{"id":12404,"date":"2013-01-31T15:53:55","date_gmt":"2013-01-31T12:53:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=12404"},"modified":"2013-01-31T16:02:02","modified_gmt":"2013-01-31T13:02:02","slug":"dilalka-weriyayaasha-iyo-walaaca-bulshada-qalinkii-saadax-fantastic","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/01\/dilalka-weriyayaasha-iyo-walaaca-bulshada-qalinkii-saadax-fantastic\/","title":{"rendered":"Dilalka Weriyayaasha iyo Walaaca Bulshada! (QALINKII SAADAQ FANTASTIC)"},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/01\/Siraaaa5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/01\/Siraaaa5.jpg\" alt=\"\" title=\"Siraaaa\" width=\"400\" height=\"315\" class=\"alignnone size-full wp-image-12413\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/01\/Siraaaa5.jpg 400w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/01\/Siraaaa5-300x236.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 400px) 100vw, 400px\" \/><\/a><\/p>\n<p>(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)<\/p>\n<p>Ugu horreyn waxaan mahad ballaaran u celinayaa allihii ina abuuray oo koonkaan ina keenay maantana ii suura geliyay inaan wax ka qoro masiibada maalinlaha ah ee ay la kulmayaan suxufiyiinta soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka.<\/p>\n<p>Mahadcelin dabadeed aan guda galo maqaalkeyga aan manta uga hadli doono dilalka wariyaariyayaasha iyo sida markii dadka ahaan u soomaali ah ay maqlaan wariyaa la dilay dareenkooda u kaco isla markaana ay uga tiiraayoodaan dhibaatada loo geystay wariyahaasi oo ay niyadda iyo afkaba uga duceeyaan in alle u naxariisto una rajeeyaan naxariista alle.<\/p>\n<p>Waan wada ognahay wixii sanadkii hore ka dhacay magaalada muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka ee lagu leynayay siyaabo kala duwanna loo dilayay saxafiyiinta,tiro saxafiyiin ah ayay bahda saxaafadda ku waayeen.<\/p>\n<p>Shabakadda Warbaahinta Shabeelle oo ka kooban idaacad tv iyo website ayaa noqotay shabakadda sanad kasta gaar ahaan sanadihii ugu dambeeyay lagu daahfuro dilalka iyadoo sanadkii hore bishii January la dilay allaha u naxariistee agaasimihii idaacadda Xasan Fantastic si sidaas la mid ahna sanadkaan dilalka lagu daahfuray allaha u naxariistee Cabdi Xareed Cismaan Aadan hadaba su\u2019aalaha la is weydiinayo oo qalbiga dadka soomaaliyeed ka guuxaya ma laga yaabaa in tiradii sanadkii hore oo kale oo saxafiyiin ah la dilo?.<\/p>\n<p>Dhacdo kasta oo dhacdo ee saxafi lagu waxyeeleeyo yaa loo baahan yahay in uu wax ka qabto ama sugo amniga saxafiyiinta?,maxaa loo dili karaa saxafi ama sababa in la dilo?,yaa dila wariyayaasha?,su\u2019aalahaan oo idil oo aan weydiiyay dad waayo joog ah inkastoo aysan jawaab sax ah  isiin hadana waxay igu yidhaahdeen sidatan:-<\/p>\n<p>\uf076  Wariyayaasha waxaa loo baahan yahay inay amnigooda sugaan hadba cidda markaa gacanta ku haysa goobaha ay ka shaqeynayaan,eeddana waxaa qaadaya ciddaas Wariyayaasha ugu badanna waxaa lagu dilaa goobaha ay dowladda ka taliso eeddana iyada ayaa qaadeysa.<\/p>\n<p>\uf076  Shaqo walba oo lagu gudo jiro qalad qofku waa uu ka dhici karaa saxafiyiintana waxaa aalaaba lagu abaal mariyoaa dilal iyo in la xiro oo xorriyaddooda ay waayaan taana niyad jab ayay ku keeneysaa dadka howshaasi gacanta kula jira.<\/p>\n<p>\uf076  Wariyayaasha waxaa looga baahan yahay in ay u fiirsadaan waxa ay sheegayaan oo aysan danahooda oo kaliya aysan sheegin dadkana been ka dhaadhicin,cidna gooni u eedeynin isla markaana aqlaaqdooda qofeed ay iska hagaajiyaan,inkastoo hawsha ay ku jiraan ay halis badan tahay hadana waxaa lagama maarmaan ah inay taladooda u dhiibyaan alle subxaanahuu watacaalaa,run waxaa ah qofkii taladiisa u gacan geliya alle in uusan adduun iyo aakhiraba qasaari doonin.<\/p>\n<p>Bulshada soomaaliyeed gaar ahaan inta jecel horumarka dalka waxay mar walbaa sheegaan in ay aad iyo aad uga xun yihiin dilalka arxan darrada ah ee loo geysto dadka iyaga u shaqeynaya,laamaha ammaanka dowladana waxay sheegaan inay wax ka qaban doonaan amni xumada laakiin riyadaas waxay noqotay mid ku koobnaata oo kaliya in shirar jaraa\u2019iid la qabto oo laga sheeg sheego in wax laga qaban doono.<\/p>\n<p> Dowladdu waxay isaga dhagan tahay wariye gabadh wareysi ka qaaday oo iska indha tirtay dhibaatooyinka kale ee lagu hayo saxafiyiinta ee isugu jira dilalka gaadmada ah,waxayna ka badan waayeen in wariye wareysi gabar ka qaaday la xiro oo hadba meel loo gudbiyo ,taasoo sumcad darron ku ah laamaha ammaanka.<\/p>\n<p>Guntii iyo gabangabadii waxaan qoraalkan ciilka iyo carada darteed aan u qoray ku soo afmeerayaa in saxafiyiinta ay u dulqaataan dhibaatadan lagu hayo ayna ogaadaan in dhibaatada kaligood lagu hey nee lagu hayo bulshada ay dagaallada,abaaraha iyo murannada siyaasadeed ay halakeeyeen,waxaan kaloo hawada duco u marsiinayaa walaalihii dhintay in alle uu jannadiisa fardowso ugu deeqo kuwa kale ee dhaawaca ahna uu si degdeg ah caafimaad u siiyo si shaqadooda halkii ay uga sii qabtaan,iyo kuwa caafimaadka qabana uu cadawga ka ilaaliyo aaaamiiiin.<\/p>\n<p>N.B. Allahayow Qoraalkan Ka Dhig Kii Joojiya Dilalka Saxafiyiinta.<br \/>\nW\/Q: Qoraaga da\u2019da yar Saadaq Fantastic.<\/p>\n<p>(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom) Ugu horreyn waxaan mahad ballaaran u celinayaa allihii ina abuuray oo koonkaan ina keenay maantana ii suura geliyay inaan wax ka qoro masiibada maalinlaha ah ee ay la kulmayaan suxufiyiinta soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka. Mahadcelin dabadeed aan guda galo maqaalkeyga aan manta uga hadli doono dilalka wariyaariyayaasha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-12404","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12404","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12404"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12404\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12407,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12404\/revisions\/12407"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12404"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12404"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12404"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}