{"id":122957,"date":"2026-05-13T17:27:14","date_gmt":"2026-05-13T14:27:14","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=122957"},"modified":"2026-05-13T17:32:10","modified_gmt":"2026-05-13T14:32:10","slug":"markab-laga-leeyahay-dalka-masar-laguna-afduubtay-xeebaha-soomaaliya-oo-dalalka-khaliijku-cambaareeyeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/05\/markab-laga-leeyahay-dalka-masar-laguna-afduubtay-xeebaha-soomaaliya-oo-dalalka-khaliijku-cambaareeyeen\/","title":{"rendered":"Markab Laga Leeyahay Dalka Masar Laguna Afduubtay Xeebaha Soomaaliya oo Dalalka Khaliijku Cambaareeyeen."},"content":{"rendered":"<p>Wadamada Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Boqortooyada Urdun ayaa si adag u cambaareeyay dhacdo lagu afduubtay markab shidaal oo ka yimid biyaha caalamiga ah ee Yemen, kaas oo sida la sheegay ay la socdeen badmaaxiin u dhashay dalka Masar, kadibna loo jiheeyay biyaha Soomaaliya.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div\" data-optidigital-slot=\"true\">\n<div class=\"optidigital-brand\">Saddexda dal ayaa bayaan ay soo saareen Wasaaradahooda Arrimaha Dibadda ku sheegay in dhacdadani ay tahay mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar weyn ku ah amniga marinada badda iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah.<\/div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n<p>Waxay sidoo kale muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan Dowladda Masar iyo qoysaska badmaaxiinta la afduubtay, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo xaqiijiyo ammaankooda loona sii daayo.<\/p>\n<p>Dhanka kale, waxay ku baaqeen in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeednimada iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca marinada badda ee istiraatiijiga ah.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa horay u sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda markabka M\/T Eureka, oo laga soo afduubtay biyaha Yemen laguna haayo xeebaha Soomaaliya.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div\" data-optidigital-slot=\"true\">\n<div class=\"optidigital-brand\"><\/div>\n<\/div>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdel Aaty, ayaa faray safaaradda Masar ee Muqdisho inay si dhow ula socoto xaaladda sideedda badmaax ee Masar u dhashay, isla markaana ay bixiso dhammaan taageerada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo sii deyntooda, iyadoo lala xiriirayo mas\u2019uuliyiinta Soomaaliya si loo xaqiijiyo badqabka shaqaalaha markabka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wadamada Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Boqortooyada Urdun ayaa si adag u cambaareeyay dhacdo lagu afduubtay markab shidaal oo ka yimid biyaha caalamiga ah ee Yemen, kaas oo sida la sheegay ay la socdeen badmaaxiin u dhashay dalka Masar, kadibna loo jiheeyay biyaha Soomaaliya. Saddexda dal ayaa bayaan ay soo saareen Wasaaradahooda Arrimaha Dibadda ku sheegay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":122959,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-122957","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122957","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=122957"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122957\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":122958,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122957\/revisions\/122958"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/122959"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=122957"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=122957"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=122957"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}