{"id":119531,"date":"2025-12-07T21:22:56","date_gmt":"2025-12-07T18:22:56","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=119531"},"modified":"2025-12-07T22:54:07","modified_gmt":"2025-12-07T19:54:07","slug":"saxaraha-galbeedka-afrika-oo-dawladda-soomaaliya-caddeysay-mowqifkeeda-ku-aadan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/12\/saxaraha-galbeedka-afrika-oo-dawladda-soomaaliya-caddeysay-mowqifkeeda-ku-aadan\/","title":{"rendered":"Saxaraha Galbeedka Afrika oo Dawladda Soomaaliya Caddeysay Mowqifkeeda ku aadan."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda\u00a0Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda rasmiga ah ee ku saabsan muranka dhulka Saxaraha Galbeed, kaddib markii warbaahinta qaarkood ay baahiyeen warar sheegaya in Soomaaliya ay dhulkaasi u aqoonsatay inuu ka tirsan yahay dhulweynaha Morocco.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in Soomaaliya si rasmi ah u tixgelinayso Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2797, kaas oo door muhiim ah ka ciyaara taageeridda geeddi-socodka nabadeed ee Qaramada Midoobay hoggaamineyso ee dhulka Saxaraha Galbeed.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxay caddeysay in mowqifka Soomaaliya lagu ogaan karo bayaannada iyo waraaqaha rasmiga ah ee ay soo saarto.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay ku boorrisay labada dhinac ee isku haya Saxaraha Galbeed inay galaan wadahadal toos ah oo dhab ah, si loo gaaro xal nabadeed oo kama dambays ah, kana turjuma rabitaanka dadka gobolka, isla markaana waafaqsan qaraarrada khuseeya ee Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Soomaaliya waxay muujisay taageero buuxda oo ay u hayso dadaallada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Ergaygiisa Gaarka ah ee dib u bilaabidda geeddi-socodka siyaasadeed.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go\u2019an tahay xoojinta wada-shaqaynta ay la leedahay Boqortooyada Morocco, iyadoo la ilaalinayo ixtiraamka wadajirka ah ee midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida labada dal.<\/p>\n<p>Dhammaadkii bishii November, warbaahin laga leeyahay Morocco ayaa qortay in Soomaaliya ay dib u xaqiijisay taageerada ay u hayso madax bannaanida Morocco ee gobolladeeda koonfureed ee Saxaraha Galbeed.<\/p>\n<p>Warbaahintaan waxay soo xiganayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, kaasoo ay sheegeen inuu mowqifkan ku muujiyay kulan uu kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Morocco, Nasser Bourita, magaalada Rabat, isagoo mar kale adkeeyay taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ee xuduudaha dhuleed ee Morocco.<\/p>\n<p>Saxaraha Galbeed waa gobol ku yaalla Waqooyiga-galbeed ee Afrika, kaasoo taariikh ahaan loo arko inuu yahay dhul lagu muran yahay. Wuxuu xuduud la leedahay Morocco, Algeria, iyo Mauritania. Dhulkaas waxaa isku haysta Morocco, oo aaminsan in Saxaraha Galbeed uu yahay qayb ka mid ah dhulkeeda isla markaana maamusha inta badan dhulka iyo magaalooyinka waaweyn, iyo Xisbiga Polisario iyo Jamhuuriyadda Saxaraha Galbeed (SADR), oo ah dhaqdhaqaaq ka soo jeeda dadka Sahrawi, u ololeeya madax-bannaani iyo dawlad madax-bannaan.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda\u00a0Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda rasmiga ah ee ku saabsan muranka dhulka Saxaraha Galbeed, kaddib markii warbaahinta qaarkood ay baahiyeen warar sheegaya in Soomaaliya ay dhulkaasi u aqoonsatay inuu ka tirsan yahay dhulweynaha Morocco. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in Soomaaliya si rasmi ah u tixgelinayso Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":119534,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-119531","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119531","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=119531"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119531\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":119551,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119531\/revisions\/119551"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/119534"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=119531"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=119531"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=119531"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}