{"id":122989,"date":"2026-05-14T22:54:32","date_gmt":"2026-05-14T19:54:32","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=122989"},"modified":"2026-05-14T22:55:04","modified_gmt":"2026-05-14T19:55:04","slug":"madaxweynaha-dalka-kenya-ruto-oo-sheegay-in-dib-loo-dhigay-furitaanka-xuduud-beeneedka-kenya-iyo-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/05\/madaxweynaha-dalka-kenya-ruto-oo-sheegay-in-dib-loo-dhigay-furitaanka-xuduud-beeneedka-kenya-iyo-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Dalka Kenya Ruto oo Sheegay in Dib Loo Dhigay Furitaanka Xuduud Beeneedka Kenya iyo Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, sababo la xidhiidha xaaladda amni iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div\" data-optidigital-slot=\"true\">\n<div class=\"optidigital-brand\"><\/div>\n<\/div>\n<p>Ruto oo wareysi siiyay warbaahinta France 24 ayaa sheegay in qorshihii dib loogu furi lahaa xadka uu hakad galay kadib markii dagaallo ka dhex qarxeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, kuwaas oo saameyn ku yeeshay deegaannada xuduudda la leh Kenya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay gudaha u galeen Kenya kadib dagaallo dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, taas oo xaaladda sii cakirtay.<\/p>\n<p>\u201cWax walba si wanaagsan ayay u socdeen ilaa uu khilaaf weyn ka dhex qarxay dowladda Muqdisho iyo dowlad-goboleedyada. Dagaallo ayaa ka dhacay xadka Kenya u dhow, waxaana gudaha Kenya usoo gudbay qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya,\u201d ayuu yidhi Ruto.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay gacan ka geysatay dejinta xaaladda, iyadoo taageero u fidisay ciidamada Soomaaliya si loo yareeyo colaadda.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div\" data-optidigital-slot=\"true\">\n<div class=\"optidigital-brand\">Ruto ayaa xusay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay sidoo kale adkaysay qorshaha furitaanka xadka, isagoo tilmaamay in muddo xileedka baarlamaanka Soomaaliya uu dhammaaday, halka muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya uu gabagabo ku dhow yahay.<\/div>\n<\/div>\n<p>\u201cMa cadda halka ay xaaladdu ku dambayn doonto. Waxaan isku daynay inaan dhex-dhexaadino dowladda Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, balse weli guul kama aynaan gaadhin,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray.<\/p>\n<p>Bishii February ee sanadkan, Madaxweyne Ruto ayaa shaaciyay in bisha April dib loo furi doono xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan marinka Mandheera, si loo soo celiyo isku socodka dadka iyo ganacsiga xuduudda.<\/p>\n<p>Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa la xidhay sanadkii 2011, kadib weerarro amni darro oo ay gudaha Kenya ka geysteen kooxda Al-Shabaab.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, sababo la xidhiidha xaaladda amni iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya. Ruto oo wareysi siiyay warbaahinta France 24 ayaa sheegay in qorshihii dib loogu furi lahaa xadka uu hakad galay kadib markii dagaallo ka dhex qarxeen dowladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":122990,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-122989","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122989","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=122989"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122989\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":122991,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122989\/revisions\/122991"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/122990"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=122989"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=122989"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=122989"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}