{"id":119773,"date":"2025-12-21T00:05:00","date_gmt":"2025-12-20T21:05:00","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=119773"},"modified":"2025-12-21T02:05:28","modified_gmt":"2025-12-20T23:05:28","slug":"warbaahinta-al-jaziira-oo-baahisay-in-nidaamka-e-vizaha-cusub-uu-khatar-gelinayo-xogta-kumanaan-qof","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/12\/warbaahinta-al-jaziira-oo-baahisay-in-nidaamka-e-vizaha-cusub-uu-khatar-gelinayo-xogta-kumanaan-qof\/","title":{"rendered":"Warbaahinta Al-Jaziira oo Baahisay in Nidaamka E-vizaha Cusub uu Khatar Gelinayo Xogta Kumanaan Qof."},"content":{"rendered":"<p>Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Al Jazeera in nidaamka fiisaha elektaroonigga ah (e-visa) ee Soomaaliya uu leeyahay cillad amni oo halis gelinaysa xogta shakhsiyeed ee dadka codsada fiisaha.<\/p>\n<p>Ilo-wareedku wuxuu sheegay in arrintan ay horay ugu gudbiyeen mas\u2019uuliyiinta dowladda Soomaaliya toddobaadkii hore, si ay uga digaan khatarta jirta, balse aysan wax jawaab ah ka helin.<\/p>\n<p>Sida ay sheegeen, inkasta oo digniintaas la bixiyay, haddana cilladda lama sixin, arrintuna weli way taagan tahay.<\/p>\n<p>Bridget Andere, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan hay\u2019adda xuquuqda dijitaalka ah ee Access Now, ayaa Al Jazeera u sheegtay in jebinta xogta shakhsiyeed ay tahay khatar weyn, maadaama ay dadka u horseedi karto dhibaatooyin ay ka mid yihiin xatooyo aqoonsi, khiyaano dhaqaale, iyo in xogta loo adeegsado falal basaasnimo.<\/p>\n<p>Khatartaan cusub ayaa imanaysa bil kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay billowday baaritaan la xiriira weerar hore oo hackers ay ku qaadeen nidaamka e-visa-da dalka.<\/p>\n<p>Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa awood u yeelatay inay ku celiso tijaabada khataraha ay sheegeen ilo-wareedyadu, waxayna si fudud u soo dejisay fiisooyin elektaroonig ah oo ay ku jireen xog xasaasi ah oo dad badan ay leeyihiin.<\/p>\n<p>Xogtaas waxaa ku jiray dad u dhashay Soomaaliya, Portugal, Sweden, Mareykanka iyo Switzerland.<\/p>\n<p>Al Jazeera waxay mar kale la xiriirtay dowladda Soomaaliya, iyagoo u diray su\u2019aalo isla markaana uga digay cilladda nidaamka, balse weli wax jawaab ah lagama helin dhinaca Dowladda.<\/p>\n<p>Bridget Andere ayaa sheegtay in ku degdegidda hirgelinta nidaamka e-visa iyadoo aan loo diyaarsanayn khataraha amni ay dhaawacayso kalsoonida dadweynaha, isla markaana abuureyso daldaloollo laga baaqsan karay.<\/p>\n<p>Waxay sidoo kale cambaaraysay in mas\u2019uuliyiinta Soomaaliya aysan si rasmi ah u shaacin jebsashadii weynayd ee xogta E-Visa ee bishii Nofeembar.<\/p>\n<p>Waxay intaas ku dartay in sharciga ilaalinta xogta ee Soomaaliya uu waajibinayo in hay\u2019adaha mas\u2019uulka ka ah xogta ay wargeliyaan hay\u2019adda ilaalinta xogta iyo sidoo kale dadka ay saameysay marka ay dhacdo khatar noocan ah, gaar ahaan marka ay khusayso dad ka kala yimid dalal kala duwan.<\/p>\n<p>Al Jazeera ma shaacin faahfaahin farsamo oo ku saabsan cilladda amni, maadaama aan weli la sixin, si looga hortago in hackers ay ka faa\u2019iideystaan.<\/p>\n<p>Dhammaan xogtii xasaasiga ahayd ee la helay intii baaritaanku socdayna waa la tirtiray si loo ilaaliyo asturnaanta dadka ay quseyso sida lagu sheegay baaritaanka kanaalka Al-Jazeera.<\/p>\n<p>Bishii hore, dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka digay jabsasho xogeed oo lagu helay macluumaadka in ka badan 35,000 oo qof oo dalbaday fiisaha Soomaaliya, Xogta la faafiyay waxaa ka mid ahaa magacyo, sawirro, taariikhaha dhalashada, cinwaanno guri, iyo xaaladaha guurka.<\/p>\n<p>Kaddib dhacdadaas, Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa beddeshay bogga e-visa-da, iyagoo u wareejiyay domain cusub si loo xoojiyo amniga.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay sheegayaan in dowlado badan ay ku degdeggaan hirgelinta nidaamyada fiisaha elektaroonigga ah, taasoo inta badan keenta amni-darro, halka dadkuna ay adagtahay inay is-ilaaliyaan maadaama xogta laga rabo ay tahay mid qasab ku ah habraaca safarka.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Al Jazeera in nidaamka fiisaha elektaroonigga ah (e-visa) ee Soomaaliya uu leeyahay cillad amni oo halis gelinaysa xogta shakhsiyeed ee dadka codsada fiisaha. Ilo-wareedku wuxuu sheegay in arrintan ay horay ugu gudbiyeen mas\u2019uuliyiinta dowladda Soomaaliya toddobaadkii hore, si ay uga digaan khatarta jirta, balse aysan wax jawaab ah ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":119774,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-119773","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119773","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=119773"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119773\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":119799,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119773\/revisions\/119799"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/119774"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=119773"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=119773"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=119773"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}