{"id":121363,"date":"2026-03-04T00:35:11","date_gmt":"2026-03-03T21:35:11","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=121363"},"modified":"2026-03-04T01:24:41","modified_gmt":"2026-03-03T22:24:41","slug":"madaxweyne-trump-oo-ku-hanjabay-in-duqeynta-loo-geystay-safaarada-sucuudiga-ee-mareykanka-uu-u-aargudi-doono","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/03\/madaxweyne-trump-oo-ku-hanjabay-in-duqeynta-loo-geystay-safaarada-sucuudiga-ee-mareykanka-uu-u-aargudi-doono\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Trump oo ku Hanjabay in Duqeynta loo geystay Safaarada Sucuudiga ee Mareykanka uu u Aargudi Doono."},"content":{"rendered":"<p>Weerar ay fuliyeen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) ayaa aroornimadii Talaadada lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca ee Boqortooyada Sacuudiga. Weerarkaasi ayaa sababay dab iyo burbur soo gaadhay safaarada.<\/p>\n<p>Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in laba diyaaradood ay si toos ah u beegsadeen safaaradda, balse ciidamada difaaca cirka ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan weerarro kale oo lala damacsanaa xaafadda diblomaasiyiinta ee Riyadh.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Mareykanka, , ayaa si kulul uga hadlay weerarka, isaga oo u sheegay warbaahinta \u00a0in Mareykanku \u201csi dhakhso ah\u201d uga jawaabi doono. \u201cWaxaad ogaan doontaan dhawaan,\u201d ayuu yidhi Trump, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca tallaabada la qaadi doono.<\/p>\n<p>Wasaaradda difaaca Sacuudiga ayaa sidoo kale xaqiijisay in dab-damisyo lagu arkay hareeraha safaaradda, isla markaana la xakameeyay dabkii ka kacay goobta. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo waaweyn isla markaana ay arkeen qiiq ka baxaya dhismaha safaaradda, oo ku yaalla xaafadda ay degan yihiin safaaradaha shisheeye.<\/p>\n<p>Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Sacuudigu ay ka hortageen afar diyaarad kale oo ku wajahnaa xaafadda diblomaasiyiinta. Saacado kadib, wasaaradda difaaca ayaa shaacisay in siddeed diyaaradood lagu soo riday meel u dhow Riyadh iyo magaalada Al-Kharj.<\/p>\n<p>Weerarradan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad militari ay ka taagan tahay dalalka Khaliijka, iyadoo Iiraan la sheegay in ay waddo weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo ka dhan ah dalal ku yaalla gobolka. Wasaaradda difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay la tacaaleyso gantaallo ballistik ah oo kaga imaanaya dhinaca Iiraan, halka Qatar ay iyaduna sheegtay in ay qabatay laba gantaal oo ballistik ah aroornimadii Talaadada.<\/p>\n<p>Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in safaaradda Mareykanka ee Kuwayt ay sidoo kale soo gaadhay waxyeello kagata timid weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha halkaas ka dhashay.<\/p>\n<p>Kadib weerarka Riyadh, safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan magaalooyinka Jeddah, Riyadh iyo Dhahran, iyadoo ku amartay in ay hoygooda ku nagaadaan, isla markaana la xaddiday safarrada aan daruuriga ahayn ee ku wajahan xarumaha militari ee gobolka.<\/p>\n<p>Weerarradan is-daba-joogga ah ayaa sare u sii qaadaya xiisadda amni ee ka taagan gobolka Khaliijka, iyadoo beesha caalamku si dhow ula socoto sida uu Mareykanku uga falcelin doono weerarka lagu qaaday safaaraddiisa Riyadh.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121171\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-cusub.jpeg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-121170\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"212\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-300x212.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1024x724.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-768x543.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1536x1086.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-100x70.jpeg 100w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-200x140.jpeg 200w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-696x492.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1392x984.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1068x755.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-594x420.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha-1188x840.jpeg 1188w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/murashaxin-iyo-xidigaha.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Weerar ay fuliyeen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) ayaa aroornimadii Talaadada lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca ee Boqortooyada Sacuudiga. Weerarkaasi ayaa sababay dab iyo burbur soo gaadhay safaarada. Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":121364,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-121363","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/121363","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=121363"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/121363\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":121381,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/121363\/revisions\/121381"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/121364"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=121363"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=121363"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=121363"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}