laascaanood uu kulamo kala duwan la yeelan doono hoggaanka deegaanka iyo qeybaha bulshada, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha horumarinta, amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo maamulka deegaanka.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale bogaadiyay sannad-guurada maamulka, isaga oo xusay in kulamada la qorsheeyay lagu falanqeyn doono horumarka la gaaray iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo adeegyada bulshada iyo maamulka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay in maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya uu muujiyay horumar dhinaca dhismaha hay&#8217;adaha, isku-duwidda adeegyada dadweynaha iyo ka qeybgalka bulshada, isagoo sheegay in dadaalladaasi ay gacan ka geysanayaan horumar waara iyo xoojinta xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa Garoonka Diyaaradaha Laascaanood waxaa ku qaabilay mas&#8217;uuliyiin heer deegaan ah, odayaal, qeybaha bulshada iyo Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":124660,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-124657","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124657","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=124657"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124657\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":124661,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124657\/revisions\/124661"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/124660"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=124657"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=124657"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=124657"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}