{"id":119374,"date":"2025-11-29T23:36:05","date_gmt":"2025-11-29T20:36:05","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=119374"},"modified":"2025-11-30T00:39:34","modified_gmt":"2025-11-29T21:39:34","slug":"filim-daawashadiisa-ay-ka-qeyb-galeen-dadka-dabaqada-sare-oo-hargeysa-lagu-soo-bandhigay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/11\/filim-daawashadiisa-ay-ka-qeyb-galeen-dadka-dabaqada-sare-oo-hargeysa-lagu-soo-bandhigay\/","title":{"rendered":"Filim Daawashadiisa ay ka Qeyb galeen Dadka Dabaqada Sare oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay."},"content":{"rendered":"<p>Xalay waxa magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay filim sida fariinta Somaliland, oo lagu magacaabo \u201cAan la Aqoonsanayn\u201d, kaasi oo uu soo saare ka yahay suxufi Cabdirisaaq Terra, halka uu agaasimay Xuseen Boon oo isna ah filim-sameeye. Filimkan oo daawashadiisa ay awoodi karayeen dadka dabaqadda sare oo keliya, ayaa tigidhadiisa lagu goostay lacago u dhexeeya 150 ilaa 250 dollar.<\/p>\n<p>Terra oo faahfaahin ka bixinaya xogta uu xambaarsan yahay barnaamijka uu soo saaraha ka yahay, ayaa Astaan Cable u sheegay in ay kaga warramayaan taariikhda qadiimiga ah ee Somaliland, ta casriga ah, juqraafiga, aasaarta qadiimiga ah, dhaqanka iyo halka ay taagan tahay 34 sano kadib burburkii Jamhuuriyaddii Soomaalida.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan aaminsanahay in barnaamijkani door muhiim ah ka qaadan karo aqoonsi-raadinta Somaliland, waxa kale oo ku sii hoos jira in haddii ay intaa gaadheen aqoonsi la\u2019aan, haddii la aqoonsadana intay gaadhi lahaayeen,\u201d ayuu yidhi Terra.<\/p>\n<p>Filimkan oo hordhac laga soo bandhigay uu soo jiitay indhaha dadweynaha, ayuu sheegay in marka lagu daawado Hargaysa kadib sidoo kale laga daawan doono Berbera, Borama, magaalada Jigjiga ee Itoobiya, qaar kamid ah waddamada Khaliijka, caasimadda Kenya ee Nayroobi, iyo dhammaan waddamada Yurub, isaga oo sheegay in ilaa 33 magaalo oo dunida ah ay kusoo bandhigi doonaan.<\/p>\n<p>Tan iyo markii lagu dhawaaqay taariikhda daawashada filimkan waxaa bulshada dhexdeeda ka dhashay dood ku saabsan qiimaha lagu goosanayo tigidhada daawashada, iyada oo tigidhada raaca kowaad halkii tigidh lagu iibiyay 250 dollar, halka wajiga labaadna lagu iibiyay 150 dollar\u2014iyadoo Terra uu sheegay in bulshada dabaqadda sare oo keli ahi ay awoodi karto.<\/p>\n<p>Sababta ay u qaaliyeeyeen ayuu ku sheegay in ay rabaan in bulshadu ogaato qiimaha farshaxanka, isla markaana ay ku talla jiraan in ay aasaasaan shirkad soo saarta filimo tayo leh oo dadka ka iibisa wax-soo-saarkeeda, isaga oo tilmaamay in ujeedkoodu yahay in ay is baraan bulshada Soomaaliyeed iyo filimada ay sameeyaan dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Filimkan oo ay xalay u daawasho tageen qaybo badan oo kamid ah bulshada ladan, ayaa waxa si adag uga soo horjeestay dadka qaar oo ka biyo-diidan shakhsiyadda filim-soo-saareha, iyaga oo ku doodaya in muddo aad u dheer uu kamid ahaa dadka u ololeeya qadiyadda \u201cSoomaaliweyn\u201d oo uu dhawaan ka noqday.<\/p>\n<p>Waxa ay ku doodayaan in aanu u qalmin in uu ka hadlo horumarka iyo hayaanka aqoonsi-raadiska Somaliland, iyaga oo soo qaadanaya hadallo uu hore Somaliland ugu duray, kuwaas oo baraha bulshada laga hadal-hayay maalmihii u dambeeyay, gaar ahaan hadal uu sannado ka hor dood ku sheegay oo ahaa in Somaliland ay tahay \u201cmashruuc Xabashidu ay dabada ka riixayso\u201d oo aanay ku iman doonis shacbi.<\/p>\n<p>Haddaba Terra oo sheegay in uu ka noqday fikirkiisii hore ayaa mar uu xayaysiin u samaynayay filimkiisa cusub yidhi: \u201cShaki kuma jiro, Somaliland rabitaan dadwayne ayay ku timid, waa kuwaa dee kalmad aan idhi daba socota, markaa waa rabitaan dadwayne.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale hadal uu xalay ka jeediyay hoteelka Serene Sarovar oo lagu soo bandhigayay filimka, ayuu ku sheegay in dadweynaha Somaliland uu ka dalbanayo cafis, isaga oo tilmaamay in fikradaha bani\u2019aadamku ay mararka qaarkood is beddeli karaan, isla markaana uu kasoo noqday aragtidiisii hore oo uu hadda ka shaqeynayo aqoonsiga Somaliland.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi (Khadar Looge), oo kamid ahaa dadka usoo daawasho tegay filimka, ayaa sheegay in Terra uu cafis kasoo dalbaday Madaxweyne Cirro sidaasna loogu oggolaaday inuu dib ugu soo noqdo Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cCabdirisaaq Terra markii ay timid xukuumadda cusub, ayuu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee cafis ka soo dalbada,\u201d ayuu yidhi Wasiir Looge, isaga oo sheegay in qofka la cafin karo haddii uu si dhab ah uga soo noqdo fikirkiisii hore.<\/p>\n<p>Agaasimaha filimka, Xuseen Boon, ayaa sheegay in filimkoodu diiradda saarayo dhaqanka, noloshada dadka, iyo wax kasta oo xiiso leh oo laga duubay inta u dhaxaysa Lawyacaddo ilaa Laasqoray, isaga oo xusay in ay diiradda saareen soo gudbinta waxyaabaha xiisaha leh ee inta badan bulshada aanay wada ogayn.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xalay waxa magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay filim sida fariinta Somaliland, oo lagu magacaabo \u201cAan la Aqoonsanayn\u201d, kaasi oo uu soo saare ka yahay suxufi Cabdirisaaq Terra, halka uu agaasimay Xuseen Boon oo isna ah filim-sameeye. Filimkan oo daawashadiisa ay awoodi karayeen dadka dabaqadda sare oo keliya, ayaa tigidhadiisa lagu goostay lacago u dhexeeya 150 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":119375,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-119374","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119374","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=119374"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119374\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":119391,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119374\/revisions\/119391"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/119375"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=119374"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=119374"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=119374"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}