{"id":118909,"date":"2025-11-09T23:06:34","date_gmt":"2025-11-09T20:06:34","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=118909"},"modified":"2025-11-09T23:50:47","modified_gmt":"2025-11-09T20:50:47","slug":"murashaxnimada-mudo-xileedkii-lixaad-oo-madaxweyne-ismaaciil-cumar-geelle-ku-dhawaaqay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/11\/murashaxnimada-mudo-xileedkii-lixaad-oo-madaxweyne-ismaaciil-cumar-geelle-ku-dhawaaqay\/","title":{"rendered":"Murashaxnimada Mudo Xileedkii Lixaad oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Ku Dhawaaqay."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo doorashada madaxtinimo ee dalkaas ee lagu wado in ay dhacdo Abriil 2026, taas oo noqon doonta muddadiisii lixaad ee uu xukunka u tartamo, kaddib markii baarlamaanka Jabuuti uu dhawaan meesha ka saaray xayiraaddii da\u2019da iyo xaddidnaantii muddada xil-haynta ee dastuurka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo 77 jir ah ayaa sheegay in uu aqbalay codsi kaga yimid xisbiga talada haya ee Ururka Isbahaysiga Horumarka Dadweynaha (RPP), xilli lagu guda jiray shirweyne gaar ah oo xisbigu ku qabtay Qasriga Dadweynaha ee magaalada Jabuuti. Waxa uu sheegay in xisbigu ka codsaday in uu mar lixaad u tartamo madaxnimada dalka Jabuuti.<\/p>\n<p>Geelle, oo xilka hayay tan iyo 1999, ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono siyaasaddiisa oo uu sheegay in ay ku dhisantahay \u201cmidnimo, xasillooni, iyo horumar\u201d isagoo sheegay in dalku wajahayo caqabado caalami ah oo u baahan hoggaan adag.<\/p>\n<p>Xisbigiisa iyo isbahaysiga Union for the Presidential Majority (UPM) ayaa leh aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka, taas oo ka dhigaysa in dib-u-doorashadiisu ay u muuqato mid la hubo. Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay 97% codadkii la tiriyay,<br \/>\nInkasta oo aan la hubin saxnimada doorashada madaama wasaarada arrimaha guduhu ay masuulka tahay doorashooyinka Jabuuti.<\/p>\n<p>Shirkii baarlamaanka Jabuuti ee toddobaadkii hore ayaa lagu ansixiyay beddelka dastuurka lagu sameeyay oo meesha ka saaray qodob tilmaamayay in aanu tartami karin qof da\u2019diisu ka wayntahay 75 sano. Sannadkii 2010 ayaa sidoo kale dastuurka la badalay iyada oo meesha laga saaray qodob tilmaamayay in qofku aanu isasoo sharixi karin wax ka badan 2 jeer, talaabooyinkan ayaa loo qaaday si Geelle uu xilka usii joogo.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jabuuti ayay xubnaha xisbigiisu ku ammaaneen inuu dalka ku soo hoggaamiyay xasillooni dhaqaale iyo amni, isagoo dhigay waddankiisa xarun istiraatiiji ah oo martigelisa saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Japan iyo Talyaaniga. Si kastaba ha ahaatee, ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeya xukuumaddiisa cabudhinta mucaaradka iyo xorriyadda saxaafadda. Sidoo kale mucaaradku waxay sheegaan in uu Jabuuti u horseeday dib u dhac.<\/p>\n<p>Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka Saxafiyiinta aan Xuduuda Lahayn (RSF), Jabuuti ayaa sanadkan 2025 ku jirta kaalinta 168-aad ee 180 dal oo qiimayn lagu sameeyay, taasi oo ka dhigan in ay aad u liidato xoriyada saxaafadu, RSF ay sheegtay in \u201cwarbaahinta dalku ay si buuxda gacanta ugu jirto dowladda.\u201d Geelle ayaa xilka kala wareegay aabbihii aasaasay madaxbannaanida Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon, sannadkii 1999, kaddib markii uu muddo 22 sano u ahaa madaxa xafiiskiisa.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Jabuuti kama jiraan xisbiyo mucaarad oo la yaqaan. Madaxweynaha Geelle ayaa inta badan lagu eedeeyaa inuu maalgaliyo xisbiyo isaga la tartama balse hoosta ka taabacsan, taas oo u sahasha in aanu la kulmin cadaadis mucaarad. Hoggaamiyayaasha mucaaradka badankooda ayaa dalka ka cararay.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo doorashada madaxtinimo ee dalkaas ee lagu wado in ay dhacdo Abriil 2026, taas oo noqon doonta muddadiisii lixaad ee uu xukunka u tartamo, kaddib markii baarlamaanka Jabuuti uu dhawaan meesha ka saaray xayiraaddii da\u2019da iyo xaddidnaantii muddada xil-haynta ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":118910,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-118909","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118909","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=118909"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118909\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":118928,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118909\/revisions\/118928"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/118910"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=118909"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=118909"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=118909"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}