{"id":121151,"date":"2026-02-24T01:28:15","date_gmt":"2026-02-23T22:28:15","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=121151"},"modified":"2026-02-24T02:02:54","modified_gmt":"2026-02-23T23:02:54","slug":"mucaaradka-dawladda-federalka-wada-hadalada-kula-jiray-oo-sheegay-in-shirkii-natiijo-laaan-ku-soo-dhamaadeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/02\/mucaaradka-dawladda-federalka-wada-hadalada-kula-jiray-oo-sheegay-in-shirkii-natiijo-laaan-ku-soo-dhamaadeen\/","title":{"rendered":"Mucaaradka Dawladda Federalka Wada hadalada kula Jiray oo Sheegay in Shirkii Natiijo La&#8217;aan ku Soo Dhamaadeen."},"content":{"rendered":"<div class=\"article-content\">\n<p>Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku soo dhammaaday natiijo la\u2019aan, kaddib maalmo wadahadalladu socdeen.<\/p>\n<p>Goluhu wuxuu sheegay in wadahadalka uu ku galay niyad-wanaag iyo mas\u2019uuliyad qaran, si xal loogu helo xaaladaha adag ee dalka ka jira, sida abaaraha ba\u2019an, kala qaybsanaanta siyaasadeed, culaysyada dhaqaale iyo saamaynta isbeddellada caalamiga ah. Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu doonayay in laga hortago hubanti la\u2019aanta siyaasadeed islamarkaana la xaqiijiyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda ka hor dhammaadka muddo-xileedka hay\u2019adaha dastuuriga ah.<\/p>\n<p>Golaha Mustaqalka ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay sii wadday wax-ka-beddel hal dhinac ah oo lagu sameynayo dastuurka, iyadoo sidoo kale ku eedeeyay xukuumadda in ay \u00a0diidday ka-qaybgalka fadhiyada baarlmaanka in ka badan 50 xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsan, isla markaana la adeegsaday handadaad iyo cabsi gelin amni. Waxa kale oo uu sheegay Goluhu in xubnahooda lagu cadaadiyay dhinaca amniga iyo siyaasadda, islamarkaana warbaahinta lagu baahiyay warar sumcad-dil ah.<\/p>\n<p><strong>Qodobbada ugu waaweyn ee la isku mari waayay<\/strong><\/p>\n<p>Golaha Mustaqbalka wuxuu ku adkaystay in dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012 uu yahay saldhigga sharci ee dalka, wax ka beddelkiisuna u baahan yahay heshiis qaran iyo wadatashi dadweyne oo dhab ah, iyadoo la ilaalinayo dheellitirka awoodaha federaalka. Halka, Dawladda Federaalka ay ku adkaysatay in wax-ka-beddelka aan loo joojin doonin cidna.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Golaha ayaa dalbaday in doorashooyinka Dawlad-goboleedyada ee muddo-dhaafka ah lagu qabto si waafaqsan dastuurkooda iyo mabaadi\u2019da federaalka, halka ay xukuumaddu doonayso in doorashooyinkaasi lagu saleeyo dastuurka wax-ka-beddelkiisa la isku hayo, lana hoos geeyo guddiga doorasho ee federaalka.<\/p>\n<p>Arrinta kale oo muran dhalisay ayay sheegeen in ay tahay, \u00a0in ka hor 14-ka Abriil la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka, jadwalka iyo maamulka doorashada Baarlamaanka Federaalka. Golaha wuxuu ku baaqay hannaan doorasho oo daahfuran, loo dhan yahay, kana matalaad ballaaran kuwii hore, halka ay dawladdu soo jeedisay in guddigu noqdo mid talo-bixin kaliya leh oo aan lahayn awood go\u2019aan gaaris.<\/p>\n<p><strong>Go\u2019aanka Golaha<\/strong><\/p>\n<p>Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay in uusan oggolaan doonin wax uu ku tilmaamay \u201cdastuur la beddelo, doorasho lagu shubto ama muddo-kororsi,\u201d isagoo sheegay in mas\u2019uuliyaddiisu tahay difaaca dastuurka, nidaamka federaalka iyo doorasho heshiis lagu yahay oo sharciyad leh.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Golaha ayaa sheegay inuu weli diyaar u yahay wadahadal dhab ah oo miro-dhal ah, si loo gaaro heshiis doorasho ka hor dhammaadka muddo-xileedka hay\u2019adaha dastuuriga ah, isla markaana la joojiyo tallaabooyinka hal dhinac ah ee lagu beddelayo dastuurka.<\/p>\n<p>More News.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/hiiraan.com\/uploads\/2026\/02\/1771846652641388674_122123788761060348_3979883155076822934_n.jpg\" alt=\"Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo sheegay in wadaxaajoodkii Dawladda Federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la\u2019aan\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/hiiraan.com\/uploads\/2026\/02\/1771846667639678230_122123788749060348_5080207960727154217_n.jpg\" alt=\"Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo sheegay in wadaxaajoodkii Dawladda Federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la\u2019aan\" \/><\/p>\n<\/div>\n<div class=\"more-news-section\">\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120846\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-300x212.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"212\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-300x212.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1024x724.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-768x543.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1536x1086.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-100x70.jpeg 100w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-200x140.jpeg 200w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-696x492.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1392x984.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1068x755.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-594x420.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1188x840.jpeg 1188w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku soo dhammaaday natiijo la\u2019aan, kaddib maalmo wadahadalladu socdeen. Goluhu wuxuu sheegay in wadahadalka uu ku galay niyad-wanaag iyo mas\u2019uuliyad qaran, si xal loogu helo xaaladaha adag ee dalka ka jira, sida abaaraha ba\u2019an, kala qaybsanaanta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":121152,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-121151","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/121151","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=121151"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/121151\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":121168,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/121151\/revisions\/121168"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/121152"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=121151"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=121151"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=121151"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}