{"id":119760,"date":"2025-12-18T21:55:40","date_gmt":"2025-12-18T18:55:40","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=119760"},"modified":"2025-12-18T22:27:08","modified_gmt":"2025-12-18T19:27:08","slug":"golaha-xukuumadda-federalka-soomaaliya-oo-ka-dooday-arrimaha-doorashooyinka-golayaasha-deegaanka-g-banaadir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/12\/golaha-xukuumadda-federalka-soomaaliya-oo-ka-dooday-arrimaha-doorashooyinka-golayaasha-deegaanka-g-banaadir\/","title":{"rendered":"Golaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ka Dooday Arrimaha Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka G\/banaadir."},"content":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah masiirka dalka, gaar ahaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda Muqdisho.<\/p>\n<p>Kulanka oo uu guddoominayey Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Golaha Wasiirradu ka dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan diyaar-garowga doorashada golaha deegaanka.<\/p>\n<p>Warbixintaasi ayaa lagu faahfaahiyey xaqiijinta amniga goobaha codeynta, hab-raaca doorashada, iyo tirada muwaadiniinta qaatay kaararka codbixinta ee u diyaarsan in ay codkooda dhiibtaan.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wasiirrada ku ammaanay dadaallada ay ugu jiraan la falgalka bulshada, isaga oo xusay in is-dhexgalka shacabka iyo dowladda uu yahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo guusha doorashooyinka, Waxa uu sidoo kale boggaadiyey ka qeybqaadashadooda ololaha wacyigelinta doorashada.<\/p>\n<p>Intii uu socday shirka, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed, isla markaana lagu kordhinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hey\u2019adaha dhaqaalaha, Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, si kor loogu qaado awoodda, waajibaadka iyo wada-shaqeynta hey\u2019adaha amniga dalka.<\/p>\n<p>Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dood dheer ka yeeshay, ugu dambeynna ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-Sharciyeedka Arrimaha Qoyska, kuwaas oo ujeedkoodu yahay ilaalinta xuquuqda carruurta, horumarinta qoyska Soomaaliyeed iyo dhismaha nidaam sharci oo dhammaystiran.<\/p>\n<p>Labadan sharci ayaa soo maray dhammaan hab-raacyadii sharci-dejinta, isla markaana lala tashaday culumada, iyadoo mas\u2019uuliyiin ka socday Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Dastuurka ay Golaha siiyeen faahfaahin ku saabsan marxaladihii ay soo mareen, Inkasta oo la ansixiyey, haddana wasaaradaha ay quseyso ayaa lagu faray in ay wax ka beddelaan ereybixinno kooban oo sharciyada ku jira.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey siyaasadda iyo xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF), kaas oo ujeedkiisu yahay kor u qaadista tayada waxbarashada dalka iyo xaqiijinta maalgelin waara oo lagu taageerayo ardayda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah masiirka dalka, gaar ahaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda Muqdisho. Kulanka oo uu guddoominayey Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Golaha Wasiirradu ka dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":119761,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-119760","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119760","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=119760"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119760\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":119770,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119760\/revisions\/119770"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/119761"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=119760"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=119760"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=119760"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}