{"id":122610,"date":"2026-04-28T21:49:24","date_gmt":"2026-04-28T18:49:24","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=122610"},"modified":"2026-04-29T00:07:10","modified_gmt":"2026-04-28T21:07:10","slug":"barnaamijka-siyaasadeed-ee-murashax-madaxweyne-dr-suldaan-cabdiqani-oo-la-shaaciyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/04\/barnaamijka-siyaasadeed-ee-murashax-madaxweyne-dr-suldaan-cabdiqani-oo-la-shaaciyey\/","title":{"rendered":"Barnaamijka Siyaasadeed ee Murashax Madaxweyne Dr. Suldaan Cabdiqani oo La Shaaciyey."},"content":{"rendered":"<p><strong>BARNAAMIJKA SIYAASADEED EE MURASHAX MADAXWEYNE<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dr. Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201cAmni iyo Ammaano Qaran\u201d Tiirka Dowladda Mustaqbalka Soomaaliya<\/strong><\/p>\n<p><strong>Amni \u2022 Caddaalad \u2022 Dib-u-heshiisiin \u2022 Adeeg Bulsho \u2022 Barwaaqo \u2022 Dib-u-dhis Dawladeed<\/strong><\/p>\n<p>Muddo ka badan soddon sano, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay burbur dowladeed, amni darro, dhaqaale xumo, hay\u2019ado jilicsan, iyo niyad-jab siyaasadeed oo soo noqnoqday. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya weli waa dal leh adkaysi aan caadi ahayn, juqraafi istaraatiiji ah, kheyraad dabiici ah oo hodan ah, iyo shacab mideysan oo wadaaga diin, dhaqan, luqad iyo taariikh. Intii lagu jiray marxaladdii burburka, malaayiin Soomaali ah, aqoonyahanno, dhallinyaro, qoysas iyo ganacsato ayaa dalka ka hijrooday. Dadkaasi ma aysan necbeyn dalkooda, balse waxay ka waayeen waxyaabihii uu dalku ku ahaan lahaa dal iyagoo u qaxeay dalal ay ka heli karaan wixii ay ka waayeen dalkooda: amni, sharaf, caddaalad, fursad iyo dawlad shaqeysa.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay soo martay saddex jamhuuriyadood:<\/p>\n<ul>\n<li>Jamhuuriyaddii 1aad: 1960\u20131969<\/li>\n<li>Jamhuuriyaddii 2aad: 1969\u20131990<\/li>\n<li>Jamhuuriyaddii 3aad: oo ka bilaabatay Carta 2000<\/li>\n<\/ul>\n<p>Jamhuuriyadda saddexaad, in kastoo ay lahayd fursado iyo caqabado is barbar socday, maanta waxay ku sugan tahay xaalad burbur iyo kalsooni darro, kadib markii dalka dib loogu celiyay khilaaf, kala aamin bax, iyo adeegsiga awoodda dawladnimo si loo cabburiyo shacabka. Sidaas darteed, isbeddelka Soomaaliya u baahan tahay <strong>ma aha mid shaqsi beddel ah<\/strong>, sida in madaxweyne in lagu bedelo madaxweyne kale, balse waa <strong>isbeddel nidaam oo dhammaystiran<\/strong>, oo lama huraan ka dhigaya <strong>yagleelidda Jamhuuriyadda Afaraad<\/strong>.<\/p>\n<p>Maanta, Soomaaliya waxay taagan tahay <strong>isgoys taariikhi ah oo halistiisa iyo fursadahiisaba ay ku ag yaallaan<\/strong>, kaasoo go\u2019aamin doona mustaqbalka dalka.<\/p>\n<p><strong>HIMILADEYDA QARAN<\/strong><\/p>\n<p>Soomaaliya madax-bannaan, nabad ah, caddaalad ku dhisan, barwaaqo ah, oo muwaadin kasta ku nool yahay sharaf, hay\u2019aduhuna u adeegaan shacabka.<\/p>\n<ol>\n<li><strong> HOGGAAMIN, MIDNIMO IYO DIB-U-HABAYN DAWLADEED<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>Midnimo iyo Qarannimo<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Ilaalinta midnimada, madaxbannaanida dad iyo dhuleed ee Soomaaliya<\/li>\n<li>Ka hormarinta muwaadinnimada qabiilka<\/li>\n<li>Dhisidda dawlad matasha dhammaan shacabka<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Dastuur iyo Nidaam Dawladeed<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Qorista dastuur cusub oo gudaha dalka lagu qoro, wadar-oggol ah, laguna diyaariyo cilmi iyo cuquul Soomaaliyeed ee aan aheyn farriin ka timid dibedda iyo dalal kale<\/li>\n<li>Dastuur ku saleynta diinta, duruufaheenna khaaska ah iyo danta ummadda Soomaaliyeed<\/li>\n<li>Kala caddeynaya awoodaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Ka Guurista 4.5 iyadoo la tixgelinta aqoonta, kartida iyo hufnaanta<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Ka guurista nidaamka 4.5 iyo u gudbid nidaam qofka lagu qiimeeyo karti, aqoon iyo hufnaan (<strong>meritocracy)<\/strong>, kuna saleysan tartan furan oo cadaalad ah, loona siman yahay.<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Dhallinyara iyo haweenka<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Maadaama dal waliba uu wax ku yahay, heerna ku gaaro awoodda dadkiisa, dalka Soomaaliya waa dal dhallinyaro. Dhallinyarada ka sokow waa dal dumarkiisu ay muujiyeen dadaalladii dalku ku badbaaday dal iyo dibad kii ugu mudnaa. Sidaas darteed waxaan xoogga saareynaa in dhallinyarada iyo haweenka dowr muuqda laga siiyo fursadaha jira, iyadoo aan u diyaarineyno shaqo abuur ay ka faa\u2019iideystaan, dalka wax ugu taraan, tahriibta iyo nolosha ay u raadsanayaan dalal aan wax badan ina dhaaminna ay kaga kaaftoomaan.<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Dadweynuhu inay doortaan cidda madaxd u noqonaysa<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Hirgelinta doorasho qof iyo cod ah<\/li>\n<li>Dhisidda guddiyo doorasho oo madax-bannaan<\/li>\n<li>Ilaalinta xorriyadda siyaasadeed<\/li>\n<\/ul>\n<ol start=\"2\">\n<li><strong> AMNI, CADAALAD IYO KALA DAMBEYN<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<p>Qofka Soomaaliga ah wuxuu xaq aasaasi ah u leeyahay inuu dalkiisa ugu dhex noolaado si cabsi la\u2019aan ah. Sidaaas darteed higsiga kowaad ee murashaxu waa: Soomaaliya nabad ah laga bilaabo Raaskaambooni ilaa Lawyacaddo, qofka Soomaaliyeedna uu habeen iyo maalin meeshii uu doono mari karo isagoo naftiisa maalkiisa iyo sharaftiisa aan uga baqayn waxyeello uga timaada qof, qowleysato iyo qabiilo kale midna.<\/p>\n<p><strong>Qorshaha Amniga<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Siyaasaddeedda amnigu waa u dulqaadasho la\u2019aan ( <strong>Zero Tolerance)<\/strong> ka dhan ah amni darro kasta nooc ay ahaato iyo cid ay ka timaadaba<\/li>\n<li>Dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida, si loo helo amni gude iyo xuduud oo la isku halleyn karo<\/li>\n<li>Xoojinta sirdoonka, si dhibaatada looga hortago ka hor dhicitaankeeda<\/li>\n<li>La dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan<\/li>\n<li>Dhisidda nidaam amni oo bulshada u shaqeeya ee aan iyaga dhibaato ku aheyn<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Caddaalad iyo Garsoor<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Garsoor madax-bannaan<\/li>\n<li>Maxkamad dastuuri ah<\/li>\n<li>Caddaalad loo siman yahay masuul iyo laga masuul labadaba<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>La Dagaallanka Musuqmaasuqa<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Qofna looma oggolaan doono inuu musuq sameeyo, ka baxsado cadaaladda<\/li>\n<li>Hanti-dhawr madax-bannaan<\/li>\n<li>Daah-furnaan maaliyadeed<\/li>\n<\/ul>\n<ol start=\"3\">\n<li><strong> DIB-U-HESHIISIIN QARAN<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<p>Dadka Soomaaliyeed si Rabbaani ah ayey heshiis u yihiin, hase yeeshee wali kama heshiin wixii kala gaadhay, kumana heshiin dawladnimada. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay:<\/p>\n<ul>\n<li>Shir dib-u-heshiisiin qaran<\/li>\n<li>Maxkamado gaar ah oo lagu kala xaq baxo<\/li>\n<li>Xaq-soor, magdhow iyo isu-samaxaad<\/li>\n<li>Soomaali oo ka heshiisa dawladnimada<\/li>\n<li>Sinnaan xil, xoolo iyo xurmo<\/li>\n<\/ul>\n<ol start=\"4\">\n<li><strong> DHAQAALE IYO HORUMAR QARAN<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<ul>\n<li>Taageeridda ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe<\/li>\n<li>Abuurista shaqooyin dhallinyaro<\/li>\n<li>Soo jiidashada maalgashiga<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Soo Saarista Lacag Qaran <\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Si looga baxo ku tiirsanaanta lavagaha shisheeye waxaan soo hirgelinaynaa lacag Soomaaliyeed oo rasmi ah<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Kheyraadka Dalka<\/strong><\/p>\n<p>Khayraadka dalku waa hanti qaran oo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed, wadaagna ay ku yihiin. Sidaas darteed ayaa khayraadka dabiiciga ah ee ceegaaga bad iyo berry, isuguna jira macdan, shidaal iyo tamar looga wada faa\u2019iideynayaa si cadaalad ah, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo:<\/p>\n<ul>\n<li>Kalluumeysiga<\/li>\n<li>Beeraha<\/li>\n<li>Xoolaha<\/li>\n<li>Dekedaha<\/li>\n<\/ul>\n<ol start=\"5\">\n<li><strong> ADEEG BULSHO IYO HORUMAR AADANE<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<p>Dawladnimadu waa ammaano, waa adeeg, waana isla xisaabtan. Haddii intaas la waayo waxaa meesha ka baxaya wixii ay dawladdu ku aheyd dawlad.<\/p>\n<p><strong>Waxbarasho<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Waxbarasho lacag la\u2019aan ah<\/li>\n<li>Cunto ardayda loo qorsheeyo muddada ay waxbarashada ku jiraan<\/li>\n<li>100% carruurta inay iskuul galaan, gaar ahaan kuwa wali ku jira da\u2019da waxbarashada waajibka ah ee dugsiga hoose &amp; dhexe<\/li>\n<li>Waxbarashada dadka waaweyn<\/li>\n<li>Civic education<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Caafimaad<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Ugu yaraan hal isbitaal oo referral ah maamul walba inuu helo<\/li>\n<li>Adeeg caafimaad oo dalka oo dhan gaara<\/li>\n<li>Yareynta safarka caafimaadka dibedda<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Biyo<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Si siman inay biyo u helaan dad iyo duunyo meel ay dalka ka joogaanba<\/li>\n<li>Qodista ceelal, biyo-xireenno iyo kaydad biyood oo looga badbaado biyo la\u2019aanta xilliyada abaaraha<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Adeegyada Kale<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Caddaalad<\/li>\n<li>Waddooyin<\/li>\n<li>Koronto<\/li>\n<li>Nadaafad<\/li>\n<li>Tiro-koob iyo Diiwaan gelin<\/li>\n<li>Adeegyo dijitaal ah<\/li>\n<li>Gurmad degdeg ah<\/li>\n<\/ul>\n<ol start=\"6\">\n<li><strong> SIYAASADDA DIBADDA<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<ul>\n<li>Danaha qaranka ayaa ka horreynaya danaha kale oo dhan<\/li>\n<li>Xiriir istaraatiiji ah<\/li>\n<li>Sharaf iyo madax-bannaani<\/li>\n<li>Cod xooggan oo caalami ah<\/li>\n<\/ul>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Gabagabadii, Murashax Madaxweyne <strong>Dr. Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed<\/strong> iyo aragtidiisa <strong>\u201cAmni iyo Ammaano Qaran\u201d<\/strong> waxay soo bandhigayaan jid cusub oo Soomaaliya ka saari kara fashilka hoggaamineed ee ragaadiyay, horseedina kara dawladnimo dhab ah oo si daacadnimo ah loo hirgeliyo, kana taabbagasha guud ahaan geyiga Soomaaliyeed, taasoo saldhiggeedu yahay horumar iyo cadaalad, si Soomaaliya ay noqoto meel lagu noolaan karo.<\/p>\n<p>Isbeddelka maanta loo baahan yahay waa mid nidaam, waa mid qaran, waana mid taariikhi ah.<\/p>\n<p>Su\u2019aasha taagan waa: Ma noqon doonaa hoggaamiyihii Soomaaliya u horseedi lahaa xasillooni iyo dowladnimo dhab ah?<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121171\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121170\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1024x724.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-768x543.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1536x1086.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-100x70.jpeg 100w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-200x140.jpeg 200w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-696x492.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1392x984.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1068x755.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-594x420.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1188x840.jpeg 1188w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg 1600w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"212\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments\u00a0<span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>BARNAAMIJKA SIYAASADEED EE MURASHAX MADAXWEYNE Dr. Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed \u201cAmni iyo Ammaano Qaran\u201d Tiirka Dowladda Mustaqbalka Soomaaliya Amni \u2022 Caddaalad \u2022 Dib-u-heshiisiin \u2022 Adeeg Bulsho \u2022 Barwaaqo \u2022 Dib-u-dhis Dawladeed Muddo ka badan soddon sano, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay burbur dowladeed, amni darro, dhaqaale xumo, hay\u2019ado jilicsan, iyo niyad-jab siyaasadeed oo soo noqnoqday. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":122239,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-122610","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122610","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=122610"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122610\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":122619,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122610\/revisions\/122619"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/122239"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=122610"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=122610"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=122610"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}