{"id":118915,"date":"2025-11-09T23:30:03","date_gmt":"2025-11-09T20:30:03","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=118915"},"modified":"2025-11-09T23:49:10","modified_gmt":"2025-11-09T20:49:10","slug":"guri-ku-yaal-xaafada-oktoobar-ee-magaalada-hargeysa-oo-ay-ku-dhinteen-afar-caruur-walaalo-ah-kadib-markii-aabahood-guriga-gubay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/11\/guri-ku-yaal-xaafada-oktoobar-ee-magaalada-hargeysa-oo-ay-ku-dhinteen-afar-caruur-walaalo-ah-kadib-markii-aabahood-guriga-gubay\/","title":{"rendered":"Guri ku yaal Xaafada Oktoobar ee Magaalada Hargeysa oo ay ku Dhinteen Afar Caruur Walaalo ah kadib Markii Aabahood Guriga Gubay."},"content":{"rendered":"<p>Afar carruur ah oo walaalo ah ayaa ku gubatay guri jiingad ah oo ku yaalla xaafadda October ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, kadib markii aabahood oo cadhaysnaa uu dab qabadsiiyay.<\/p>\n<p>Carruurta oo kala ahaa saddex wiil iyo hal gabadh, oo dhammaantoodna ka yaraa da\u2019da 10 jirka, ayaa ku dhintay guriga kadib markii aabahood inta uu guriga korka kaga xidhay uu dab qabadsiiyay, taasoo sababtay in dhammaan carruurtu ay ku shuf beelaan guriga, sida ay sheegeen ciidamada dab-damiska.<\/p>\n<p>\u201cGuriga oo gubanaya ayaanu aragnay, waxaan ku idhi \u2018Waar Xamsow carruurta guriga ka fur,\u2019 wuxuu yidhi \u2018Naa naga tag, ha gubtaane,\u2019 kadibna xaggaas ayuu iska maray,\u201d ayay tidhi gabadh goob-jooge ah oo u warrantay MMTV.<\/p>\n<p>Sida dabdamisku sheegeen aabbaha carruurta dhalay ayaa dabka qabadsiiyay carruurtiisa, waxaana aabbaha iyo hooyada carruurta dhashay ka dhex jiray khilaaf, iyagoo iskula jiray maxkamad. Kaliya waxaa dabka ka badbaaday gabadh yar oo naaska nuugaysay, taas oo la joogtay hooyadeed. Maydka carruurta ayaa la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p>\u201cManaan moodayn in carruurtu ku jirto guriga, cidlo ayaanu ku ogayn. Waxaanu maqalnay carruurta oo ooyaysa, guriguna xagga hoose ayuu ka soo gubtay oo xoog ayuu u gubanayay. Carruurta ta ugu weyn waxay ahayd siddeed jir, waxayna kala ahaayeen saddex wiil iyo hal gabadh,\u201d ayay Deeqa oo dhacdada goob-joog ka ahayd u sheegtay MMTV.<\/p>\n<p>Gabadha kale oo goob-jooge ahayd ayaa iyaduna tidhi: \u201cMaxkamadda ayay iskula jireen naagta iyo ninka, kadibna carruurta ayaa saaka inanta loo saxeexay. Carruurtii keen ayaa lagu yidhi, dee waakaa carruurtii gubay.\u201d<\/p>\n<p>Warbixin ay soo saareen ciidamada dab-damiska ayaa lagu sheegay in aabbaha lagu eedeeyay falkan arxan-darrada ah la soo qabtay isagoo baxsanaya, isla markaana hadda lagu hayo laanta dambibaadhista CID-da.<\/p>\n<p>\u201cTaliyaha Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), wuxuu murugada la qaybsanayaa qoyska geeridu ku dhacday. Waxaanu Alle uga baryayaa in beddel kheyr qaba siiyo. Aamiin, Aamiin, Aamiin,\u201d ayaa lagu yidhi warbixinta ciidanka.<\/p>\n<p>Madaxweyhihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo kamid ah dadka tacsida u diray qoyska dhibaatadu soo gaadhay yaa yidhi:\u00a0 \u201cWaxaan halkan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii iyo qaranka JSL ee ay ka baxeen afarta carruurta ee walaalaha ah ee maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, degmada Axmed Dhagax, iyagoo ku naf waayay dab\u00a0 qabsaday hoygoodii.<\/p>\n<p>Dhacdadan ayaa bulshada dhexdeeda ka abuurtay argagax, waxayna noqotay dhacdo ugub ah oo aan la filayn, ilaa hadda lama sheegin dhibaatada gaarka ah ee ka dhexaysay ninka iyo xaaskiisa ee sababtay inuu dab qabadsiiyo ubadkii uu dhalay.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afar carruur ah oo walaalo ah ayaa ku gubatay guri jiingad ah oo ku yaalla xaafadda October ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, kadib markii aabahood oo cadhaysnaa uu dab qabadsiiyay. Carruurta oo kala ahaa saddex wiil iyo hal gabadh, oo dhammaantoodna ka yaraa da\u2019da 10 jirka, ayaa ku dhintay guriga kadib markii aabahood [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":118916,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-118915","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118915","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=118915"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118915\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":118926,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118915\/revisions\/118926"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/118916"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=118915"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=118915"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=118915"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}