{"id":118820,"date":"2025-11-05T00:30:53","date_gmt":"2025-11-04T21:30:53","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=118820"},"modified":"2025-11-05T00:48:56","modified_gmt":"2025-11-04T21:48:56","slug":"askarta-naafada-somaliland-oo-ka-cabanaya-mushaar-laaan-ilaa-uu-cabdiraxmaan-cirro-uu-xilka-uu-la-wareegay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/11\/askarta-naafada-somaliland-oo-ka-cabanaya-mushaar-laaan-ilaa-uu-cabdiraxmaan-cirro-uu-xilka-uu-la-wareegay\/","title":{"rendered":"Askarta Naafada Somaliland oo ka Cabanaya Mushaar La&#8217;aan ilaa uu Cabdiraxmaan Cirro uu Xilka uu la Wareegay."},"content":{"rendered":"<p>Askar ka tirsan ciidamada naafada ee hawlgabka ah ee Somaliland ayaa saaka xidhay waddada gasha Wasaaradda Gaashaandhigga, iyaga oo ka cabanaya mushaar la\u2019aan.<\/p>\n<p>Askartan oo gubay taayiro isla markaana dhagxaan ku xidhay waddada, ayaa sheegay in ay naftooda u hureen difaaca Somaliland, balse aan la siin mushaarkoodii.<\/p>\n<p>\u201cWasaaradda Gaashaandhigga wax galaya ma jiro ilaa arrinkayaga la xalliyo. Mushaar ma hayno, madax iyo maamul toona ma lihin. Aniga iyo Madaxweynaha cid noo dhaxaysa ma jirto. Dadkani waa dadkii dalka difaacay, maanta se cidlo ayaa lagu reebay. Wallaahi, billaahi, tollaahi, in aanan fadhiisanayn, xataa hadii kun ku kufrido, ilaa cabashadayada la maqlo,\u201d ayuu yidhi mid ka mid ah askarta naafada ah.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Taliska Guud ee Ciidanka Milateriga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa labaduba ka hadlay dhacdadan, iyaga oo soo saaray hadallo isburinaya. Taliska Guud ee Ciidanka ayaa gabi ahaanba beeniyey in dadka mudaharaaday ay yihiin xubno ka tirsan ciidamada, isaga oo sheegay in aanay ciidanka ku lahayn wax xuquuq ah.<\/p>\n<p>\u201cTaliska Guud ee Ciidanka Qaranku waxa uu caddeynayaa in xubnahaasi aanay ka mid ahayn Ciidanka Qaranka, balse ay yihiin shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland. Isla markaasna aanay jirin wax xuquuq ah oo kaga maqan Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka,\u201d ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay taliska.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, oo la hadlay Galaydh TV kadib mudaharaadka, ayaa sheegay in askarta mudaharaaday ay yihiin askar rasmi ah oo ka tirsan ciidanka, isla markaana kamid ah naafada hawlgabka ah ee leh xuquuq ciidan, balse ay dalbanayaan mushaar kordhin.<\/p>\n<p>\u201cWaa naafo kasoo jeeda xerada Birjeex, oo ka tirsan ciidamada kala duwan. Ma aha markii ugu horreysay ee ay mudaharaad noocan oo kale ah sameeyaan; waa markii saddexaad. Waxay dalbanayaan in mushaarka loo kordhiyo si ay ula simaan askarta jooga jiida hore. Dalabkoodu waa kordhin mushaar, balse taasina si khasab ah ku iman mayso, waa barnaamij dowladeed oo u baahan miisaaniyad,\u201d ayuu yidhi Wasiir Maxamed.<\/p>\n<p>Wasiirku waxa kale oo sheegay in dadka mudaharaaday ay taageero ka helayeen kooxo abaabulan oo baabuur ku keenay taayirradii iyo dhagxaantii lagu jaray waddada, isla markaana xogta arrintaas loo gudbiyey laamaha amniga si baadhitaan loo sameeyo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa socda barnaamij dowladeed oo lagu diiwaangelinayo dhammaan naafada ciidanka, gacanta ayaana lagu hayaa diiwaangelintooda. Sidoo kale, miisaaniyadda sannadka 2026 ayaa odoroskeedu ku jira sidii naafada wax loogu qoondeyn lahaa,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka.<\/p>\n<p>Waa markii ugu horreysay ee askar ka tirsan ciidamada Somaliland ay waddooyinka xidhaan iyaga oo si toos ah uga cabanaya mushaar la\u2019aan. Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaa sanadkan 50% kor u qaadday mushaarka ciidamada, iyadoo sheegtay in ay sannad kasta intaa in la mid ah ku kordhin doonto.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"wp-menu-arrow\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"wp-menu-image dashicons-before dashicons-admin-comments\" aria-hidden=\"true\"><\/div>\n<div class=\"wp-menu-name\">Comments <span class=\"awaiting-mod count-0\"><span class=\"pending-count\" aria-hidden=\"true\">0<\/span><span class=\"comments-in-moderation-text screen-reader-text\">0 Comments in moderation<\/span><\/span><\/div>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Askar ka tirsan ciidamada naafada ee hawlgabka ah ee Somaliland ayaa saaka xidhay waddada gasha Wasaaradda Gaashaandhigga, iyaga oo ka cabanaya mushaar la\u2019aan. Askartan oo gubay taayiro isla markaana dhagxaan ku xidhay waddada, ayaa sheegay in ay naftooda u hureen difaaca Somaliland, balse aan la siin mushaarkoodii. \u201cWasaaradda Gaashaandhigga wax galaya ma jiro ilaa arrinkayaga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":118822,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-118820","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118820","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=118820"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118820\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":118829,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118820\/revisions\/118829"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/118822"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=118820"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=118820"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=118820"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}