{"id":118398,"date":"2025-10-14T23:35:08","date_gmt":"2025-10-14T20:35:08","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=118398"},"modified":"2025-10-14T23:57:43","modified_gmt":"2025-10-14T20:57:43","slug":"marin-biyood-ay-hesho-dawladda-ethiopia-oo-madaxweyne-xasan-sheekh-qiray-in-ay-sax-tahey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/10\/marin-biyood-ay-hesho-dawladda-ethiopia-oo-madaxweyne-xasan-sheekh-qiray-in-ay-sax-tahey\/","title":{"rendered":"Marin Biyood ay Hesho Dawladda Ethiopia oo Madaxweyne Xasan Sheekh Qiray in ay Sax tahey."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in\u00a0 codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu saxyahay, isla markaana aan loo baahnayn in uu khilaaf horseedo, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC.<\/p>\n<p>Warbixin lagu daabacay EBC ayaa lagu sheegay in Heshiiskii Ankara ee ay saxeexeen Itoobiya iyo Soomaaliya 12-kii December 2024, uu ahaa mid muhiim ah oo si weyn u xoojiyay xidhiidhka labada dal, isla markaana uu horseeday is-afgarad cusub oo ku saabsan arrimaha badda, nabadda iyo iskaashiga dhaqaale.<\/p>\n<p>&#8220;Iyadoo Turkigu uu door weyn ka qaatay fududeynta heshiiska, labada dal ee deriska ah, oo uu ka dhexeeyo xidhiidh dhiig iyo taariikhi ah, ayaa u tallaabay waddo cusub oo iskaashi iyo nabad ku dhisan&#8221; ayaa lagu yidhi warbixinta.<\/p>\n<p>Itoobiya ayaa ogolaatay in ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan marin badeed iyadoo ixtiraamaysa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, halka Soomaaliya-na ay muujisay diyaar garow buuxa oo ay ugu hiilinayso iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo waara oo dhex mara labada dhinac. &#8220;Labada dal ayaa ku heshiiyay in ay xoojiyaan xidhiidhkooda taariikhiga ah, ayna si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda, horumarka, iyo xasilloonida gobolka.&#8221;<\/p>\n<p>Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu booqashooyin isdaba joog ah ku tegay magaalada Addis Ababa, halka Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu isna booqasho ku tegay Muqdisho iyada oo labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga amniga, lana iska kaashado la dagaallanka argagixisada.<\/p>\n<p>Sidoo kale, ballaadhinta iyo isku xidhka kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga iyo maalgashiga ayaa kamid ah qodobbada ay labada dal si dhow uga wada shaqeynayaan sida lagu sheegay warbixinta.<\/p>\n<p>EBC waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kamid ahaa hoggaamiyeyaashii lagu casuumay xafladdii furitaanka biyo-xidheenka weyn ee GERD, isaga oo qayb ka qaatay xadhig ka jarkiisa, taasina loo arkay calaamad muujinaysa is-afgarad iyo kalsooni cusub oo labada dal u dhexaysa.<\/p>\n<p>Warbixintan oo faallo uun ahayd ayaa lagu soo qaatay wareysigii uu Madaxweyne Xasan Sheekh siiyay Al-Arabiya, iyada oo lagu sheegay in uu waraysiga ku\u00a0 caddeeyay in biyo-xidheenka Itoobiya \u201caanu cidna waxyeellayn doonin,\u201d isla markaana uu xusay in horumarka Itoobiya uu faa\u2019iido u leeyahay Soomaaliya maadaama ay yihiin laba dal oo deris ah oo xuduud dheer wadaaga.<\/p>\n<p>&#8220;Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in su\u2019aasha Itoobiya ee ku saabsan marin badeed ay tahay mid sax ah oo aan loo baahnayn in dagaal lagu galo, balse lagu xallin karo wadahadal iyo iskaashi&#8221; ayaa lagu yidhi warbixinta oo wali xiganaysa waraysigii uu Madaxweynuhu siiyay Al Carabiya.<\/p>\n<p>Booqashadii uu shalay ku tagay Itoobiya ayuu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Ra\u2019iisul Wasaare Abiy Axmed, sida ay EBC sheegtay waxay labada hoggaamiye isla garteen in la xoojiyo iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iyo nabadeynta gobolka, si loo xaqiijiyo barwaaqo iyo horumar wadajir ah.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in\u00a0 codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu saxyahay, isla markaana aan loo baahnayn in uu khilaaf horseedo, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC. Warbixin lagu daabacay EBC ayaa lagu sheegay in Heshiiskii Ankara ee ay saxeexeen Itoobiya iyo Soomaaliya 12-kii December 2024, uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":118399,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-118398","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118398","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=118398"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118398\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":118407,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/118398\/revisions\/118407"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/118399"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=118398"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=118398"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=118398"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}