{"id":119695,"date":"2025-12-14T23:38:06","date_gmt":"2025-12-14T20:38:06","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=119695"},"modified":"2025-12-14T23:53:04","modified_gmt":"2025-12-14T20:53:04","slug":"puntland-iyo-somaliland-oo-ka-wada-hadlay-xoojinta-amniga-labada-maamul-ee-dariska-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/12\/puntland-iyo-somaliland-oo-ka-wada-hadlay-xoojinta-amniga-labada-maamul-ee-dariska-ah\/","title":{"rendered":"Puntland iyo Somaliland oo ka Wada hadlay Xoojinta Amniga Labada Maamul ee Dariska ah."},"content":{"rendered":"<div class=\"article-content\">\n<p>Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiir-ku-xigeenka Dowladda Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Romain JOLY, iyo wefti uu hoggaaminayey, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.<\/p>\n<p>Weftigan ka socday Faransiiska ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee booqasho rasmi ah ku yimaadda Somaliland. Madaxweynaha ayaa ugu horrayn uga mahadnaqay weftiga booqashadooda, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka ay la leedahay Faransiiska, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, dalxiiska, dhaqanka iyo is-weydaarsiga aqoonta.<\/p>\n<p>Weftiga Faransiiska waxa ka mid ahaa Dr. Xavier Gutherz, oo ah khabiir caalami ah oo door muuqda ka qaatay in bulshada caalamka lagu baraarujiyo muhiimadda taariikheed ee Aasaarta Qadiimiga ah ee Laas Geel ee ku yaalla Somaliland.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliland ayaa si buuxda u taageeray mashruuc ay maalgelinayso Dawladda Faransiiska ee lagu magcaabo \u201cIlaalinta iyo Horumarinta Dhaxalka Dhaqanka iyo Aasaarta Qadiimiga ah ee Somaliland\u201d, isaga oo Dr. Xavier Gutherz guddoonsiiyey Shahaado Sharaf, kuna bogaadiyey isaga iyo kooxdiisa dedaalka weyn ee ay ku bixiyeen ilaalinta, badbaadinta iyo kor u qaadista dhaxalka taariikheed ee Somaliland.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa weftiga Faransiiska u faahfaahiyey fursadaha ballaadhan ee ka jira Somaliland, isaga oo xusay jawiga nabdoon, xasilloonida siyaasadeed iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday, kuwaas oo uu sheegay innay saldhig u noqon doonaan iskaashi dhinacyo badan leh oo midho-dhal ah.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay diyaar u tahay balaadhinta iskaashiga ay la leedahay Faransiiska, isla markaana ay danaynayso xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga, horumarinta waxbarashada iyo kobcinta xidhiidhada dhaqan.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Safiir-ku-xigeenka Dawladda Faransiiska u fadhiya Kenya, Romain JOLY, ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqay soo-dhaweynta diirran ee loo sameeyey, isaga oo sheegay in Faransiisku danaynayo xoojinta xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland, isla markaana uu qiimeynayo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.<\/p>\n<p>&#8220;Kulankan diblomaasiyadeed ayaa ku soo gebogeboobay is-faham iyo rabitaan wadajir ah oo ku aaddan sii xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaadho dano wadaag ah iyo iskaashi waara oo u adeega horumarka labada dal&#8221; ayaa lagu yidhi qoraal kasoonbaxay Madaxtooyada.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiir-ku-xigeenka Dowladda Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Romain JOLY, iyo wefti uu hoggaaminayey, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland. Weftigan ka socday Faransiiska ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee booqasho rasmi ah ku yimaadda Somaliland. Madaxweynaha ayaa ugu horrayn uga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":119696,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-119695","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119695","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=119695"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119695\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":119704,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119695\/revisions\/119704"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/119696"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=119695"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=119695"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=119695"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}