{"id":119350,"date":"2025-11-28T22:46:50","date_gmt":"2025-11-28T19:46:50","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=119350"},"modified":"2025-11-28T23:30:28","modified_gmt":"2025-11-28T20:30:28","slug":"haweenka-dawlad-deegaanka-soomaalida-oo-wajahaya-xadgudubyo-iyo-muuqaalo-laga-duubay-isla-markaasna-rakaato-looga-dhigay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/11\/haweenka-dawlad-deegaanka-soomaalida-oo-wajahaya-xadgudubyo-iyo-muuqaalo-laga-duubay-isla-markaasna-rakaato-looga-dhigay\/","title":{"rendered":"Haweenka Dawlad Deegaanka Soomaalida oo Wajahaya Xadgudubyo iyo Muuqaalo Laga Duubay isla Markaasna Rakaato looga Dhigay."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">\n<p>Haweenka iyo hablaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa wajahaya nooc cusub oo tacadiyo ah, kuwaas oo ay horseedeen aaladaha dhijitaalka ah, sida in lagu rakaateeyo muuqaallo laga duubay.<\/p>\n<p>Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Dumarka ee Xafiiska Haweenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Suhuura Xasan Cumar, oo waraysi gaar ah siisay BBC Somali, ayaa ka warbixisay dambiyada loo adeegsado aaladaha casriga ah ee haweenka iyo hablaha lagu beegsado.<\/p>\n<p>\u201cWay jiraan kiisaskan, hadda ma badna, laakiin hordhac way jiraan. Hadda kiis la xukumay ayaa jira oo 7 sano iyo dhowr bilood lagu xukumay, kaasoo khuseeya fiidiyow laga duubay gabdho; kuwa kale oo sidan oo kale u socda oo nidaamka ku jira way jiraan,\u201d ayay tidhi Suhuur.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>Waxay sheegtay in wali bulshadu aanay si weyn ugu baraarugsanayn khatarta baraha bulshada iyo telefoonada casriga ah, kuwaas oo laga yaabo in lagu rakaateeyo muuqaallo si qarsoodi ah loo duubay, ama sawirro gaar kuu ah oo si aan ku talo-gal ahayn u baxa.<\/p>\n<p>\u201cTusaale ahaan, gabadh ayaa xidhiidh lala samaynayaa; marka uu waqti socdo waxa aad arkaysaa gabadhii oo fiidiyowyo iyo sawirro laga codsanayo, waxaana dhici karta in lagu rakaateeyo,\u201d ayay Suhuur hadalkeeda ku dartay.<\/p>\n<p>Waxay sheegtay in hablaha dacwadaha furta ee isdifaaca ay weli aad u yar yihiin Deegaanka Soomaalida, balse ay jiraan hablo aad u badan oo sawirro iyo muuqaallo khaas ah laga hayo oo lagu rakaateeyo, kuwaas oo albaabada gadaashooda ku dhibaataysan.<\/p>\n<p>Waxay intaas ku dartay in maalmihii u dambeeyay, oo lagu jiro 16-ka Cisho ee u Dhaqdhaqaaqa Tacadiyada Ka Dhanka ah Haweenka iyo Hablaha, ay xafiisku qaadayeen tallaabooyin wacyigelin bulsho ah oo ku saabsan tacadiyada loo adeegsado telefoonada, isla markaana ay si gaar ah ula kulmayaan qaybaha bulshada ee kala duwan.<\/p>\n<p>16-ka Cisho ee u Dhaqdhaqaaqa Tacadiyada Jinsiga Ku Salaysan, oo sannadkasta la xuso inta u dhaxaysa 25-ka November ilaa 10-ka December, ayaa adduunka oo dhan looga guntadaa sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Halku-dhigga sannadkan wuxuu yahay: \u201cAynu u midoowno sidii loo cidhibtiri lahaa tacadiyada loo adeegsado aaladaha dhijitaalka ah ee ka dhanka ah haweenka iyo hablaha.\u201d<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Haweenka iyo hablaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa wajahaya nooc cusub oo tacadiyo ah, kuwaas oo ay horseedeen aaladaha dhijitaalka ah, sida in lagu rakaateeyo muuqaallo laga duubay. Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Dumarka ee Xafiiska Haweenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Suhuura Xasan Cumar, oo waraysi gaar ah siisay BBC Somali, ayaa ka warbixisay dambiyada loo adeegsado [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":119351,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-119350","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119350","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=119350"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119350\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":119359,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/119350\/revisions\/119359"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/119351"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=119350"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=119350"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=119350"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}