{"id":122699,"date":"2026-05-02T16:58:57","date_gmt":"2026-05-02T13:58:57","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=122699"},"modified":"2026-05-02T17:05:32","modified_gmt":"2026-05-02T14:05:32","slug":"xujeydii-ugu-horeysay-ee-soomaaliya-oo-laga-sagootiyey-garoonka-aadan-cadde-ee-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/05\/xujeydii-ugu-horeysay-ee-soomaaliya-oo-laga-sagootiyey-garoonka-aadan-cadde-ee-magaalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Xujeydii Ugu Horeysay ee Soomaaliya oo Laga Sagootiyey Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p>Xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah looga sagootiyay Garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade kuwaas oo u amba baxay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div\" data-optidigital-slot=\"true\">\n<div class=\"optidigital-brand\"><\/div>\n<\/div>\n<p>Munaasabadda sagootinta waxaa daahfuray Wasiirka Diinta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow, kaas oo si rasmi ah u furay duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed ka qaaday dalka.<\/p>\n<p>Sida Wasaaradda ay xustay, guud ahaan xujeyda maanta dhoofay ayaa gaarayay 432 xaaji, kuwaas oo ka kala duulay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.<\/p>\n<p>Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in sanadkan xal loo helay dhibaatooyin badan oo horay u heystay xujeyda Soomaaliyeed, isagoo xusay in horumar laga sameeyay habraacyadii adeegyada loo fidin jiray dadka xajka aadaya.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale tilmaamay in isbeddel lagu sameeyay nidaamka gowraca xoolaha Udxiyadda, iyadoo shirkad gaar ah ay u xilsaartay howlahaas Dowladda Sacuudiga, halka sidoo kale la fududeeyay gaadiidkii basaska ee xujeyda lagu qaadi jiray.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in lacagihii la xiriiray adeegyada Masaarka sanadkan si toos ah loo maamulayo, isla markaana ay qaadeyso dowladda Sacuudiga.<\/p>\n<div class=\"optidigital-wrapper-div\" data-optidigital-slot=\"true\">\n<div class=\"optidigital-brand\"><\/div>\n<\/div>\n<p>Duulimaadyadan ugu horreeya ayaa qeyb ka ah howlaha sanadkan loogu daadgureynayo xujeyda Soomaaliyeed ee ku wajahan goobaha barakeysan Ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah looga sagootiyay Garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade kuwaas oo u amba baxay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan. Munaasabadda sagootinta waxaa daahfuray Wasiirka Diinta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow, kaas oo si rasmi ah u furay duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed ka qaaday [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":122700,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-122699","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122699","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=122699"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122699\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":122701,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122699\/revisions\/122701"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/122700"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=122699"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=122699"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=122699"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}