{"id":118969,"date":"2025-11-13T21:52:09","date_gmt":"2025-11-13T18:52:09","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=118969"},"modified":"2025-11-13T23:02:13","modified_gmt":"2025-11-13T20:02:13","slug":"socdaalka-soomaaliya-oo-dawladda-ingiriisku-warbixin-dheer-ka-soo-saartay-iyo-waxa-ay-la-xiriirto","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/11\/socdaalka-soomaaliya-oo-dawladda-ingiriisku-warbixin-dheer-ka-soo-saartay-iyo-waxa-ay-la-xiriirto\/","title":{"rendered":"Socdaalka Soomaaliya oo Dawladda Ingiriisku Warbixin Dheer ka Soo Saartay iyo waxa ay La Xiriirto."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">Dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan socdaalka Soomaaliya, taas oo ay muwaadiniinteeda ku wargelisay inay qaataan dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya oo Somaliland ku jirto lakiin marka ay u socdaan magaalada Hargeysa looga baahanaan karo in ay markale garoonka ka qataan dal-ku-galka Somaliland, halka dadka u socda\u00a0caasimadda\u00a0Muqdisho aan looga baahnayn dal-ku-gal labaad.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Tilmaantan cusub ayaa lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee dowladda UK, waxaana lagu sheegay in ay khusayso dadka sita baasaboorka buuxa ee muwaadiniinta ah ee doorta in ay u safraan Soomaaliya.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">&#8220;Muwaadiniinta u socda Madaarka Caalamiga ah ee Muqdisho waa inay hore u dalbadaan E-Visa ka hor inta aysan iman dalka. Laakiin dadka u socda Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa waxaa laga yaabaa in lagu waydiiyo fiisahaas marka ay diyaaradda raacayaan, balse laguma aqbalayo marka ay Hargeysa tagaan.&#8221;<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Sida lagu caddeeyay warbixinta, dadkaas waa inay iibsadaan fiise hal-mar ah (single-entry visa) marka ay gaadhaan garoonka Hargeysa, kaas oo shaqaynaya muddo bil ah. Dowladda UK waxay sheegtay inaan weli la hubin in fiise lagu siiyo meelaha kale ee laga soo galo Somaliland, sidaas darteedna lagu taliyay in dadka safaraya ay xogtooda u gudbiyaan hay\u2019adaha maxalliga ah ama ururka martigelinaya.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Waxaa intaa dheer in qofka socdaalka ah laga yaabo in la waydiiyo warqad martiqaad (invitation letter) oo muujinaysa sababta safarkiisa, taas oo inta badan laga helo goobta shaqada ama hay\u2019adda uu u socdo. Haddii aan la keenin warqaddan, waxaa dhici karta in laguu diido gelitaanka Somaliland.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Warbixinta ayaa sheegaysa in qofka doonaya inuu galo Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, uu leeyahay baasaboor ay dhicistiisa ka hadhsantahay ugu yaraan lix bilood. Dowladda UK waxay ku boorisay dadka safaraya inay hubiyaan in baasaboorkoodu buuxiyo shuruudaha lagama maarmaanka ah, isla markaana ayna isticmaalin baasaboorrada lumay ama la soo sheegay in la xaday.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Xiisada maamulka hawada ee u dhaxaysa Somaliland iyo Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa meel adag maraysa, iyada oo dhinac waliba uu isku dadayo in uu gacanta ku dhigo maamulka hawada. Dowlada Soomaaliya ayaa doonaysa in ay maamusho hawadeeda oo ay Somaliland ku jirto, halka Somaliland ay doonayso in ay gacanta ku dhigto maamulka hawada deegaanadeeda.<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan socdaalka Soomaaliya, taas oo ay muwaadiniinteeda ku wargelisay inay qaataan dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya oo Somaliland ku jirto lakiin marka ay u socdaan magaalada Hargeysa looga baahanaan karo in ay markale garoonka ka qataan dal-ku-galka Somaliland, halka dadka u socda\u00a0caasimadda\u00a0Muqdisho aan looga baahnayn [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":118970,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-118969","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118969","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=118969"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118969\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":118988,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118969\/revisions\/118988"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/118970"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=118969"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=118969"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=118969"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}