{"id":119417,"date":"2025-12-01T22:25:07","date_gmt":"2025-12-01T19:25:07","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=119417"},"modified":"2025-12-01T23:37:19","modified_gmt":"2025-12-01T20:37:19","slug":"ganacsatada-suuqa-degmada-xamarweyne-oo-ganacsigoodi-joojiyey-sababo-la-xiriira-canshuuro-lagu-kordhiyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/12\/ganacsatada-suuqa-degmada-xamarweyne-oo-ganacsigoodi-joojiyey-sababo-la-xiriira-canshuuro-lagu-kordhiyey\/","title":{"rendered":"Ganacsatada Suuqa Degmada Xamarweyne oo Ganacsigoodi Joojiyey Sababo la Xiriira Canshuuro Lagu kordhiyey."},"content":{"rendered":"<p>Xirnaanshiyaha Suuqa weyn ee degmada Xamarweyne ee Goblolka Banaadir ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad, kaddib markii ganacsatadu ay sheegeen in ay ku adkaatay culeysyo cusub oo dhinaca canshuuraha ah oo ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ganacsatada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in xafiiska dakhliga ee Wasaaradda Maaliyaddu uu kusoo rogay lacago ka badan kuwii sharciyadda ahaa ee ay sanad walba bixiyaan, iyagoo tilmaamay in lacagahan ay gaarayaan boqolaal doolar oo aysan awood u lahayn inay bixiyaan.<\/p>\n<p>Qaybaha ugu badan ee maalmahan xiran waxaa ka mid ah goobaha lagu iibiyo taleefannada gacanta iyo agabka la xiriira, halka ganacsatada u xaqiijiyeen warbaahinta in lacagaha cusub ee la doonayo ay yihiin kuwo \u201csharci-darro\u201d ah, islamarkaana aysan xiriir la lahayn nidaamka rasmiga ah ee canshuuraha.<\/p>\n<p>Warbaahinta tagtay suuqa ayaa soo sheegtay in laamaha amniga qaarkood ay diideen in la duubo goobaha ganacsiga ee xiran, iyagoo amray in aan sawir iyo muuqaal toona laga qaadin halkaas, taas oo sii kordhisay walaaca ganacsatada.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah ganacsatada oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in culayska ay ka cabanayaan uu si gaar ah uga imanaya Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan agaasinka guud.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in halkii ganacsatada lagu kabbi lahaa ama laga caawin lahaa, ay dowladda kusoo rogtay lacag lagu magacaabay \u201cQiyaas\u201d, taas oo looga jeedo in ganacsatadu bixiyaan lacag aan ka yarayn tii sanadkii hore, xitaa haddii ganacsigooda hoos u dhacay ama xaaladda suuqa is beddeshay.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan bixinnay canshuurihii sharciga ahaa ee nalaga rabay, Laakiin lacagahan cusub waa kuwo culays badan ah, mana awoodno in aan bixino,\u201d ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada.<\/p>\n<p>Ganacsatada Xamarweyne ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka iyagoo ka codsaday in dib loogu noqdo go\u2019aannada culayska leh ee lagu soo rogay, isla markaana loo fududeeyo xaaladda, si ganacsigoodu u sii shaqeeyo oo uu uga qayb qaato dhaqaalaha dalka.<\/p>\n<p>Xirnaanshaha suuqa ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsigii degmada iyo dhaqdhaqaaqa dadka, iyadoo xaaladda ay weli cakiran tahay maadaama aan wali xal laga gaarin cabashada ganacsatada, ilaa haddana ma jirto wax war ah ay Wasaaradda Maaliyadda kasoo saartay cabashada ganacsatadaan.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xirnaanshiyaha Suuqa weyn ee degmada Xamarweyne ee Goblolka Banaadir ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad, kaddib markii ganacsatadu ay sheegeen in ay ku adkaatay culeysyo cusub oo dhinaca canshuuraha ah oo ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ganacsatada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in xafiiska dakhliga ee Wasaaradda Maaliyaddu uu kusoo rogay lacago [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":119421,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-119417","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119417","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=119417"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119417\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":119438,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119417\/revisions\/119438"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/119421"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=119417"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=119417"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=119417"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}