{"id":123386,"date":"2026-05-28T21:40:44","date_gmt":"2026-05-28T18:40:44","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=123386"},"modified":"2026-05-28T21:40:44","modified_gmt":"2026-05-28T18:40:44","slug":"madaxweyne-qoor-qoor-oo-sheegay-in-galmudug-u-baahantahay-doorasho-loo-simanyahaywadatashi-iyo-isfaham","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/05\/madaxweyne-qoor-qoor-oo-sheegay-in-galmudug-u-baahantahay-doorasho-loo-simanyahaywadatashi-iyo-isfaham\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Qoor Qoor oo Sheegay in Galmudug U Baahantahay Doorasho Loo Simanyahay,Wadatashi iyo Isfaham."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay u baahan tahay doorasho loo siman yahay oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta doorashada maamulkaasi.<\/p>\n<p>Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta hadal ka jeediyay munaasabadda Ciiddul Adxaa, ayaa sheegay in aan xal lagu gaari karin kala qaybsanaan iyo go\u2019aanno dhinac keliya laga wado, isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug inay doortaan wada-hadal iyo isu tanaasul.<\/p>\n<p>\u201cGalmudug waxay u baahan tahay doorasho loo siman yahay oo ku dhisan talo wadajir ah oo dhexda taal,\u201d ayuu yiri madaxweynaha.\u201d<\/p>\n<p>Qoor qoor ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka soo socda ay u baahan yihiin \u201cwada-tashi, is-qancin iyo wada-xaajood,\u201d isaga oo sheegay in aanay jirin waddo kale oo lagu gaari karo xal waara.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan u baahannahay doorashooyin lagu heshiiyay, talo wadajir ahna lagu gaadhay. Ma jirto waddo kale oo horumar lagu gaari karo marka laga reebo wada-tashi, isu tanaasul iyo wadahadal,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Qoor Qoor ayaa sidoo kale ka digay isku day kasta oo lagu kala qaybinayo bulshada Galmudug ama lagu faafinayo \u201cbeen iyo barobagaando,\u201d isaga oo sheegay in shacabka ay hadda leeyihiin door muuqda oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee maamulka.<\/p>\n<p>\u201cWaqtigii wax qarsoon lagu socon jiray waa dhammaaday. Dadku maanta waxay leeyihiin odayaal, culimo, siyaasiyiin iyo waxgarad ka qayb qaata talada. Lama joogo xilli koox gaar ah wax gooni ah meel ku go\u2019aansan karto,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray.<\/p>\n<p>Hadalka madaxweynaha Galmduug ayaa kusoo beegmay xilli maalmihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxeyne Qoor iyo Villa Soomaalya, kaddib markii ay soo baxayeen xogta ku saabsan in Dowladda Federaalka ay dhisayso musharax kale.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay u baahan tahay doorasho loo siman yahay oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta doorashada maamulkaasi. Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta hadal ka jeediyay munaasabadda Ciiddul Adxaa, ayaa sheegay in aan xal lagu gaari [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":123387,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-123386","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/123386","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=123386"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/123386\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":123388,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/123386\/revisions\/123388"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/123387"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=123386"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=123386"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=123386"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}