{"id":124440,"date":"2026-07-23T04:31:17","date_gmt":"2026-07-23T01:31:17","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=124440"},"modified":"2026-07-23T05:56:21","modified_gmt":"2026-07-23T02:56:21","slug":"urur-siyaasadeedka-dadka-soomaaliyeed-oo-war-saxaafadeed-uu-soo-saarey-aad-loogu-amaanay-dadaalka-iyo-waxqabadka-hayadda-maareynta-masiibooyinka-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/07\/urur-siyaasadeedka-dadka-soomaaliyeed-oo-war-saxaafadeed-uu-soo-saarey-aad-loogu-amaanay-dadaalka-iyo-waxqabadka-hayadda-maareynta-masiibooyinka-qaranka\/","title":{"rendered":"Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed oo War-Saxaafadeed uu Soo Saarey Aad Loogu Amaanay Dadaalka iyo Waxqabadka Hay&#8217;adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA)."},"content":{"rendered":"<h1><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-124183\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-300x253.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"253\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-300x253.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-1024x863.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-768x648.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-1536x1295.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-696x587.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-1392x1174.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-1068x900.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-498x420.jpeg 498w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD-996x840.jpeg 996w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/LOGGO-URURKA-MDD.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/sodma-logo.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-124444\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/sodma-logo-300x300.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/sodma-logo-300x300.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/sodma-logo-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/sodma-logo-420x420.jpg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/sodma-logo.jpg 554w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/h1>\n<h1>WAR-SAXAAFADEED<\/h1>\n<h2>Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed oo Bogaadiyey Waxqabadka Hay&#8217;adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed. (SoDMA)<\/h2>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Muqdisho, Soomaaliya<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn u bogaadiyey dadaalka, kartida iyo hufnaanta ay muujiyeen Hoggaanka iyo Masuuliyiinta Hay&#8217;adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), kuwaas oo si joogto ah ula socda xaaladaha bani&#8217;aadannimo ee ka jira gobollada dalka, kana shaqeynaya badbaadinta iyo taakuleynta shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, cunto yarida, fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Warbixin ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Hay&#8217;addu ay muujisay dadaal muuqda oo lagu gaarsiinayo gargaar bani&#8217;aadannimo bulshada nugul, iyadoo fulisay qiimeyn joogto ah oo ku saabsan xaaladaha abaaraha, cunto yarida iyo saameynta isbeddelka cimilada ee gobollada dalka.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Ururku wuxuu si gaar ah u ammaanayaa dadaallada Hay&#8217;addu ku bixisay gaarsiinta gargaar cunto iyo agab kale oo muhiim ah bulshada ku nool deegaanno badan oo ay saameeyeen abaarta, waxaana ka mid ah gobollo iyo degmooyin kala duwan oo dalka ah sida Gedo, Baay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Jubbooyinka, Gobolka Banaadir iyo deegaanno kale oo baahi bani&#8217;aadannimo ay ka jirto. Sidoo kale, Hay&#8217;addu waxay dadaal weyn gelisay isku dubbaridka qaybinta gargaarka iyadoo kaashanaysa hay&#8217;adaha dowladda, maamulka heer gobol iyo degmada, hay&#8217;adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada samafalka.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Waxaa sidoo kale si weyn loo bogaadiyey ololayaasha wacyigelinta ee Hay&#8217;addu ka waddo guud ahaan dalka, kuwaas oo bulshada lagu baraarujinayo sidii looga hortagi lahaa khataraha fatahaadaha, roobabka mahiigaanka ah iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maalba leh.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in, inkastoo Hay&#8217;addu ay wajahday caqabado ay ka mid yihiin yaraanta dhaqaalaha iyo taageerada caalamiga ah, haddana ay soo bandhigtay waxqabad la taaban karo oo ka tarjumaya waddaniyad, masuuliyad iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Sidaas darteed, Ururku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, hay&#8217;adaha Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dhammaan hay&#8217;adaha deeq bixiyeyaasha in ay kordhiyaan taageerada bani&#8217;aadannimo ee la gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed, maadaama warbixinaha Hay&#8217;adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ay muujinayaan in gobollo badan ay weli wajahayaan cunto yari, biyo la&#8217;aan iyo roobab ka yar intii la filayay, taas oo sare u qaaday baahida loo qabo gargaar degdeg ah.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Ugu dambeyn, Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu ku dhiirrigelinayaa Hoggaanka iyo dhammaan shaqaalaha Hay&#8217;adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda qaran ee ku aaddan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeynaya guul iyo horumar joogto ah gudashada waajibaadka qaran ee ay u hayaan bulshada.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\"><strong>Dhamaad<\/strong><\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\"><strong>Xafiiska Guddoomiyaha<br \/>\nUrur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed<\/strong><\/p>\n<p><strong>Cali Maxamed Nuux (Timajilic).<\/strong><\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121171\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121170\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1024x724.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-768x543.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1536x1086.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-100x70.jpeg 100w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-200x140.jpeg 200w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-696x492.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1392x984.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1068x755.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-594x420.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1188x840.jpeg 1188w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg 1600w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"212\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAR-SAXAAFADEED Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed oo Bogaadiyey Waxqabadka Hay&#8217;adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed. (SoDMA) Muqdisho, Soomaaliya Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn u bogaadiyey dadaalka, kartida iyo hufnaanta ay muujiyeen Hoggaanka iyo Masuuliyiinta Hay&#8217;adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), kuwaas oo si joogto ah ula socda xaaladaha bani&#8217;aadannimo ee ka jira gobollada dalka, kana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":124183,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-124440","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124440","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=124440"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124440\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":124451,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/124440\/revisions\/124451"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/124183"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=124440"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=124440"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=124440"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}