{"id":123363,"date":"2026-05-26T21:47:44","date_gmt":"2026-05-26T18:47:44","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=123363"},"modified":"2026-05-26T21:48:26","modified_gmt":"2026-05-26T18:48:26","slug":"xujey-malaayiin-ah-kana-kala-yimid-muslimiinta-caalamka-oo-maanta-istaagay-buurta-carafa-si-ay-u-gutaan-waajibaadka-acmaasha-alle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/05\/xujey-malaayiin-ah-kana-kala-yimid-muslimiinta-caalamka-oo-maanta-istaagay-buurta-carafa-si-ay-u-gutaan-waajibaadka-acmaasha-alle\/","title":{"rendered":"Xujey Malaayiin ah kana Kala Yimid Muslimiinta Caalamka oo Maanta Istaagay Buurta Carafa Si ay u Gutaan Waajibaadka Acmaasha Alle."},"content":{"rendered":"<p>In ka badan hal milyan iyo bar xujaaj ah ayaa maanta taagan bannaanka Carafo si ay u gutaan rukniga ugu weyn ee waajibaadka Xajka, kadib markii ay dhegeysteen khudbaddii maalinta Carafo oo uu jeediyay Sheekh Ali Al-Hudhaifi.<\/p>\n<p>Khadiibka ayaa khudbaddiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay cabsida Alle, midnimada Muslimiinta iyo in laga fogaado kala qeybsanaanta, isagoo sheegay in cibaadada Xajku ay ka fog tahay arrimo siyaasadeed iyo xisbinimo.<\/p>\n<p>Malaayiin Muslimiin ah oo dunida dacalladeeda ku kala nool ayaa si toos ah ula socday khudbadda Carafo, halka bannaanka Carafo ay hareeyeen jawi cibaado, duco iyo ilmeyn leh.<\/p>\n<p>Kadib salaaddii duhur iyo casar oo la isku jamciyay lana soo gaabiyay, xujeyda ayaa gacmaha kor u taagay iyagoo Alle baryaya, waxaana hawada si weyn uga baxayey codadka talbiyada \u201cLabbeykallahumma Labbeyk\u201d.<\/p>\n<p>Wasaaradda Xajka Sacuudiga ayaa sheegtay in dhammaan xujeyda si nabad ah loogu daad-gureeyay buurta Carafo iyo nawaaxigeeda, iyadoo howlgalka sanadkan lagu adeegsaday tareennada mashaa&#8217;irta iyo kumannaan bas oo loogu talagalay isku socodka xujeyda.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div od-wrapper-base-5k4ruv od-wrapper-dimensions-1ipi1b od-wrapper-background-hixprw od-wrapper-slot-spacing-hjxh1p od-wrapper-loading-kwrdoy od-wrapper-loading-background-h278g8\" data-optidigital-slot=\"true\" data-od-slot-key=\"xsoukr\">\n<div class=\"optidigital-brand od-brand-container-svdpy5\">Marka qorraxdu dhacdo caawa, xujeyda ayaa u gudbi doona Muzdalifa halkaas oo ay ku tukadaan salaadaha maqrib iyo cishaha, kuna hoydaan habeenka ka hor maalinta Ciidda Carafo.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>In ka badan hal milyan iyo bar xujaaj ah ayaa maanta taagan bannaanka Carafo si ay u gutaan rukniga ugu weyn ee waajibaadka Xajka, kadib markii ay dhegeysteen khudbaddii maalinta Carafo oo uu jeediyay Sheekh Ali Al-Hudhaifi. Khadiibka ayaa khudbaddiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay cabsida Alle, midnimada Muslimiinta iyo in laga fogaado kala qeybsanaanta, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":123364,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-123363","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/123363","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=123363"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/123363\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":123365,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/123363\/revisions\/123365"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/123364"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=123363"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=123363"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=123363"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}