{"id":117031,"date":"2025-08-09T22:17:17","date_gmt":"2025-08-09T19:17:17","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=117031"},"modified":"2025-08-10T00:30:41","modified_gmt":"2025-08-09T21:30:41","slug":"qiimo-koror-ay-sameeyeen-shirkadaha-isgaarsiinta-ee-dhanka-internetka-telsom-iyo-somtel-oo-shacabku-aad-uga-cadhoodeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/08\/qiimo-koror-ay-sameeyeen-shirkadaha-isgaarsiinta-ee-dhanka-internetka-telsom-iyo-somtel-oo-shacabku-aad-uga-cadhoodeen\/","title":{"rendered":"Qiimo Koror ay Sameeyeen Shirkadaha Isgaarsiinta ee Dhanka Internetka Telsom iyo Somtel oo Shacabku Aad Uga Cadhoodeen."},"content":{"rendered":"<p>Somaliland waxa ka bilaabmay kacdoon lagaga soo horjeedo shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel kadib markii ay shalay si lama filaan ah kor ugu qaadeen qiimaha adeegga xidhmooyinka internetka ee ay bixiyaan.<\/p>\n<p>Labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel ayaa ku heshiiyay in ay ku dhawaad libinlaab kordhiyaan qiimaha lagu iibsado xidhmooyinka internetka ee kala duwan, taasi oo si degdeg ah baraha bulshada uga abuurtay kacdoon dadweyne.<\/p>\n<p>Mudo haraado goosgoos ah ayaa ka dhacay meelo kamid ah Somaliland, iyadoo mudaharaad weyn loo ballamay maalinta Axadda ee berri. Mudaharaadkan ayay shacabku si xoog ah uga abaabulayaan baraha bulshada.<\/p>\n<p>Ilaa saddex qof ayaa la sheegay in ay xalay ku dhaawacmeen iska horimaad booliiska iyo dad cadhaysan ku dhexmaray xaafadda Siinay ee Hargeysa.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wasaaradda Isgaadhinta iyo Tiknoolajiyada ayaa sheegtay in ay isugu yeedhay shirkadaha laga cabanayo, isla markaana ay Sabtida maanta go\u2019aan ka gaadhi doonaan korodhka qiimaha internetka, iyadoo sheegtay in shacabku ay mudan yihiin in la dhagaysto cabashadooda.<\/p>\n<p>Booliiska Somaliland ayaa dhankooda sharci-darro ku tilmaamay mudaharaadada la abaabulayo, waxa uu ku dooday in ay dambi tahay in la qabto mudaharaad aan oggolaansho looga haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.<\/p>\n<p>&#8220;Si loo ilaaliyo amniga guud iyo badqabka hantida muwaadiniinta, lama oggolaan doono nooc kasta oo dibadbax ah oo aan haysan fasax qoraal ah oo ka yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga,&#8221; ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay booliiska.<\/p>\n<p>Hadalka booliiska ayaa ka hor imanaya doodii uu xisbiga Waddani qabay xilligii uu mucaaradka ahaa ee ahayd \u201cin mudaharaadku uu xalaal yahay oo aan loo baahnayn in oggolaansho looga soo qaato Wasaaradda Arrimaha Gudaha\u201d, iyadoo xukuumadda talada haysaa ay xilka timid kadib mudaharaado ay dad badani ku dhinteen oo ay iyadu horseed ka ahayd.<\/p>\n<p>Ganacsatada Somaliland ayaa ku caan ah in ay markasta kor u qaadaan qiimaha adeegyada muhiimka ah iyo maciishadda, taasi oo nolosha bulshada ka dhigtay mid qaali ah oo aan si fudud loo goyn karin.<\/p>\n<p>&#8220;Ceerigaabo, Burco, Berbera, Gabiley, Boorama \u2013 dhammaan dalka Axadda dhiniciina iska abaabula. Waa mudaharaad dalka oo dhan ah, Hargeysa qudha maaha. Dadka ayaa ka badan ganacsatada. Haddii aynaan ka hortegin, quutal-daruuriga ayaa ku xiga,&#8221; ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac oo horseed u ah dadka abaabulaya mudaharaadada.<\/p>\n<p>Dadweynaha ayaa ka warsugaya go\u2019aanka kasoo bixi doona kulanka shirkadaha iyo xukuumadda, kadibna waxa xigi doona tallaabada shacabka haddii wax natiijo ahi ka dhalan waayaan kulanka, sida ay sheegayaan dadka baraha bulshada uga ololaynaya kacdoonka.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Somaliland waxa ka bilaabmay kacdoon lagaga soo horjeedo shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel kadib markii ay shalay si lama filaan ah kor ugu qaadeen qiimaha adeegga xidhmooyinka internetka ee ay bixiyaan. Labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel ayaa ku heshiiyay in ay ku dhawaad libinlaab kordhiyaan qiimaha lagu iibsado xidhmooyinka internetka ee kala duwan, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":117032,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-117031","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/117031","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=117031"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/117031\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":117054,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/117031\/revisions\/117054"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/117032"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=117031"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=117031"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=117031"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}