{"id":121100,"date":"2026-02-22T00:27:18","date_gmt":"2026-02-21T21:27:18","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=121100"},"modified":"2026-02-22T01:04:31","modified_gmt":"2026-02-21T22:04:31","slug":"madaxweynaha-dalka-mareykanka-trump-oo-maxkamada-sare-ku-eedeeyey-daacad-darro-kadib-canshuuro-ay-laashay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/02\/madaxweynaha-dalka-mareykanka-trump-oo-maxkamada-sare-ku-eedeeyey-daacad-darro-kadib-canshuuro-ay-laashay\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump oo Maxkamada Sare ku eedeeyey Daacad Darro Kadib Canshuuro ay Laashay."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray qaar ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Maraykanka kadib markii ay laaleen canshuuro uu ku soo rogay dalal badan, isaga oo ku tilmaamay \u201ckuwa aan waddaniyad lahayn oo aan daacad ahayn.&#8221;<\/p>\n<p>Trump ayaa warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuu \u201cu khajilsanyahay xubnaha ka tirsan maxkamadda,\u201d isla markaana ku andacooday in go\u2019aanka maxkamaddu uu saameyn ku yeeshay danaha waddamada shisheeye.<\/p>\n<p>Go\u2019aanka Maxkamadda Sare ayaa lagu diiday adeegsiga ballaadhan ee uu Trump ku sameeyay Sharciga Awoodaha Dhaqaalaha Degdegga ah ee Caalamiga ah &#8211; IEEPA &#8211; si uu canshuuro ugu soo rogo ku dhawaad dhammaan dalalka. Sharcigan oo la dejiyay 1970-meeyadii ayaa u oggolaanaya Madaxweynaha inuu xakameeyo soo dejinta badeecadaha marka ay jirto xaalad degdeg ah oo khatar aan caadi ahayn ku ah amniga qaranka.<\/p>\n<p>Trump ayaa sannadkii hore, bilowgii maamulkiisa labaad, canshuuro ku soo rogay Canada, Mexico iyo China isaga oo ku doodayay in dalalkaasi ku fashilmeen xakamaynta tahriibinta daroogada fentanyl ee soo galaysa Maraykanka.<\/p>\n<p>Garsoorayaasha Neil Gorsuch iyo Amy Coney Barrett &#8211; oo Trump magacaabay xilligii hore ee madaxtinimadiisa &#8211; ayaa ku biiray Guddoomiyaha Maxkamadda John Roberts iyo saddexda garsoore ee loo arko kuwa garabka bidix si ay u go\u2019aamiyaan in adeegsiga awoodaha degdegga ahi uu sharci-darro ahaa.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Trump ayaa u mahadceliyay garsoorayaasha diidmada muujiyay ee kala ah Clarence Thomas, Samuel Alito iyo Brett Kavanaugh, isaga oo ku tilmaamay kuwo \u201cxoog iyo xigmad leh\u201d oo jecel dalkooda.<\/p>\n<p>Markii wax laga weydiiyay in uu ka qoomamaynayo magacaabista Gorsuch iyo Barrett, Trump ayaa sheegay in aanu rabin inuu si cad uga jawaabo balse uu go\u2019aankooda ku tilmaamay \u201cmid xun\u201d oo xitaa ceeb ku ah qoysaskooda.<\/p>\n<p>Inkasta oo Maxkamadda Sare ay laashay canshuurihii ku salaysnaa IEEPA, Trump ayaa shaaciyay inuu soo rogi doono canshuur guud oo dhan 10 boqolkiiba, isla markaana uu bilaabi doono baadhitaanno horseedi kara canshuuro cusub oo lagu soo rogo dalal iyo badeecooyin kala duwan. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in canshuuraha kale ee uu hore ugu soo rogay biraha iyo badeecooyin kale ay weli sii jiri doonaan, maadaama aanay qayb ka ahayn kiiskan Maxkamadda Sare.<\/p>\n<p>Trump ayaa ku adkaystay in sharciyo kale oo jira ay siinayaan awood uu ku soo rogi karo canshuuro ka ballaadhan kuwii hore, isaga oo sheegay in \u201csi loo ilaaliyo dalka madaxweynuhu uu qaadi karo tallaabooyin ka sii xooggan kuwii hore.\u201d<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120846\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-300x212.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"212\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-300x212.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1024x724.jpeg 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-768x543.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1536x1086.jpeg 1536w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-100x70.jpeg 100w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-200x140.jpeg 200w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-696x492.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1392x984.jpeg 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1068x755.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-594x420.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1-1188x840.jpeg 1188w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/xidigaha-1.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray qaar ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Maraykanka kadib markii ay laaleen canshuuro uu ku soo rogay dalal badan, isaga oo ku tilmaamay \u201ckuwa aan waddaniyad lahayn oo aan daacad ahayn.&#8221; Trump ayaa warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuu \u201cu khajilsanyahay xubnaha ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":121101,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-121100","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/121100","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=121100"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/121100\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":121114,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/121100\/revisions\/121114"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/121101"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=121100"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=121100"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=121100"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}