{"id":123190,"date":"2026-05-21T21:28:32","date_gmt":"2026-05-21T18:28:32","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=123190"},"modified":"2026-05-21T21:28:32","modified_gmt":"2026-05-21T18:28:32","slug":"garyaqaan-dhaliilay-safaarad-laga-furo-qudusta-la-haysto-oo-maamulka-somaliland-ugu-hanjabay-in-la-xiri-doono","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/05\/garyaqaan-dhaliilay-safaarad-laga-furo-qudusta-la-haysto-oo-maamulka-somaliland-ugu-hanjabay-in-la-xiri-doono\/","title":{"rendered":"Garyaqaan Dhaliilay Safaarad Laga Furo Qudusta La Haysto oo Maamulka Somaliland ugu Hanjabay in La Xiri Doono."},"content":{"rendered":"<p>Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay hadal kasoo yeedhay Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac oo ku saabsanaa qorshaha la sheegay in Somaliland safaarad uga furanayso magaalada Qudus ee laysku haysto, iyadoo masuuliyiinta Somaliland ay sheegeen in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ay ku eedeeyaan inay kasoo horjeeddo arrintan.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay tallaabo adag ka qaadi doonaan shaqsiyaad uu ku tilmaamay kuwo u adeegaya cadowga Somaliland. Wasiirku wuxuu sheegay in aan loo dulqaadan doonin hadallo uu ku sheegay kuwo dhaawacaya jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cInan yar oo Hargaysa jooga, oo cida uu u shaqeeyo aanu naqaano oo cadowga u adeega, afar xaraf TV-ga inta uu la fadhiisto qodobo anaga nooga sheekayn maayo, tallaabo cad ayaa laga qaadaya, sharciga ayaa la marinaya, loo dulqaadan maayo,\u201d ayuu yidhi Wasiir Sandheere, isagoo intaas ku daray in cid kasta oo arrimahaasi ku lug leh lala tiigsan doono sharciga.<\/p>\n<p>Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac ayaa dhankiisa jawaab ka bixiyay hadalka wasiirka, isagoo sheegay in inkasta oo uu wasiirku adeegsaday luuqad adag, haddana uu aaminsan yahay in doodaha siyaasadeed lagu xalliyo si waafaqsan dastuurka iyo xorriyadda hadalka. Waxa uu sheegay inuu yahay muwaadin reer Somaliland ah oo taageersan dastuurka iyo jiritaanka Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cSomaliland waa Jamhuuriyad shacabku leeyahay oo leh dastuur. Anna waxa aan ahay muwaadin reer Somaliland oo ogol dastuurka, gartaydana waxa ka garsoore ah shacabka,\u201d ayuu yidhi Garyaqaanku, isagoo sidoo kale tilmaamay in aan cidna loo adeegayn marka aragti sharci iyo mid siyaasadeed la cabbirayo.<\/p>\n<p>Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay inuu si weyn usoo dhaweynayo xidhiidhka sii xoogeysanaya ee Somaliland iyo Israa\u2019iil, iyo sidookale aqoonsiga ay Israa\u2019iil siisay Somaliland. Hase yeeshee, wuxuu ku dooday in magaalada Qudus ayna ku habboonayn in Somaliland ay safaarad ka furato, maadaama Qaramada Midoobay ay hore uga digtay in safaarado laga sameeyo magaaladaas oo weli muran caalami ah ka taagan yahay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay hadal kasoo yeedhay Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac oo ku saabsanaa qorshaha la sheegay in Somaliland safaarad uga furanayso magaalada Qudus ee laysku haysto, iyadoo masuuliyiinta Somaliland ay sheegeen in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ay ku eedeeyaan inay kasoo horjeeddo arrintan. Wasiirka Arrimaha Gudaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":123191,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-123190","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/123190","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=123190"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/123190\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":123192,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/123190\/revisions\/123192"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/123191"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=123190"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=123190"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=123190"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}