{"id":119980,"date":"2025-12-30T23:51:48","date_gmt":"2025-12-30T20:51:48","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=119980"},"modified":"2025-12-31T22:52:08","modified_gmt":"2025-12-31T19:52:08","slug":"safiirada-qaramada-midoobay-u-fadhiya-soomaaliya-iyo-israaiil-oo-dood-kulul-dhexmartay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/12\/safiirada-qaramada-midoobay-u-fadhiya-soomaaliya-iyo-israaiil-oo-dood-kulul-dhexmartay\/","title":{"rendered":"Safiirada Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya iyo Israa&#8217;iil oo Dood kulul Dhexmartay."},"content":{"rendered":"<p>Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeeshay kulan ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo inta badan waddamadu ku cambaareeyeen aqoonsiga Somaliland ay siisay dowladda Israa\u2019iil. Dhanka kale, Israa\u2019iil ayaa difaacday go\u2019aanka ay qaadatay.<\/p>\n<p>Ku-xigeenka Wakiilka Israa\u2019iil ee Qaramada Midoobay, Brett Jonathan Miller, ayaa ku dooday in Somaliland ay ahayd dal jira ka hor intii aanay ku biirin Soomaaliya, isla markaana 35 dowladood, oo Israa\u2019iil ku jirto, ay xilligaas aqoonsadeen. Waxa uu sheegay in xasuuq loo geystay kadib ay ka noqdeen midowgii, isla markaana ay buuxisay dhammaan shuruudaha qaran madaxbannaan.<\/p>\n<p>Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abukar Daahir Cismaan, ayaa sheegay in Israa\u2019iil aanay ka hadli karin xasuuq, iyada oo xasuuqday kumannaan qof oo reer Falastiin ah. Waxa uu wakiilka Israa\u2019iil ku eedeeyay in uu akhriyey taariikh hal dhinac ah, isla markaana Soomaaliya ay waligeed mid ahayd. Waxa uu intaa ku daray in gobollo hore uga tirsanaa Somaliland ay hadda ku biireen Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cMa jiro wax la yidhaahdo xasuuq oo ka dhacay Soomaaliya. Waxa dhacay dagaal sokeeye, dagaalka sokeeyana saameyntiisa ayuu leeyahay,\u201d ayuu yidhi. \u201cSidoo kale, waxa aanu aaminsanahay in dad shisheeye ay maalgelinayeen dagaalka sokeeye.&#8221;<\/p>\n<p>Wakiil-ku-xigeenka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, ayaa noqotay masuulka keliya ee difaacday go\u2019aanka Israa\u2019iil, iyada oo sheegtay in Israa\u2019iil ay xaq u leedahay in ay aqoonsato cid kasta oo ay dani ugu jirto.<\/p>\n<p>\u201cIsraa\u2019iil xaq ayay u leedahay in ay samaysato xidhiidho diblumaasiyadeed. Sannadkii hore, waddamo dhowr ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golahan ayaa qaatay go\u2019aan ay ku aqoonsanayaan Falastiin oo aan wax jira ahayn, hase yeeshee wax kulan degdeg ah kama aanu dhalan,\u201d ayay tidhi Bruce.<\/p>\n<p>Waxay Golaha Ammaanka ku eedaysay laba-wejiilayn iyo marin-habaabin joogto ah, taas oo ka leexisay ujeeddadii loo aasaasay ee ahayd ilaalinta nabadda caalamka. Dhanka kale, waxay sheegtay in aanay waxba iska beddelin siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Soomaaliya.<\/p>\n<p>Inta badan waddamada calaamka ah ee shirka joogay, sida Ruushka, Turkiga, Pakistan, Faransiiska, Ingiriiska, Jabuuti, iyo dowlado kale, ayaa taageeray midnimada Soomaaliya, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo Somaliland ku jirto. Halka waddamo kalena ay sheegeen in Soomaaliya iyo Somaliland ay wada hadlaan.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeeshay kulan ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo inta badan waddamadu ku cambaareeyeen aqoonsiga Somaliland ay siisay dowladda Israa\u2019iil. Dhanka kale, Israa\u2019iil ayaa difaacday go\u2019aanka ay qaadatay. Ku-xigeenka Wakiilka Israa\u2019iil ee Qaramada Midoobay, Brett Jonathan Miller, ayaa ku dooday in Somaliland ay ahayd dal jira ka hor intii aanay ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":119908,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-119980","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119980","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=119980"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119980\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":120000,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119980\/revisions\/120000"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/119908"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=119980"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=119980"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=119980"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}