{"id":120576,"date":"2026-01-29T01:12:36","date_gmt":"2026-01-28T22:12:36","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=120576"},"modified":"2026-01-29T02:52:42","modified_gmt":"2026-01-28T23:52:42","slug":"ganacsatada-dalka-qatar-oo-loogu-baaqay-in-ay-maal-gashadaan-dalka-soomaaliya-si-labada-dhinac-uga-faaiidaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2026\/01\/ganacsatada-dalka-qatar-oo-loogu-baaqay-in-ay-maal-gashadaan-dalka-soomaaliya-si-labada-dhinac-uga-faaiidaan\/","title":{"rendered":"Ganacsatada Dalka Qatar oo Loogu Baaqay in ay Maal gashadaan Dalka Soomaaliya Si labada Dhinac uga Faa&#8217;iidaan."},"content":{"rendered":"<p>Rugta Ganacsiga ee dalka Qatar ayaa shalay oo Talaado ahayd martigeliyay wafdi ganacsi oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.<\/p>\n<p>Wafdiga ayaa waxaa qaabilay Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha Golaha Maamulka rugta Ganacsiga Qatar, Raashid bin Xamad Al-Cathba, waxaana kulanka goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Maamulka, oo ay ka mid ahaayeen Maxamed bin Axmed Al-Cubeydli iyo Shaahiin bin Maxamed Al-Muhannadi.<\/p>\n<p>Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalku leeyahay fursado maalgashi oo ballaaran kuwaas oo ku kala baahsan qaybo badan, isagoo ku dhiirrigeliyay ganacsatada reer Qatar in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya kana faa\u2019iideystaan dhiirrigelinta iyo fududeynta ay bixiso dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxa uu xusay in goobta juqraafiyeed ee Soomaaliya ee Geeska Afrika ay ka dhigeyso albaab muhiim u ah ganacsiga gobolka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirku waxa uu soo dhoweeyay xoojinta iskaashiga u dhexeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Qatar gaar ahaan mashaariic wadajir ah, maalgashi iyo isbahaysiyo ganacsi, isaga oo muujiyay rajada ah in rugta Ganacsiga Qatar uu kor u qaado fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isla markaana fududeeyo xiriirka ganacsi ee labada dhinac.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Qatar, Raashid Al-Cathba, ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya uu yahay mid gaar ah, isagoo xusay in rugta Ganacsiga ay diyaar u tahay inuu ka caawiyo dhinaca Soomaaliyeed sidii ay maalgashi uga sameyn lahaayeen Qatar, isla markaana uu ganacsatada Qatar ku wargelin doono fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Qatar ay tahay xarun ganacsi oo muhiim u ah suuq ballaaran oo goboleed, isagoo ku boorriyay maalqabeennada Soomaaliyeed inay ka faa\u2019iideystaan fursadaha maalgashi ee ay Qatar bixiso, kuwaas oo ay ka mid yihiin kaabayaal casri ah iyo jawi maalgashi oo heer caalami ah.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Maxamed bin Axmed Al-Cubeydli ayaa sheegay in ganacsatada Qatar ay muujiyeen xiiso weyn oo ku aaddan barashada fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira sugnaanta cuntada, dalxiiska, kaabayaasha dhaqaalaha, guryaha, bangiyada iyo tignoolajiyada maaliyadeed.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-120582\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-212x300.jpeg 212w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-696x985.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-1068x1511.jpeg 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-297x420.jpeg 297w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin-594x840.jpeg 594w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/murashaxiin.jpeg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Rugta Ganacsiga ee dalka Qatar ayaa shalay oo Talaado ahayd martigeliyay wafdi ganacsi oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan. Wafdiga ayaa waxaa qaabilay Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha Golaha Maamulka rugta Ganacsiga Qatar, Raashid bin Xamad Al-Cathba, waxaana kulanka goob joog ka ahaa xubno [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":120577,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-120576","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/120576","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=120576"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/120576\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":120590,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/120576\/revisions\/120590"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/120577"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=120576"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=120576"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=120576"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}