{"id":119754,"date":"2025-12-18T21:29:56","date_gmt":"2025-12-18T18:29:56","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=119754"},"modified":"2025-12-18T22:29:56","modified_gmt":"2025-12-18T19:29:56","slug":"sanadka-2026-oo-hayadda-socdaalka-iyo-jinsiyadaha-federalka-oo-sheegtay-in-baasaboor-cusub-ay-soo-saareyso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/12\/sanadka-2026-oo-hayadda-socdaalka-iyo-jinsiyadaha-federalka-oo-sheegtay-in-baasaboor-cusub-ay-soo-saareyso\/","title":{"rendered":"Sanadka 2026 oo Hay&#8217;adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Federalka oo Sheegtay in Baasaboor Cusub ay Soo Saareyso.."},"content":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in sanadka 2026 ay soo saari doonto nooc cusub oo baasaboor ah, ka duwan kan hadda ay isticmaalaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Agaasimaha Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow, ayaa arrintan ka sheegay munaasabad ay hay\u2019addu kusoo bandhigtay Warbixinta Sanadeedka Waxqabadka 2025. Munaasabadda ayaa hal-ku-dhiggeedu ahaa: \u201cSecure Borders, Safe Somalia \/ Xakamaynta Xuduudaheenna \u2013 Ilaalinta Dadkeenna.\u201d<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa muujisay horumar ballaaran oo hay\u2019addu ka gaartay sugidda amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada socdaalka, iyo hirgelinta isbeddel dhijitaal ah oo saldhig u ah hufnaan, daahfurnaan, iyo adeeg tayo leh. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay dib-u-habeynta sharciyeed, nidaamyo iyo qaab-dhismeed hay\u2019adeed oo waafaqsan qorshaha istiraatiijiga ah ee HSJ (2025\u20132029).<\/p>\n<p>Sida warbixintu sheegtay, sannadka 2025, Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay guulo ka gaartay hirgelinta Nidaamka Oggolaanshaha Safarka Elektarooniga ah (e-TAS), casriyeynta baasaboorrada waafaqsan heerarka ICAO, xoojinta la-dagaallanka tahriibinta iyo dambiyada la xiriira socdaalka, iyo horumarinta nidaamyada xog-ururinta, ilaalinta xogta, iyo maamulka waxqabadka.<\/p>\n<p>Warbixintu sidoo kale waxay iftiimisay doorka Akadeemiyada HSJ ee tababarka iyo tayeynta shaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha xuduudaha iyo xarumaha adeegga, iyo iskaashiga qaran, gobol iyo caalami ee lagu xaqiijinayo amni xuduudeed oo waara.<\/p>\n<p>\u201cMarkii aan xafiiska nimid, waxaannu markiiba ku dhiirranay inaan joojino wax-ka-beddelkii joogtada ahaa ee lagu samayn jiray baasaboorka iyo xogtiisa. Inkastoo aan caqabado kala kulannay, haddana safaaradaha iyo hay\u2019adaha caalamiga ah way soo dhaweeyeen tallaabadii aan qaadnay. Waxaa jiray dad badan oo beddelay magacyadooda iyo taariikhahooda dhalasho, taas oo keeni kartay in nalaga kalsooni baxo,\u201d ayuu yiri Agaasime Mustaf.<\/p>\n<p>\u201c27-kii Janaayo ee sanadkan, waxaan heshiis la galnay Interpol, annagoo kaashanayna hay\u2019adaha kale ee dowladda, taas oo noo suuragelisay in kalsoonidii caalamka dib naloo siiyo,\u201d ayuu raaciyay.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Farataag), ayaa sheegay in maanta Muqdisho ay ku sugan tahay xaalad amni oo ka wanaagsan tii ay waligeed soo martay. Waxa uu xusay in dadaallada joogtada ah ee ay wadaan hay\u2019adaha ammaanku ay miro-dhaleen, isla markaana kooxda Khawaarijta laga ciribtiray goobo badan oo dalka ka mid ah.<\/p>\n<p>\u201cDowladda aad bay ugu faraxsan tahay guulaha iyo waxqabadka ay hay\u2019addu caawa soo bandhigtay. Hay\u2019adda Socdaalka waxaan ku ammaaneynaa doorka ay ka qaadatay amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga xuduudaha,\u201d ayuu yiri Wasiir Farataag.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo shaqada hay\u2019adda, maadaama ay wada-shaqeyn ballaaran ka dhaxeyso.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ognahay in agaasimaha hay\u2019addu uu u dhabar-adaygay culeysyo iyo cadaadisyo badan, taasoo sababtay horumarka maanta ay gaartay Hay\u2019adda Socdaalka iyo kororka kalsoonida lagu qabo, gaar ahaan tayada baasaboorka Soomaaliya,\u201d ayuu yiri Wasiir Faarax.<\/p>\n<p>Wasiirku waxa uu intaa ku daray in hay\u2019addu ay hirgelisay habraacyo kor u qaaday sinnaanta muwaadiniinta iyo xaqa ay u leeyihiin helidda baasaboorka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan bogaadinayaa Hay\u2019adda Socdaalka sida ay ula dagaallantay isticmaalka baasaboorka ee si khaldan loo qaadan jiray, taasina waa sababta keentay in caalamku mar kale nagu kalsoonaado,\u201d ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in sanadka 2026 ay soo saari doonto nooc cusub oo baasaboor ah, ka duwan kan hadda ay isticmaalaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Agaasimaha Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow, ayaa arrintan ka sheegay munaasabad ay hay\u2019addu kusoo bandhigtay Warbixinta Sanadeedka Waxqabadka 2025. Munaasabadda ayaa hal-ku-dhiggeedu ahaa: \u201cSecure [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":119755,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-119754","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119754","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=119754"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119754\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":119772,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119754\/revisions\/119772"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/119755"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=119754"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=119754"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=119754"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}